[Topnews:-] Maxkamadda ICJ oo dib u dhigtay dacwadda Badda Somalia iyo Kenya kadib markii Kheyre warqad u qoray ?

0
Thursday September 05, 2019 - 23:18:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3204
  • (Rating 4.8/5 Stars) Total Votes: 6
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Maxkamadda ICJ oo dib u dhigtay dacwadda Badda Somalia iyo Kenya kadib markii Kheyre warqad u qoray ?

    Waagacusub.com - Maxkamadda Caalamiga ah ee cadaaladda ayaa dib u dhigtay dhageysiga dacwada kiiska badda ee u dhaxeeya Somalia iyo Kenya, oo qorshuhu ahaa in la qabto 9-ka illaa 13-ka bishan September.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Maxkamadda Caalamiga ah ee cadaaladda ayaa dib u dhigtay dhageysiga dacwada kiiska badda ee u dhaxeeya Somalia iyo Kenya, oo qorshuhu ahaa in la qabto 9-ka illaa 13-ka bishan September.

Maxkamadda ayaa hadda kiiskaas dib u dhigtay muddo Laba bilood ah ilaa bisha November ee sanadkan, sida uu sheegay safiirka Somalia ee Midowga Yurub Cali Fiqi.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ay sidaas codsatay Kenya, oo ku andacootay inay dooneyso inay qorato qareenno cusub, kadib markii ay cayrisay qareenadii hore.

ila wareedyo muhiima ayaa sheegay in Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre u soo qoray Warqad uu Maxkamadda uga codsaday in la tixgeliyo codsiga Kenya ee dib u dhigista dacwadda badda.

Kheyre ayaa Kenya kula heshiiyay inuu dacwadda laali doono haddii uu ku guuleeysto Madaxweynenimadda Somalia sanadka 2021.

Maxkamadu ma qaadan sidii uu rabay Kheyre oo aheyd mudo sanad ah hasse yeeshee waxey siisay jaanis laba bilood oo kaliya taas oo ka dhigan inaan lala sugi doonin xilliga doorashadda Somalia.

Maxkamadda ayaan aqbalin codsigii Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo muddo 12 bilood ah, waxaana hadda laga doonayaa inay maxkamadda hor-timaado bisha November.

Inkasta oo Soomaaliya ay dooneysay inaan kiiska dib loo dhigin, haddana dib u dhigista muddada labada bilood ah, ayaa loo arkaa guul ay Somalia gaartay, sababtoo ah waxaa la rumeysan yahay in Kenya aysan daacad ka ahayn dib u dhigista iyo cudur-daarkeeda.

Waxaa muuqata inay yar tahay waxa ay Kenya ku sameyn karto laba bilood gudahood, taas oo weli  rajo siineysa Somalia.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...