[Topnews:-] Amnesty oo la safatay kuwii xasuuqa ka geystay Somalia - Baydhabo iyo Bariire ?
Hadalka caradda xambaarsan ee garabyadda siyaasiyadda iyo bulshadda rayidka ayaa noqday kan ugu hadal heynta badan kadib markii Hay’adda Amnesty International soo dhaweeysay afduubkii lagu qafaashay Wasiirka Amniga Jubbaland Mr Abdirashiid Janan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Odayaal dhaqameedyo iyo aqoonyahano ka tegay Jubbaland u sheegay in Wasiir Abdirashiid Janan u xiran yahay Amnesty International laakiin Amnesty ayaa soo dhaweeysay xarigiisa iyadoo ku eedeeysay tuhun la xiriira ku lug lahaansho dimbiyo lagu waxyeeleeyay dad rayida.
Madaxweynaha Jubbaland Ahmed Madoobe oo shir Jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa isweeydiiyay sababta Amnesty International uga aamustay xasuuqii Ciidanka Farmaajo ka geysteen Baydhabo, Kii Bariire ee lagu laayay beeraleeyda iyo kii lagu weeraray guriga hogaamiyaha Mucaaradka Cabdiraxman Cabdishakuur iyadoo lagu dilay shan ka mida Saraakiisha Amniga iyo gabadh Uur laheyd.
Madaxweynaha Puntland ayaa Amnesty ku eedeeyay iney ku hadashay afka Maamulka Farmaajo taas oo ka dhigan ineysan ka hadlin xasuuqii uu Farmaajo ku laayay shacab iyo Saraakiil ku noolaay Baydhabo, Bariire iyo Guriga Cabdiraxman Cabdishakuur.
Masuul ka tirsan Madaxda bulshadda rayidka Somalia oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa ku eedeeyay Wakiiladda Amnesty ee geeska Afrika iney laaluush ka qaataan Maamulka Farmaajo ee Villa Somalia.
"Farmaajo wuxuu sheegaa in Dowladda Mareykanka uu saaxiib la yahay sidaas darteedna aysan Amnesty iyo Human rights Watch ka hadli karin xasuuqyadii uu ka geystay Baydhabo, Bariire iyo Muqdisho laakiin anigu xogta aan helay waxey sheegeeysaa inuu laaluush siiyo bil walba shaqaalaha Human rights iyo Amnesty international” ayuu yiri Masuul diiday in magaciisa la xigta laakiin ka mida madaxda Hay’adaha xaquuqul insaanka Somalia.
Sikastaba ha ahaatee, Dowladda Farmaajo iyo Kheyre ayaa noqotay Dowladii ugu tacadiyada iyo dilalka badneed ee Somalia soo marta tan iyo wixii ka dambeeyay tii Kaligii taliyahii Mohamed Siyad Barre.
[Topnews:-] Amnesty oo la safatay kuwii xasuuqa ka geystay Somalia - Baydhabo iyo Bariire ?
Waagacusub.com - Madaxda Maamul goboleedyadda, Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo horjoogayaasha bulshadda rayidka ee Somalia ayaa Hay'adda Amnesty International ku eedeeyay iney noqotay Hay'ad ka fog cadaaladda oo ku shaqeeysa rabitaanka maamulk