[Topnews:-] Liiska Saraakiisha Al-Shabaab ee Koofurta Galkacyo jooga magacyadooda ?

0
Sunday November 24, 2019 - 14:07:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4208
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Liiska Saraakiisha Al-Shabaab ee Koofurta Galkacyo jooga magacyadooda ?

    Hay'adda Sirdoonka iyo la dagaalanka argagixisadda Galmudug waxey mudo baaris ku waday shaqsiyaadka Geed Fadhiga u ah Al-Shabaabka Koofurta Galkacyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Sirdoonka iyo la dagaalanka argagixisadda Galmudug waxey mudo baaris ku waday shaqsiyaadka Geed Fadhiga u ah Al-Shabaabka Koofurta Galkacyo.

1- Ninka ugu weyn Al-Shabaabka Koofurta Galkacyo waxaa la yiraa Dahir Galax.

Dahir Galax waa ninka heysta Mashruuca aruurinta Canshuurta iyo soo dhaweeynta.

Wuxuu Dahir Galax heystaa ganacsiga guud ee Koofurta Galkacyo. qabiilkiisa waa Sacad Reer Nimcaale.

2- Ninka labaad waxaa la yiraa  Cabdullahi Axmed Faarax. waa ninka Dahabshiil uga wakiilka ah Koofurta Galkacyo, waxaa la qabtay xilligii Maxkamadaha isagoo u dagaalamaya Al-Shabaab, wuxuu u dhashay Sacad Reer Hilowle, Reer Ciise.

Cabdullahi Axmed Faarax wuxuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay furista Madarasooyin lagu mara habaabiyo Caruurta si loo baro Jihaadka. wuxuu Madarasooyin fara badan ka furay guud ahaan dhulka beesha Sacad Habargidir degto. degaanadii ka caaganaa iney Al-Itixaadka tagaan sida Hobyo ,Wisil ,Gawaan ,Ceelguula, Ceeldibir, Afbarwaaqo, Bitaale ,Docol iyo Galkacyo oo talis u aheyd wuxuu ka furay madarasooyin ay dadka ashahaadka ugu qabtaan.

3- Ninka seddexaad oo ah Ninka dhaawaca laaya , waxaa la yiraa Maxamed Cabdi. Waa Agaasimaha Isbitaalka Koofurta Galkacyo, qofkasta oo dhaawacmana waa dhameeystiraa.

Haddii qof ku dhaawacmo qarax ama xabad ay ku dhifteen waa ninka dhameystira oo Isbitaalka ku sumeeya. wuxuu dhashay Sacad, Reer Ayaanle.

4- Ninka afaraad waxaa la yiraa Saciid Nur Dhoore , waa ninka u qaabilsan la socoshadda , telefoonadda iyo dhaqdhaqaaqa lacag isu dirista EVC Plus. waana Wakiilka Hormuud Telecom. wuxuu u dhashay Sacad Reer Hilowle, Reer Isaaq.

5- Ninka shanaad waxaa la yiraa Cabdul Jamac dharas. Wuxuu leeyahay Hotel-ka 5Star Galkacyo, wuxuuna qaabilsan yahay dhaqdhaqaaqyadda dadka jiifta Hoteladda Koofurta Galkacyo iyo soo dhaweeyntooda. wuxuu u dhashay Sacad, Indhayar.

6- Ninka Lixaad waxaa la yiraa Cabdullahi Dhudhun ,  wuxuu masuul ka yahay Hotel Embassy ,waana dalaal gada dhulka. wuxuu dhashay Sacad, Reer Hilowle, Reer Isaaq.

7- Ninka todobaad waxaa la yiraa Cabdullahi Istakiin. Waa Sacad Luga yar, wuxuu qaabilsan yahay Amniyaatka iyo Sahanka.


Loading...


  


Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...