[Topnews:] Akhri Xeer ilaaliyaha oo AxmedNur Cali Jimcale Hormuud Telecom iyo Maryan Macalin Bankiga dhexe ku cadeeyay iney afduubteen Ganacsade Baariyow kadibna xoog uga qaateen Labadiisii dabaq

0
Tuesday November 26, 2019 - 06:59:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3012
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:] Akhri Xeer ilaaliyaha oo AxmedNur Cali Jimcale Hormuud Telecom iyo Maryan Macalin Bankiga dhexe ku cadeeyay iney afduubteen Ganacsade Baariyow kadibna xoog uga qaateen Labadiisii dabaq

    Gudoomiyaha Shirkadda Hormuud Telecom Ganacsade Axmed Nur Cali Jimcale, Gudoomiye ku xigeenka Bankiga dhexe ee Somalia Maryan Macalin iyo Nin la yiraa Maxamed Amiin Sheekh Xuseen ayaa lagu helay dimbi ku saabsan iney afduubteen Ganacsade Cabduqadir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

File Attachment
Size: 397 KB
Gudoomiyaha Shirkadda Hormuud Telecom Ganacsade Axmed Nur Cali Jimcale, Gudoomiye ku xigeenka Bankiga dhexe ee Somalia Maryan Macalin iyo Nin la yiraa Maxamed Amiin Sheekh Xuseen ayaa lagu helay dimbi ku saabsan iney afduubteen Ganacsade Cabduqadir Baariyow iyagoo kadibna jirdil ku sameeyay , kana qaatay dhamaan dukumiintiyadii lahaanshaha labadiisa Hotel ee ku yaal Wardhiigleey iyo Howlwadaag. Baarista waxaa ka soo ifbaxay in iyadoo la adeegsaday afduub, xoog, handedaad, baqdin gelin iyo waxyeelleyn nafta Baariyow iyo eheladiisa, lagala wareegay hantidiisa. Inkastoo Axmed Nur Cali Jimcale, iyo Maryan Macalin laaluush siiyeen xeer ilaaliye Axmed Cali Dahir hadana dacwadaan mudada socotay waxey cadeeysay in Ganacsade Axmed Nur Cali Jimcale uu dabaqa Baariyow xoog ku deganaa 25 sano , laga soo bilaabo 1994.







JAMHUURIYADDA FEDERAALKASOOMAALIYA

XAFIISKA XEER ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA


Muqdisho, 17/01/2016,


Ujeeddo:  Warbixin & Talo soo jeedin.


Mudane  Xeer-llaaliye Guud, 


Warbixinta Gal-dacwadeedka   ka   dhaxeeya Dhibbane Cabdulqaadir Maxamed  Aadan (Baariyoow) Maxamed Amiin  Sh.Xuseen  iyo  Maryan  Cabdullaahi  Yuusuf,  waa sidan:-


Ugu horayn, Baaris  qota dheer ee aan  ku  sameeyay kadib, waxaa  Gal-dacwadeedkaas,  ka soo  if-baxay dhacdooyinka iyo caddeymaha hoos ku cad, waana sidan:-


Sida  uu  caddaynta  uu ku  bixiyay  Maxamed Amiin  Sheekh  Xuseen oo dacweysane ka ah dacwaddan:


  1. Wuxuu sheegay iney jirtey lacag dhan $225,00(Labo boqol iyo labaatan iyo shan kun oo doolar) oo uu daymiyay Cabdulqaadir  Maxamed Aadan (Baariyoow), isagoo aan aqoon u laheyn, hase yeeshee uu u keeney nin isaga uu aqoon u lahaa oo la yiraahdo Daahir Wehliye Siyaad oo ka damiintey inuu lacagtaasi siiyo maadama uu Daahir sheegay in  Cabdiqaadir ay u taalo Sacuudiga lacag Riyaal ah, isna uu u baahnaa Riyaalkaas. 


  1. Maxamed Amiin Sheekh Xuseen, wuxuu kale oo uu sheegey in saddex sanno kadib markii uu Cabdulqaadir  Maxamed Aadan (Baariyoow) uu lacagtii bixin waayay in ay is la oggolaadeen in Maxamed Amiin Sheekh Xuseen lagu wareejiyo Dhisme Hoteel ah oo Bakkaaraha ku yalla ee uu lahaa Cabdulqaadir  Maxamed Aadan (Baariyoow), oo markaas sida uu sheegay lagu qiimeeyey lacag dhan $400,000(Afar boqol oo kun oo doolar). 


  1. Haddaba  Maxamed Amiin Sheekh Xuseen  wuxuu sheegay maadaama lacagta uu ku lahaa Cabdulqaadir  Maxamed Aadan (Baariyoow) aysan garsiisneyn qiimaha Hoteelka, ayuu Cabdiqaadir, waxa uu iga dalbadey in aan ka bixiyo lacag dhan $175,000(Boqol iyo toddobaatan shan kun oo doolar) oo lagu lahaa aan kala siiyo dadkan hoos qoran:


  1. Xaaji Cabdi Cosoble oo lahaa lacag dhan  $40,000 (Afartan kun oo doolar); 
  2. Khaliif Sh.  1braahim oo   lahaa lacag dhan   $30,000(Soddon kun oo doolar);
  3. Saynab Xersi oo lahayd lacag dhan  $30,000(Soddon kun oo doolar); 
  4. Xasan Geeddi oo lahaa lacag dhan  $15.000(Shan iyo toban kun oo doolar);
  5. Coloow Jilacoow oo lahaa lacag dhan $60,000(Lixdan kun oo doolar);


  1. Wuxuu intaas raaciyay, in kadib markii uu lacagtaasi  bxiyey uu iyagoo wada jooga Nayrobi, Kenya  Cabdulqaadir  Maxamed Aadan (Baariyoow)  uu isaga  ku wereejiyay  Hoteelkaas, wuxuuna sheegay oo kale in uu hayo caddeyntii iibka hoteelka ee ay Nayrobi ku kala qorteen iyo kala wareejin ay ku sameeyeen Naataayada Diirshe ee Xamar.


  1. Waxa xusid mudan markii la weydiiyay in uu haysto wax caddeymo ah oo ku saabsan arrimahaa uu sheegay, uu  Amiin  Sheek Maxamed sheegey in uu haysto caddeynta kala wareejinta hoteelka iyo qoraal uu Cabdiqaadir Maxamed Aadan (Baariyoow) gacantisa  ku qorey oo kaga dalbanayo in uu ka bixiyo lacgta daynta ah ee lagu lahaa ee kor ku xusan, balse maalintii loo balansanaa in uu cadeymahaasi keeno, Amiin Sheekh Maxamed wuxuu sheegey in uusan haynin wax caddeyn ah oo arimahaa khuseeya. 


  1. Sidoo kalena wuxuu sheegay Amiin  Sheekh Maxamed inuusan hayn caddeyn ku saabsan lacagta $225,000(Labo boqol iyo labaatan iyo shan kun oo doolar) ee uu daymiyay Cabdulqadir Maxamed Aadan (Baariyoow), balse  ee uu damiin uga ahaa Daahir Weheliye Siyaad sidaasina uu ku aaminay.


Waxaa kale oo uu Xafiiska caddayn ka qoray Maryan Cabdullaahi Yuusuf , waxayna caddaynteeda oo ku taariikhaysan 12/12/2015, ku sheegtay :


  1. in 1991- uu u yimid Cabdulqaadir Maxamed Aadan oo u sheegay in dalka dibaddiisa ku haysto lacag Doolar ah oo uu doonyo inuu ku beddesho  lacag  Soomaali,  markii  ay  is-waafaqeena ay Cabdiqaadir Maxamed Aadan (Baariyoow), weyddiisatay inuu u keeno qof la yaqaano  oo Damiin ka noqda, kadibna uu u  keenay  Cabdi  Warsame  Isaaq. Cabdi Warsame Isaaqna uu u balan qaadey in haddii Cabdiqaadir bixin waayo lacagta muddada lagu heshiiyey la iibin doono guryaha Cabdiqaadir;


  1. In Cabdiqaadir uu lacagtii bixin waayey, muddo 3 sanadood kadibna  uu Cabdiqaadir ku wareejiyay Guriga loo yaqaano Hotel Baariyoow oo ku yaala waddada 30-ka;


  1. In ay iyadu aysan doonaeyn guri, balse ay u baahneyd lacag caddaan ah, Cabdiqaadirna uu doonayay in uu lacagta uu iska bixiyo balse ay u suurtogali weydey. Sidaasi darteedna iyadoo ayna cidi ku qasbin uu gurigaa ku wareejiyay;


  1. Waxay kale oo sheegtay In an Cabdiqaadir Maxamed Aadan (Baariyoow), aysan cidna qasbin ayna daliil u tahay in uu isagu iskii guriga iigu wareejiyay magaalada Nayrobi nootaayo hortiis, sida ku cad waraaqaha aan horkeeni doono Maxkamadda haddii lo baahdo; iyo 


  1. In uu Cabdiqaadir markale igula wareejiyay guriga Nootaayada Diirshe Hortiisa, halkaana iigu wareejiyay dokumentiga guriga. 


Mudane Xeerilaaliye Guud;

Kadib wareysiga iyo caddeymaha laga qorey labada dacweysane sida kor ku xusan, waxa aan sameynay baaris dheeraad ah, waxaan caddeymo ka qorney tiro dad ah oo wax ka ogaa dacwadda. Baaristaana waxa nooga soo baxan sidan:


Waxaa caddayn laga qoray Maxamed Aadan Carays, caddayntaasi oo ku taariikhaysan 26/12/2015, wuxuu ku  sheegay:  


  1. In Gurigaas uu leeyahay Cabdulqaadir Maxamed Aadan balse asagu waardiye ka ahaa;

 

  1. In Cabdiqaadir Maxamed Aadan iyo 2 nin oo kale ay Kafee doonteen, kadibna Cabduqadir Maxamed  Aadan ay afduubeen Mooryaan sidatay  Qoryo AK-47 ah, muddo  7 cisha ahna ku haysteen Guri, kadibna uu Cabdiqaadir ka  soo  baxsaday  7 saac  oo  maalinnimo;

 

  1. In maalintii uu soo baxsadey oo ahayd goor duhur ah ay Cabdiqaadir u yimaadeen laba nin oo hubaysan iyo naag kadibna ay weydiiyeen in lagu soo wareejiyo dokumentigii guryah, kadiban uu  Cabdiqaadir aabihiis siiyay dokumentigii isagoo ku yidhi  "wiilkayga wuxuu idiin raadinayaa lacagta, haddii uu soo waayana  kolkii  ay  Dowlad timaado  ayaa hoteelada la gadayaa oo lacagtiina la idinka siinayaa.


Waxaa kale oo caddayn laga qorey Cabdiraxmaan Awaare Ciise, caddeyntaas oo ku  taariikhaysan  26/12/2015, wuxuu ku sheegay:


  1. In Cabdiqaadir Maxamed Aadan la afduubay oo uu arkayay markii la afduubayay, 7 casho lagu haystay Guri,  loona  afduubay si looga qaato Dokumentiga  Hoteelada in Cabdiqaadir Gurigii lagu haystay derbi ka soo booday;


  1. Wuxuu sheegay  in  uu Cabdiqaadir, qoraal u dhiibey kaasi oo u gacantiisa ugu geeyey Joornaalka Qaran qoraal kaasina ku soo baxay isla joornaalkaas oo uu Cabdiqaadir ku sheegeyay in huteeladaas  aan la  gadi Karin;  Lacagta qoraalka Joornaalkana uu isagu gacantiisa ugu geeyey;


Waxaan kale oo weydiistay Nootaayo Maxamuud Xuseen Diirshe, inuu yimaado Xafiiska si aan wax uga weydiinno jiritaan iibka iyo kala wareejinta Hoteellada, Nootaaye Diirshe  wuxuu caddeeyay:


  1. Inuusan jirin wax uu ka ogyahay gadashada Hoteelka uu Ammin sheeganayo; iyo


  1. in anuu dhiibi Karin warbixin ama caddeyn kaamil ah oo khuseeya iibka iyo wareejinta hoteelka Baariyow ee Maryan ku doodayso, maadaama uu uu yahay qabyo qoraal uusan hubin waxa uu yahay qoraalka ku taariikheysan 24/12/1993 ee la xidhiidha arintaasi


Waxaa kaloo caddayn laga qoray lnj. Xasan Maxamuud Maxamed ( Xasanoow ), 


Wuxuuna sheegay:


  1. In labada Hoteel ee Baariyoow oo  ku yaala Suuqa· Bakaaraha,  wax uu  ka  ogyahay  aysan jirin, waddankana uu ka baxay 13/07/1991, wuxuuna ku soo laabtay dhammaadkii sanadkii 1992;


  1. Wuxuu  kaloo  sheegay in Cabdiqaadir  Cismaan  Xasan  oo aan adeerkiis ahay ku iri la shaqeey Maryan Macalin Yuusuf (Maryan Sheekh Yuusuf) oo aan aniga iyo iyada aan shirko nahay. 

 

Hase yeeshee waxaa xusid mudan in aan baarista ku helay oo aan wax ka weydiiyay Xasan Maxamud Maxamed, wakaalad ka soo baxdey Maxkamada Degmeda Xamar jajab oo tixraaceedu yahay 03/014 BG, kuna taariikhsaneyd 13/3/2014 oo uu Cabdiqaadir Cismaan Xasan uu wakiil uga noqanayo Xasan Maxamud Maxamed saamiga deynta uu ku lahaa Hoteel Baariyow, Hoteelkaasi oo ay Wakiil ka tahay Maryam Macalin. 


Wakaaldaas maxkamdeedna waxay caddeeysay in uu Xasan Maxamud Maxamed ka mid ahaa dadkii daynka ku sheeganayey Baariyow, iyo in Hoteelka ay Maryam sheegatay in ay iibsatey oo uu ku wareejiyay Cabdiqaadir Maxamed Aden aysan wax ka jirin, balse ay xaqiiqadu tahay in Maryan Hoteelka loogu dhiibey in ay u haysato damaanad inta deyn la bixinayo, Xasan Maxamud Maxamed uu ogyahay kana warqabo arrinta labada hoteel.



Waxaa kale oo aan wareysanay ninka la yiraahdo Cabduqaadir Cismaan Xasan oo ah nin xog-ogaal u ahaa sifaha guryahan lagula wareegey iyo dhamman xaqiiqooyin wax ku ool u ah go’aan ka gaarista dacwaddaan. Cabdiqadir Cismaan waxa uu caddeyay sidan: 

 

  1. In lacagta lagu sheeganayey Cabdiqaadir Maxamed Aadan Baariyoow, ay ahayd $250,000 (laba boqol iyo Konton kun oo Doolar, kamana badneyn sida ku cad Notaayo Cabdi Colaad Xiireey;


  1. Sifaha lacagtaasi Cabdiqaadir Maxamed Aadan Baariyoow loogu yeeshayna ahayd isagoo damiin ka ahaa Jeegag uu lahaa Cabdi Warsame Isaaq, jeegagaasna loo lacageeyay;


  1. Kadib markii uu bixin waayey lacagtii lagu lahaa, inta aan dokumentiga laga wareejinin Cabduqaadir Maxamed Aadan Baariyoow waxaa loo sheegtay awood Mooryaanimo waana la afduubay, waxaana lagu afduubay guri, kaddibna waa ka soo baxsaday;


  1. Kaddib markii uu soo baxsaday guriga ayaan ugu tagnay, Cabduqaadir Aabihiis ayaa noo dhiibay dokumentiga labada hotel rahan ahaan;


  1. Markii dambe Cabduqaadir Maxamed Aadan, waxaa lagu qasbay isagana uu garoowsaday madaama uu u baqaayay naftiisa iyo tan reerkiisa in uu ku wareejiyo labada hotel Maryan Macalin Yuusuf;


  1. Maryan Macalin ayaa labada hotel sida ay doonto ka yeeleysay, kaddibna walaalkeey oo ogaa in aan lacagta hoteladaas wax ku leeyahay ayaa mooryaan geeyay xoogna ku qabsaday;


  1. Markaas ayaa Maryan macalin ila soo hadashay oo igu tiri walaalkaa ayaa hoteladii mooryaan keensaday;


  1. Kaddibna aniga iyo Maryan waxaan ku heshiinay in nin mooryaan ah oo hoteelka horay u joogay la siiyo 3000 oo doolar si loo dilo walaalkeey;


  1. Lacagtaas waxaa bixisay Maryan Macalin, nasiib wanaag dilkii ma dhicin, waayo walalkeey waxaa la siiyay 5000 oo doolar si uu faraha uga qaado hoteelada, lacagtaasna Maryan Macalin ayaa dhiibtay;


  1. 10)Wuxuu kaloo sheegay in uu haayay muddo badan dokumentiyada labada hotel ee uusan maqlin weligii nin la yiraahdo Maxamed Amiin Sheek Xuseen oo lacag ku leh Cabdiqaadir Maxamed Aadan Baariyoow;


  1. 11)Wuxuu xusay in ay Maryan Sheekh Cabdillahi, mar uu kula kulamay Dubeey labaatan sanno kaddib, u sheegtey isaga in Hoteeladii Baariyoow mid ka mid ah uu la wareegey nin la yiraahdo Maxamed Amiin Sheekh Xuseen oo ay ii sheegtey inay jirtay lacag uu ku lahaa Baariyaow; 


  1. 12)Ugu dambeyna wuxuu sheegay inuu ogaa oo kaliya in labada hotel iyo dokumentiga loo haystay lacagta 250.000 kun oo doolar ah, ee uusan ogayn cid kale oo lacag ku lahayd Cabduqaadir Maxamed Aadan Baariyoow.


Waxaa kale oo aan wax ka weydiinay dhacdada Dacwadda oo aan maragfur ka qorney Yuusuf Kulmiye Culusow  oo wax weyn ka ogaa dhacdada, waxna ku lahaa lacagta lagu sheeganayay Cabdiqaadir Maxamed Aadan Baariyoow, Yuusuf Kulmiye wuxuu ku marag furey sidan:


  1. In lacagta loo haystey labada Hoteel ee Baariyoow ay ahayd $250,000.00;


  1. In isaga oo Yuusuf Kulmiye ah iyo Maryan Sheekh Cabdillahi kula wareegeeen Hoteel 1aad ee Baariyoow lacag dhan $215,000.00;


  1. Inuusan jirin wax uu ka ogyahay qiimaha Guriga Weyn ee Baariyow loogu wareejiayay Maxamed Ammin Sheekh;


  1. In aysan jirin wax kala wareejin Guryaha ah oo ka dhacday Nayrobi ama meel kale oo ka baxsan Soomaaliya, balse kala wareejinta guryaha ay ka dhacdey Xafiiska Nootaayada Diirshe ee Magaalada Muqdisho.


Waxa kale oo aan baaristaa ku soo helnay caddeyn uu bixiyay ninka la dhaho Cabdullaahi Axmed Cali oo ahayd sidan:


  1. In Decemebr 1993, wakhtigaas oo uu ahaa tafatiraha wargeyskii la odhan jiray Qaran Press;


  1. Uu Cabdiqaadir Maxamaed Aadan (baariyow) ku baahiyay fariin dadka uu uga digayo in aysan iibsan, kiraysanna daarta guriga ay xarunta u ah shirkadda Al-Barakaat oo ay hadda ku jirto Shirkadda Hormuud Telecom ee ku yaal Bakaaraha;


  1. Fariintaasina uu Baariyow ku sheegey in uu Gurigaasi isagu leeyahy balse xoog looga haysto.


Gungaarka Barista Hordhaca ah


Mudane Xeerilaaliye Guud; 


Baaristaan aan sameyney waa hordhac, waxaase nooga soo baxay qodobadan soo socda:


  1. In Cabdiqaadir Maxamed Aaden ay ku sheeganayeen lacag dhan $250,000, dad ay ka mid tahay hormuudna u tahay Maryan Macalin Yuusuf;


  1. In Dokumentiga iyo Guryahaba loogu wareejiyay Maryan Macalin Yuusuf, si ay u hayso una maamusho guryaha inta deyntooda la siinaayo, iyada iyo dadka kale oo Cabduqaadir Maxamed Aadan Baariyoow wax ku lahaa;


  1. In Cabduqaadir Maxamed Aadan Baariyoow loo hanjabey, lana afduubey, khatarna la galiyay naftiisa iyo tan ehelkiisaba, sidaasina uu ku ogolaadey iib iyo wareejin qasab ah, oo uusan xoriyadiisa iyo doonistiisa midna uusan ku wareejin Maryam sheikh Yuusuf (Maryan Macalin Yusuf)  Hoteelka loo yaqaannay Baariyow;


  1. Ineysan jirin wax caddeyn kale ah oo muujineysa in Maxamed Amiin Sheekh uu lacag kale ku lahaa Cabdiqaadir Baariyow; 


  1. Ineysan jirin wax caddeynaya in Baariyow uu ka iibiyay kuna wareejiyay Maxamed Amiin Sheekh Xuseen Hoteel loo yaqaannay Baariyow 2;


  1. In Maryam Sheekh iyo Maxamed Amiin ay ku talo galeen in ay dhacaan Guryaha Cabdiqaadir Maxamed Aden, isna siiyeen hantidaasi oo aanay lahayn, xoogna ilaa maanta ku haystaan;


  1. Sidaas darteedna lagu eedeynaayo Maryan Macalin Yuusuf iyo Maxamed Amiin Sheekh Xuseen, iyo waliba xubno kale oo ka mid ah kuwa caddeymaha laga qorey sida Xasan Maxamud Maxamed fal-dambiyeedyada Afduub, dhac, haysasho ee Qodobada 460aad, 468aad, 485aad ee XCS.


Talo soojeedin


Mudane Xeerilaaliye Guud; 


Baarista Hordhaca ah ah, waxaa ka soo ifaxay in iyadoo la adeegsaday afduub, xoog, handedaad, baqdin gelin iyo waxyeelleyn nafta Baariyow iyo eheladiisa, lagala wareegay hantidiisa.


Haddaba, si xaqiiqada iyo caddaladda loo sugo, waxaan soo jeedinayaa in aan baaris dheeraad ah sameyno, si gaar ahna waxaan soo jeedinayaa oo aan u arkaa in ay tahay lagama maarmaan, si caddalad aan xaqqiqada u taabanno una sugno caddaladda, in la waco si wax looga weydiiyo arrimaha guryaha (Hoteelladaa) iyo dhacdooyinka la xiriira labdadan qof :


  1. Axmed Nur Cali Jumcaale; iyo


  1. Maryan Macalin Yuusuf (Maryan Sheekh Yuusuf)


Sababtoo ah Axmed Jimcaale waa ninka gatay Hotelka Bakaaraha ee Baariyoow sida la sheegaayo, waxaanna aaminsanahay inuu beecaasi xalaal ahayn, maadaama uu gatay hanti la soo dhacay, sidaas darted waa lagama maarmaan in la ogaado dokumentiga uu kula wareegay iyo cidda uu dhab ahaan kala wareegay.


Waxaan aaminsanahay Maryan Macalin Yuusuf, iney fure u tahay dacwaddan, iyo in si qota dheer loo caddeeyo, kaalinta Maxamed Amiin Sheekh Xuseen, oo aan ka mid ahayn dadkii lahaa lacagtii $250,000 ee uu dhibbane Cabduqaadir Maxamed Aadan uu damiinka ka noqday, xogna looga qaatay hantidiisa.


Dhinaca kale Maryan Macalin iyo Maxamed Aamiin waxay sheeganayaan in ay hoteelada kula wareegeen Nayroobi, taas oo aan aaminsanahay in aysan jirin, maadaama baarista hordhaca ah ay nooga soo baxday in aysan jirin wax kala wareejin ah oo ka dhacday dalka dibadiisa, waxaanan u arkaa in ay tahay marin haaabin loola jeedo inaan qasab iyo xoog wax looga qaadan oo meel nabad ah ay wax kula wareegeen, waana cudurdaar een oo ku kooban labadaan tuhunsane.


Haddaba, waxaa lagama maarmaan ah, in aan helno dokumeentiyada kala wareejinta ee ka dhacday sida la sheegaayo Nayroobi, waxaana heeysa oo aan ka helaynaa Maryan Macalin Yuusuf iyo Axmed Jimcaale, sidaas darted, waa in loo yeeraa oo laga qaadaa nuqulada dokumentiyadaa si loo dhameystiro baarista.


Gaar ahaan, iyadoo la tixgelinayo Maryan Macalin Yuusuf way diiday in ay dhiibto koobiga dokumentiga ay sheegtay in lagu wareejiyay Nayroobi, iyadoo shardi ka dhigtay haddii ay dhiibeyso koobiga dokumentigaa ay dalbaneyso in la soo afjaro socodsiinta dacwadda ciqaabta, taasna waxaan u arkayaa in aysn dooneyn in la baaro dokumentigaas, oo la ogaado asal ahaantooda iyo halka ay ka soo bexeen, sidaas darteed waa lagama maarmaan in laga qaado.



KU XIGEENKA XEERILAALIYAHA GUUD EE QARANKA


Dr CABDI CALI CUMAR.

Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...