[DAAWO AKHRI - CADEYN] Waxyaabaha sababa kansarka Somalida laayay ? Investigative report .

0
Saturday December 07, 2019 - 11:34:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 6443
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 7 0
  • Share via Social Media

    [DAAWO AKHRI - CADEYN] Waxyaabaha sababa kansarka Somalida laayay ? Investigative report .

    Waagacusub.com - Cudurka kansarka ayaa fara ba'an ku haya Somalida, waxaa qiyaastii maalinkasta u dhinta 11 qof gudaha Somalia.sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta kansarka ee Jaamacadda Somalia. Kansarka halista badan maxaa sababa? Daraasadii ugu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Cudurka kansarka ayaa fara ba'an ku haya Somalida, waxaa qiyaastii maalinkasta u dhinta 11 qof gudaha Somalia.sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta kansarka ee Jaamacadda Somalia. Kansarka halista badan maxaa sababa? Daraasadii ugu dambeeysay waxey cadeeysay in kansarka Somalia ay sababaan arrimahaan hoos ku qoran.

1- Tubaako Somalida aad u isticmaasho oo la yiraa TAABUU.waxaa inta badan laga qaadaa Nairobi ,Kenya.

2- Anteenooyinka Isgaarsiinta ee Xaafadaha dhexdooda lagu rakibay. waxey bixiyaan shucaac , sun halisa oo sababta kansarka jirka iyo kan urta sunta hawadda.

3- Caagaga biyaha ee lagu shubto waxyaabaha kulul sida Shaaha, oo ay aad u isticmaalaan dadka qayila, sida askarta iyo muqayiliinta safra.

4- Kaniinka loo yaqaan Zentac ee loo isticmaala Gaas tariiga , ayaa noqday kan xanuunka ugu badan ee kansarka ka qaadeen Somalida.

5- Cuntooyinka diyaarsan ee ku jira gasacadaha sida Malaayga, Yaanyadda, Jibiska iyo Cabitaanadda diyaarsan,  waxyaabaha gasacadeeysan ee dibadda laga keenay .

6- Sonkorta iyo Saliid Cadeeyda ayaa noqday kuwa ugu halista badan ee cudurka Kansarka laga qaado maadama Somalida loo geeyo alaabahaan oo aan baaris Caafimaad marin. Saliid Cadeeyda halmar ka badan waxba laguma shiilan karo , laakiin halista ugu weyn waxey tahay inaan la hubin marka hore xitaa .

7- Dawadda afka lagu cadeeysto ee Colgate-ka loo yaqaan , gaar ahaan tan Afrika la geeyo, waxaa laga qaadaa Cudurka kansarka afka.

8- Sun iyo kiimikooyin lagu shubay badda Somalia oo inta badan soo butaacdo ama soo caarisa. dadka jirkooda ayaa go’ go.

9- Seexashadda, fariisiga dhulka leh Shidaalka, Yurooniyoomka ama macdanta sida goboladda dhexe, Jubooyinka, Sool, iyo Sanaag, Bay iyo Bakool iyo meelo la mida. qofka waa inuusan fariisan, seexan dhulka isagoon iska xejin salli ama wax ka difaaci kara neefta ka soo baxeeysa dhulka hoostisa.

10- Tubaakadda shiishada qaarkood sida Appel-ka ayaa ka mida waxyaabaha kansarka laga qaado, tusaale tubaakadda la geeyo Somalia waxey u badan tahay tubaako dhacday.

Jirka bini'aadamku wuxuu u sameysan yahay qaab uu cuntada aan cunno u kala sooco. Cuntooyiinka inta badan la shiilo ayaa ah kuwa aan caafimaadkeenna ku wanaagsaneen, sida cilmi baarayaal caafimaad ay soo saareen.

Sida ay xuseen cilmi baarayaal caafimaad oo Faransiis ah, cuntooyiinka warshadeysan iyo xannuunka kansarka waxaa ka dhexeeyo xiriir wayn.

Warbixinta ay soo saareen oo lagu sheegay in la wareystay 105,000 oo qof ayaa bidhaamisay in kolba inta aad badsato cuntooyiinkaas, aad usii dhowaaneyso halista cudurka kansarka.

Aad ayay u sareysaa digniinta ay dhaqaatiirta soo saareen, balse waxay kugula talinayaan in cuntooyiinka caafimaadka leh ay yihiin kuwa kaa badbaadin kara kansarka.

Kuwee ka mid ah cuntooyiinkaas warshadeysan

  • Soosaarka badan ee rootiga iyo kuwa la midka ah
  • Waxyaabaha macaan ama dhadhanka leh ee faakiheysiga loo cuno, sida jibsiga la qallajiyay ee beceysan
  • Shukulaatada iyo macmacaanka kale
  • Cabitaannada aasidka leh iyo kuwa macaan ee warshadeysan
  • Hilibka cas iyo kalluunka la dubay
  • Baastada aan karinta u baahnayn ee maraqeeda wadata ee bacaysan
  • Hilibka la qaboojiyay ee diyaarka u ah in la cuno
  • Cuntada laga sameeyay sonkorta, saliidda ama dufanka

Markasta cunnooyinka shiilitaanka aan qaadanno uu cadaadis kala kulmo jirkeennana, taas waxay sababeysaa in jirkeenna u nuglaado inuu ku dhaco cudurkan halista ee Kaansarka, sida ay sheegeen baarayaasha kasoo jeeda Faransiiska.

Hilibka cas/jiirka ah ee la dubo

Sida lagu xusay dib u eegis daraasad oo lagu taageeray mid ay horey u soo saartay WHO, hilibka warshadda lagu dubo wuxuu boqolkiiba 9 sare u qaadayaan halista kansarka, marka la barbardhigo hilibka kale.

Haddii maalintii aad cunto 50g oo ah hilib la warshadeeyay, waxaa boqolkiiba 18 kor u dhacaya fursadda ah inuu kansar kugu dhaco, sida ay sheegtay hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO.


Loading...

Balse WHO waxay aad u adkeysay in hilibka uu leeyahay fursado caafimaad. Waana sababtaa midda ay dhaqaatiirta u sheegayaan in la iska yareeyo cunidda hilibka cas, balse aan la iska wada dayn.

Muxuu yahay hilibka la warshadeeyay?

Hilibka soo maray warshadda, waxaa ka dhintay unugyada adag ee ka dhiga inuu hallaabo ama uusan sii fiicnaan, ama waxaa isbedela dhadhankiisa, sababta ugu wayna waa daweynta, ku daridda cusbada ka ilaalisa inuu hallaabo iyo khiikha.

Dhaqaatiirta ayaa ku talinaya, si hilibka uu kuugu macaanaado, xawaajka iyo waxyaabaha kale ee lagu macaaneeya oo ay cusbada kow ka tahay inaan iska yareeyno.

Cunnooyinka sajilan gaar ahaan yaanyada

Cunooyinka qasacadeysan ee warshadaha soo mara waxaa ku jirto cusbo aad u badan oo haddii aysan ku jiri lahayn, ay adkaan lahayd in wakhti kaddib la isticmaalo.

Sharaabka kala duwan ee la cabbana sidoo kale waxaa la socoto sokor aad u badan, gaar ahaanna sokor aan dabiici ahayn oo iyaduba markeedii hore soo martay warshad, taasoo sii hurineysa halista ah inuu qofka cunnooyinkaasi Kansar ka qaado, sida ay baarayaashu Jaamacadda Sorbonne ee Faransiiska ay sheegeen.

Kalluunka warshadeysan

Kalluunka dabiciga ah wuxuu leeyahay faa'idooyin caafimaad oo aad u badan. Kalluunkuna wuxuu ka mid yahay cuntooyinka ugu caafimaadka badan ee aan lahayn dufun wax u dhimeyso caafimaadka qofka.

Balse kalluunka wuxuu caafimaadka halis ku noqonayaa marka la warshadeeyo, sida ay sheegeen khubarada baaritaanka sameysay.

Kooxda oo ka socotay jaamacadda Sorbonne Paris Cite ayaa sameeyay kormeer laba maalin qaatay oo la xiriiray waxa ay dadka suuqa ka iibsanayaan iyo waxa ay cunayaan.

Dadka ugu badan ee ay la hadlaan waa rag iyo dumar da' dhexaad ah. Qaar ka mid ah ayay baarayeen muddo shan sano ah.

Si cad uma sheegi karaan in cuntada warshadeysan ay sababto kansarka, balse waxay sheegayaan in xiriir dhow ay la yeelan karto waxyaabaha sababa xannuunka kansarka.








Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...