[Topnews:-] Hogaanka dhaqanka Habargidir oo qaadacay ka qeybgalka Xafladda Caleemasaarka Shirwac.

0
Monday December 09, 2019 - 01:03:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3009
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Hogaanka dhaqanka Habargidir oo qaadacay ka qeybgalka Xafladda Caleemasaarka Shirwac.

    Habargidir.info - Odayaasha dhaqanka Sacad,Saleebaan,Saruur iyo Duduble ayaa diiday iney ka qeybgalaan Caleemasaarka, ninka loo doortay inuu Gudoomiye u noqdo kooxdii Habargidir ee ku shirtay Hobyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Habargidir.info - Odayaasha dhaqanka Sacad,Saleebaan,Saruur iyo Duduble ayaa diiday iney ka qeybgalaan Caleemasaarka, ninka loo doortay inuu Gudoomiye u noqdo kooxdii Habargidir ee ku shirtay Hobyo. Odayaasha dhaqanka ayaa diidmadooda sabab uga dhigay :-
- In Shirkii Habargidir ee Hobyo ay afduubteen Urur diimeedyada Al-Ictisaam, Al Islaax, Tagfiir, Aala Sheekh,Damujadiid,Al-Shabaab iyo shaqsiyaad ka tirsanaay Burcad badeeda iyo dagaal oogayaashii Somalia.
Loading...

- Iney kooxahaas ay diideen liiskii qabiiladda soo gudbisteen iyagoo ergaddii ka qeybgashay shirweynaha qaarkood la jirdilay kuwa kalena laga afduubay Hobyo oo diyaarad lagu geeyay Muqdisho.
Suldaan Cabdinasir Jamac Seed iyo Suldaan Cabdikariim Kamiin oo telefoonka igula hadlay goor dhaweeyd waxey yiraahdeen "NIN KU DHASHAY GELINSOOR IYO NIN KU DHASHAY GALKACYO OO ISKU FEERAY HOBYO, HADDII HABARGIDIRTII JOOGTAY HOBYO HESHIISIIN WEEYSAY OO DANTU QASABTAY IN HOBYO LAGA AFDUUBO KII JUFADIISU AYSAN HUBKA KU HEYSAN HOBYO , WAA MAXAAY HABARGIDIRTA LAGA HADLAA"?
Ujeedka nuxurka hadalka wuxuu yahay " Rag isu tegay oo u kala eexday laba Nin oo is feertay ,sidee Habargidir ku hogaamin karaan"?
Haddii ay dhacday in labadii nin ee is feertay midkood wax la gaarsiiyay maxaa kan kale loogu xiri waayay Hobyo, Galkacyo, Gelinsoor ,Dhuusamareeb,Cadaado iyo guud ahaan dhulka Habargidir ee Galmudug?
Sida muuqata Urur diimeedka Al-Ictisaam, Al-Shabaab, Tagfiir,Al Islaax, Aala Sheekh, Damujadiid waxey doonayaan sidii ay Galmudug ku qabsan lahaayeen sidaas darteed ayey Shirwac Gudoomiye u doorteen si ay isu qariyaan inteey hadafkooda ka gaarayaan.
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...