[Somalia] oo wajaheysa khatar ku aaddan in ay lumiso maamulka hawadeeda

0
Tuesday January 07, 2020 - 18:13:58 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1724
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Somalia] oo wajaheysa khatar ku aaddan in ay lumiso maamulka hawadeeda

    Waagacusub.com- Hay'adda caalamiga ah ee duulista hawada, ICAO, ayaa bixisay digniin haddii aan si degdeg ah loo helin sharci dhameystiran oo hay'adda duulista hawada Soomaaliya awood u siinaya inay sii haysato maamulka hawada dalkeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Hay'adda caalamiga ah ee duulista hawada, ICAO, ayaa bixisay digniin haddii aan si degdeg ah loo helin sharci dhameystiran oo hay'adda duulista hawada Soomaaliya awood u siinaya inay sii haysato maamulka hawada dalkeeda. Hay'adda ICAO waxay sheegtay haddii dowladdu ku guul daraysato sharcigaas in ay lumindoonto dedaalkii dheeraa ee loosoo galay la wareegista hawada Soomaaliya, ay waqti badan qaadandoonto dib usoo celinteeda.

Sharciga duulista hawada ayaa hadda horyaala barlamaanka aqalka sare, waxaana dhawaan meel mariyay golaha shacabka Soomaaliya.

Hay’adda duulsita ayaa sheegtay sharciga duulimaadyada rayidka inuu dalka Soomaaliya u badbaadinayo malaayiin dollar oo sanad waliba ka luma dalka iyo kor uqaadida madax bannaanida hawo ee Soomaaliya.

Waxay hay'addu sheegtay sharcigaas haddii la meel mariyo in Soomaaliya dunida kula tartamayso macaamilka hawadeeda ayna ku helayso dhaqaale badan oo Soomaaliya ka caawinaya dib u dhiskeeda.

Soomaaliya ayaa laga sugayaa dhammaadka bishaan in ay caalamka ugudbiso sharciyadeeda duulista oo meel marsan
Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...