Maxaad ka taqaan Ardaygii halgamaa Caanood dhashay ee isu bedelay dilaaga Waxgalka ?

0
Wednesday January 15, 2020 - 00:04:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad ka taqaan Ardaygii halgamaa Caanood dhashay ee isu bedelay dilaaga Waxgalka ?

    Taariikh kooban oo ku saabsan Cumar Maxamuud Shido (ina Seefle) Cumar waa nin firfircoon, lakiin nasiib darro waa nin aad u fudud. Waxa uu waxbarashadda uga haray heerka dugsiga dhexe ka dib markii uu la saaxiibay koox da'diisa ah oo waxbaras

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikh kooban oo ku saabsan Cumar Maxamuud Shido (ina Seefle) Cumar waa nin firfircoon, lakiin nasiib darro waa nin aad u fudud. Waxa uu waxbarashadda uga haray heerka dugsiga dhexe ka dib markii uu la saaxiibay koox da'diisa ah oo waxbarashada ka saaqiday.
Waxaa uu ka mid noqday kooxdii Al-Shabaab ka tirsanayd ee loo yaqiin "KA-QAATAYAAL" oo ay ka mid ahaayeen Sanboor iyo rag kale. 
Dhibaatooyinka uu Cumar Seefle geystay waxaa ka mid ah;
Maxaakiimta wuxuu ku biiray kadib markii uu noqday Darawalka Afhayeenkii Maxkamadii Al-Furqaan ee la dhihi jiray CAGAWEYNE una dhashay Reer Qurdhaale Sacad.
1) Sida ay noosheegeen qaar ka mid ah madaxda urur diimeedka Al-Ictisaam, Cumar waxaa uu  ahaa darawalkii Gudoomiyaha Al Ictisaam Sh. Bashiir Axmed Salaad. 
Cumar iyo saaxiibadiis waxa ay isku dayeen in ay dilaan Sh. Bashiir arrinkaas oo fashilmay.
2) Cumar, Yaxye oo ahaa xubin ka tirsan Shabaab ahaana saleebaan, Habargidir iyo Cali Eelaay (Eelaay,  Digil iyo mirifle) waxay qayb ka ahaayeen dilkii ganacsade Cabbaas Maxamed Ducaale.
3) Cumar iyo rag uu ka mid yahay Sanboor iyo  Najiib ina boqole, Cayr reer geed jacayl waxay qarax miino ku dileen Kornayl Cali-saciid Xasan Wadaad oo u dhashay Sacad Reer Qurdhaale ,ahaana taliyahii boliiska gobolka Banaadir.
4) Cumar Waxa uu hadda la shaqeeyaa labo kooxood oo hoos iskaga xiran, si qarsoodi ah u wada shaqeeya; 
a) koox Shabaab ah oo degan Nairobi oo ka mid yahay wiil lagu neenaaso Cukaashe oo xamar dad badan ku laayey kuwaas oo hadda qabta dhoofinta iyo dirista dhagar qabayaasha shabaab ee xamar ku laaya dadka. 
Cumar Seefle wuxuu mudooyin badan Al-Shabaab u qaabilsanaa Lojiistikadda dhoofinta iyo soo dejinta Al-Shabaab,wuxuuna Nairobi ku lahaay Travel Agency, isagoo noqday Wakiil diyaarad.
Cumar Shido mudadii uu joogay Nairobi shaqooyinka ugu waaweyn ee uu Al-Shabaab u qabtay waxaa ka mida weerarkii Westgate, wuxuu ahaay ninka dukumiintiyadda u sameeyay raggii weerarka geystay. waxaana laga arki karaa Kaamiradda Westgate xilliyadii sahanka iyo indha indheeynta uu ku sameeyn jiray Westgate mall.
b) kooxda Shabaabka ah ee ku jira Dowladda Soomaaliya sida Cabdiraxmaan dheere Shiikhaal reer Qudub, Fahad Yaasiin, Zakariye iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed.
5) Hadda yaa ka dhigay xubin ka mid ah Gudiga Maamul u Dhisidda Galmudug garabka Dhuusamareeb? 
Waxaa iska kaashaday Wasiir Cabdiraxmaan Dheere,  Fahad Yasiin iyo Cabdkariin xuseen Guuleed .
Kooxdaan waxey Cabdinasir Jamac Seed u sheegeen iney u dirayaan India ama Germany si ilmo loogu beero Xaaskiisa maadama uusan weligiis Caruur dhalin laakiin waa been warka ay u sheegeen.
Cumar Seefle oo Ciyaal Wardhiigleey u yaqaaniin Cumar Saqajaan markii uu Xamar ka geystay dilalka waxaa loo diray Nairobi, waxaana soo dhaweeysay Habar yartiis oo uu qabo Nin Asharaaf ah oo iska leh Hotel Shariif oo ku yaal Xaafadda ISLII.
Cumar Seefle wuxuu Kibaandho iyo Passport Kenyan ah ku qaatay magaca Omar Ahmed Saney. sidoo kalena waxaa dacwad u xareeysay gabadh uu qabo oo ku nool London UK. 
Lamma hubo in Safaaradda UK siisay Visahii dal ku galka iyo inkale laakiin baarista waan wadnaa weli.

Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...