Waa kuma Duqa xilka laga qaaday ee Galkacyo Xersi Maar ?

0
Wednesday January 15, 2020 - 09:06:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Waa kuma Duqa xilka laga qaaday ee Galkacyo Xersi Maar ?

    Waagacusub.com - Xersi Yusuf Barre oo loo yaqaan Xersi Maar wuxuu ku dhashay Degaanka Ceelguula ee gobolka Mudug , qiyaastii 1958-dii. wuxuu dugsiga Quraanka iyo dugsi hoose dhexe ku bartay Ceelguula. Xersi Maar waxaa la geeyay Magaaladda Galkacyo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Xersi Yusuf Barre oo loo yaqaan Xersi Maar wuxuu ku dhashay Degaanka Ceelguula ee gobolka Mudug , qiyaastii 1958-dii. wuxuu dugsiga Quraanka iyo dugsi hoose dhexe ku bartay Ceelguula. Xersi Maar waxaa la geeyay Magaaladda Galkacyo, wuxuuna galay Dugsiga sare ee Cumar Samatar. Mr Xersi Maar wuxuu noqday Ciyaalka tuugta Galkacyo,waa la xiray kadibna waxaa loo bedelay dugsiga sare ee Jowhar.

Xersi Maar kama gayoon tuugnimadiisii , waxaa lagu xiray Jowhar kadibna waxaa loo bedelay Muqdisho oo uu dugsiga sare ku dhameeyay.

Xersi Maar wuxuu maqaayad Qamaar ka furtay Muqdisho gaar ahaan degmadda Wardhiigleey, agagaarka Geed Jaceyl.

Adeerkiis Sheekh Axmed Barre Gurey ayaa u tegay Xersi Maar,wuxuuna kula taliyay inuu iska daayo Qamaarka?

Xersi Maar wuxuu adeerkiis ku yiri "Aakhiro miyaad tagtay oo qof Qamaar lagu cadaabaa ku soo aragtay”?

Markii Dowladii Siyad barre dhacday ayuu Xersi Maar tegay Nairobi 1991, wuxuu ka shaqeeysan jiray leeymanka telefoonadda la xado ee Dowladda Kenya.

Xersi Maar ugu dambeeyntii waa lagu qabtay xatooyadii telefoonadda,waxeyna Maxkamadda Kenya ku xukuntay 30 sano oo Xabsiya.

Jaaliyadda beesha Sacad ee East Afrika ayaa Xersi Maar lacag aruurin u sameeysay kadibna waxaa loo geday xabsigiisii sanadki 1994.

Xersi Maar waxaa laga masaafuriyay Kenya wuxuu tegay Muqdisho isagoo la shaqo bilaabay Cismaan Caato.

Xersi Maar wuxuu noqday ninkii ugu horeeyay ee bilaabay dagaalkii u dhaxeeyay Cakaaro iyo Salbalaar. wuxuu noqday ninkii ugu horeeyay ee si bareera qof Sacad ah u dilay.

Dagaalkii kadib markii Caydiid dhintay, wuxuu Xersi Maar Taliye ka noqday Isbaaradii Ex Kontorool Afgooye, waxaana ku xigeen looga dhigay Cabdiweli Farabadan.

Xersi Maar wuxuu Isbaaradii Ex Kontorool Afgooye taliye ka ahaay markii la dilay Shariif Geesaweyne ilaa maalintii loo baxay Shirkii Eldoret ee Mbagathi loo wareejiyay.

Ugu dambeyn Xersi maar wuxuu noqday Duqa Magaaladda Galkacyo ee Koofurta .

Madaxweyne Xaaf ayaa wareegto uga qaaday xilkii Duqa Galkacyo 14 Januari 2020, iyadoo la kala diray guud ahaan gollahii degaanka Galkacyo. 

Xersi Maar intii uu ahaay Duqa Galkacyo waxaa Magaaladii ku dhacay habsan sababay iney mugdi noqoto maadama  uu awoodi waayay inuu shido baalayaashii soolaradda ku shaqeeynaayay.

Xersi Maar wuxuu tahli waayay sugida Amniga Galkacyo. 

Beesha Sacad inta badan waxaa lagu dhaliilaa iney xilalka muhiimkaa ku aaminaan dimbiilayaal ay ka mid yihiin Xersi Maar iyo Qooje Dagaari oo ahaay Ninkii uu Taar dhuleed ka hor istaagay inuu gubo Docol ,xilligii uu horkaacayay Maxkamadii la baxay Islaamiga ee Muqdisho ka duulay.

Taar Dhuleed wuxuu ku yiri Qooje Dagaari " HA GUBIN CEELKA DOCOL, WAXAA CABAYA MASAAKIIN TOLKAAGA AH” Laakiin Qooje Dagaari wuxuu yiri "Gaallo ayaa cabeysa waa inaan gubaa ceelkaan”

Ninkaas ayaa maanta loo soo magacaabay Taliyaha qeybta 21 -aad ee Ciidanka Melleteriga Federalka Somalia.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...