Topnews:- Dowladda Mareykanka oo Al-Shabaab iyo burcad badeed ku taageeray iney Galmudug qabsadaan ?
Petition "Remove Donald Yamamoto as US Ambassador to Somaliaā€¯
Ninkaan oo Wasiiru dowle ka ahaay Xukumadda Kheyre ee Muqdisho ayaa loo qoray liis Xildhibaano uu soo qortay oo 18 ka mida ka tirsan argagixisadda Al-Shabaab ee Somalia.
Inkastoo Musharaxiintii la tartami laheyd Ahmed Qoor Qoor dhamaantood diideen haddana waxaa si lama filaana hambalyo ugu diray Safiirka Mareykanka u fadhiya Somalia Amb Yamamoto taas oo lama filaan ku noqotay shacabka Soomaaliyeed.
Petition-ka lagu dalbanayo in Yamamoto laga eryo shaqadda waxaa saxiixay dad ku dhaw laba kun oo dollar kuwaas oo 61 ka mida ay yihiin Xildhibaanadda Federalka Somalia.
Safiir Yamamoto ayaa lagu eedeeyay inuu sanadkii 2006 sidaas oo kale taageeray Dowladdii Abdullahi Yusuf isagoo Muqdisho geeyay Ciidanka Melleteriga Ethiopia oo Caasimadda ku xasuuqay dad dhan 27000 kun oo qof.
Sida muuqata Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Mareykanka waxey ku kacday ficil cadaaladda ka fog oo sharci daro ah laakiin Xeeldheerayaashu waxey qabaan in Mareykanka uu Galmudug ku abuurayo Argagixiso iyo burcad badeed si ay uga Aargoostaan qabiilka Habargidir oo degaankaas ku badan.
Dableey u dhalatay qabiilka Habargidir oo taageersanaa Jeneral Caydiid ayaa Muqdisho kula dagaalay Ciidankii Raanjiriska Mareykanka iyagoo ka dilay 18 Askari, waxaana la rumeeysan yahay iney sidaas tahay sababta Mareykanka u taageeray Musharax la og yahay iney wataan argagixisadda Al-Shabaab iyo Maalqabeenadda Burcad badeeda sida Liiban Shuluq.
Sikastaba ha ahaatee, Dowladda Mareykanka oo ku faanta dimoqoraadiyadda ayaa u hiilisay doorasho beenaad ka fog dimoqoraadiyadda taas oo aheyd qasab iyo ku shubasho la rumeeysan yahay ineysan Galmudug ka shaqeeyn doonin marka loo eeggo qabiilka Habargidir oo aan ogoleeyn Ahmed Qoor Qoor.
Topnews:- Dowladda Mareykanka oo Al-Shabaab iyo burcad badeed ku taageeray iney Galmudug qabsadaan ?
Somali American Peace Development & Somali Atlantic Council ayaa bilaabay Petition ay ku dalbanayaan in Safiirka Mareykanka u fadhiya Somalia Amb Donald Yamamoto shaqadda laga eryo kadib markii uu si sharci daro ah u taageeray doorasho been abuu