Ciidamo u Abaabulan qaabka Maleeshiyada Ciraaq oo la wareegay Muqdisho Aqriso warbixinta
Ciidanka Difaaca Dadweynaha oo aan waafaqsan sharciga dalka islmarkaana aan ka tirsaneyn Afarta Ciidan ee Qaranku uu leeyahay ee kala ah,Ciidanka Militariga,Ciidanka Nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka,Ciidanka Booliska iyo Ciidanka Asluubta ayaa Madaxweyne Farmaajo waxaa uu usameytay in uu u adeegsado cuburinta Siyaasiyiinta dhaliilsan Hogaankiisa iyo kuwa tartanku uu kala dhexeeyo.
Sida uu qabo Xildhibaan hore Maxamed Cumar Geedi Ciidanka Difaaca dadweynaha ee
Madaxweyne Farmaajo uu sameystay ay yihiin ciidamo sharcidaro ah islamarkaan aan waaqsaneyn dastuurka iyo Sharuucda dalka ee dhismaha ciidanka qaranka, waligii lagu aqoon jiray
Marka laga tago ciidankan cusub ee la wareegay amniga Magaalada Muqdisho waxaa jira khilaaf soo xoogan oo ka dhax aloolsan madaxda ugu sareysa dowladda sida madaxweyne Farmaajo Iyo raisal wasare Khayre
Ciidankan la magac baxay ciidanka difaaca dadweynaha ayaa magac ahaan laga soo min guuriyay maleeshiyo U abaabulan qaab diimeed laguna magacaabo Xashdul Shacab waxana lagu barakiciyay Sunni yiinta reer Ciraaq
Ciidamo u Abaabulan qaabka Maleeshiyada Ciraaq oo la wareegay Muqdisho Aqriso warbixinta
Ciidamo Lamid ah Maleeshiyada Shiicada Ciraaq oo la wareegay Amaanka Moqdisho