
[Topnews:-] Wasiiradii iyo Siyaasiyiintii ugu badnaa ee Reer Somaliland oo Muqdisho ka degay iyo wafdi Isaaqa oo ka baxay UK.
Inkastoon la ogeeyn waxey u socdaan Wafdiga Wasiiradda iyo Siyaasiyiinta iskuugu jira oo dhamaantood u Dhashay beelaha Isaaq iyo Gadabuursi ,haddana ila wareedyo Muhiima ayaa Waagacusub u sheegay In todobaadkaan gudahiisa ay ka baxayaan Dalka Ingiriiska wafdigii ugu balaarnaa ee Siyaasiyiin,aqoonyahano iyo qurba joog u Dhashay beelaha Isaaq iyo Gadabuursi kuwaas oo lagu Wado iney dhamaantood ka degaan Muqdisho.
Ila wareedyadu waxeey sheegayaan in lagu hoowlan yahay sidii loo dhisi lahaa Dowlad loo dhan yahay ,iyadoo lagu saleeynaa saami qeybsi Waqooyi iyo Koofur.
Inta badan shacabka reer Somaliland ayaa nacay oo hiifay maamulka Muse Biixi oo astaan u noqday ku tumashada sharciga,tacadiyada shacabka iyo awood ku faan ku saleeysan kaligii talisnimo.
Somaliland waxaa horey uga baxsaday Saraakiil iyo Ciidan u Dhashay beesha Isaaq kuwaas oo fariisimo Ciidan ka sameeystay gudaha Puntland.
Sikastaba ha ahaatee, tani waa furred qaaliya oo aan la ogeeyn madaxda sare ee Dowladda Somalia sideey uga faa’iideeysan doonaan.
[Topnews:-] Wasiiradii iyo Siyaasiyiintii ugu badnaa ee Reer Somaliland oo Muqdisho ka degay iyo wafdi Isaaqa oo ka baxay UK.
Wafdi Isugu jira Wasiiro iyo siyaasiyiin uu horkacayo Wasiir ku xigeenkii Arrimaha dibadda Somaliland Ahmed Keyse ayaa ka degay Muqdisho taas oo la yaab iyo argagax ku noqotay Maamulka Somaliland ee Madaxweyne Muse Biixi.