[Topnews:-] Farmaajo oo Safaaradahii Ethiopia Masar Turkey Saudi Arabia ,Sudan iyo Qatar geeyay Safiiro u dhashay Daarood ?

1
Wednesday May 29, 2019 - 21:33:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 7179
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Farmaajo oo Safaaradahii Ethiopia Masar Turkey Saudi Arabia ,Sudan iyo Qatar geeyay Safiiro u dhashay Daarood ?

    Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa markii ugu horeeysay si toosa ugu xadgudbay hanaankii awood qeybsiga beelaha ee 4.5 kadib markii uu shanta Safaaradood ee ugu muhiimsan geeyay shan Safiir oo u dhashay beeshiisa Daarood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa markii ugu horeeysay si toosa ugu xadgudbay hanaankii awood qeybsiga beelaha ee 4.5 kadib markii uu shanta Safaaradood ee ugu muhiimsan geeyay shan Safiir oo u dhashay beeshiisa Daarood.

1- Safiirka Somalia u fadhiya Ethiopia waxaa loo magacaabay Cabdi Xaaji Cumar Camey oo u dhashay beesha Daarood,waxaana kursigaan laga qaaday Maxamed Cali Nur oo u dhashay beesha Hawiye.

2- Safiirka Somalia u fadhiya Saudi Arabia waxaa loo magacaabay Cabdixakiin Xasan Ashkir Daarood waxaana xilkaan Dahir Mohamud Geelle oo u dhashay beesha Hawiye.

3- Safiirka Somalia u fadhiya Masar waxaa loo magacaabay Cabdiqani Maxamed Waceys oo u dhashay beesha Daarood,waxaana horey uga geeriyooday xilkaas Cabdullahi Xasan oo u dhashay isla beeshaas Daarood.

4- Safiirka Somalia  u fadhiya Turkey waxaa loo magacaabay  Mr Abdullahi Jamac Maxamed oo loo yaqaan CAYDIID.waxaana xilkaan horey u hayey Abdullahi Sanbaloolshe oo u dhashay beesha Hawiye.

5- Safiirka Somalia u fadhiya Qatar waxaa loo magacaabay Mr Cabdirisaq Taani oo u dhashay beesha Daarood, waxaana xilkaan laga qaaday Cumar Dheere oo u dhashay beesha Hawiye.

6- Safiirka Somalia u fadhiya Sudan waxaa loo magacaabay Abdirizaq Shoole, waxaana xilkaan laga qaaday Mohamed Ugaas oo u dhashay Hawiye.


Loading...

Inkastoo sidaas xaal yahay haddana ku darso xisaabta in Madaxweynaha dalka Mr Farmaajo iyo Wasiirka Arrimaha dibadda labaduba u dhasheen beesha Daarood taas oo sawir ka bixineysa iney arrimahii dibadda xafiisyadii ugu muhiimsanaa hal beel isku koobeen.

Sidoo kalena Agaasimeyaasha guud ee ugu muhiimsan Wasaaradda Xukumadda Somalia sida Maaliyadda, qorsheynta,Arrimaha dibadda iyo gaashaandhiga waxaa loo magacaabay shaqsiyaad u dhashay beesha Daarood.

Inkastoo xadgudubka awood qeybsiga ee heerkaas gaaray ay ka careeysan yihiin Xildhibaanadda beelaha Hawiye, Digil iyo Mirifle iyo beesha 5aad haddana waxaa yaab leh ineysan Dowladda Muqdisho ka taliso rabin maamuladii Daarood sida Puntland iyo Jubbaland. halka Dowladda Farmaajo ay weerar ku tahay maalin walba maamuladii Hawiye iyo Digil, Mirifle sida Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed.

Ra’isulwasaare Kheyre oo u dhashay beelweynta Hawiye ma isweeydiiyay meteladiisu qiimaha ay ugu fadhiso beesha uu kursiga ku metelo maadama uu xaquuqdoodii dhicin waayey oo dushiisa lagu adeegtay.

Sikastaba ha ahaatee, Kheyre la’aantiis Farmaajo laba maalmood ma joogeen Muqdisho laakiin waxey Xeeldheerayaashu la yaaban yihiin waxa Xasan Cali Kheyre ka dhigay DAMEER MALAB SAARAN.[”HOGAAMIYE ILLAAHEEY KA QARIYAY QUWADIISA”]

Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...