[Topnews:-] Golaha Amaanka oo qaraar ku soo saaray in Soomaaliya loo sameeyo "Madasha Wadatashiga Qaran"

0
Sunday June 02, 2019 - 02:18:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4386
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Golaha Amaanka oo qaraar ku soo saaray in Soomaaliya loo sameeyo "Madasha Wadatashiga Qaran"

    Waagacusub.com - Kulan gaar ah oo ay yeesheen Galaha Amaanka ee Qaramada Midoobay maalintii shalay ahayd oo bisha Maajo ku beegnayd 31ka ayaa waxa ka soo baxay go'aano culus kuwaas oo oo saamayn ku yeelanayo geedi socodka nabadda iyo horumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Kulan gaar ah oo ay yeesheen Galaha Amaanka ee Qaramada Midoobay maalintii shalay ahayd oo bisha Maajo ku beegnayd 31ka ayaa waxa ka soo baxay go'aano culus kuwaas oo oo saamayn ku yeelanayo geedi socodka nabadda iyo horumarka dalka Soomaaliya..

Qodobada ka soo baxay qaraarka waxa ka mid ah:

 

  • In go’aanka qaybsiga Kheyraadka dalka laga gaaro go’aan wada jir ah isla markaana lagu qoro dastuurka dalka. Golaha Amaanka ayaa waxa ay ka soo horjeesteen go’aanka uu qaatay baarlaamanka Soomaaliya ee ayan raaliga ka ahaynin dowlad goboleedyada.
  • Maadamaa Dowlada Dhexe ku fashilantay in ay dalka isku hayso, Golaha Amaanka waxa uu qaraar ku soo saaray in la sameeyo gole dowladeed kaas oo macnihiisu yahay in la sameeyo Madasha Wadatashiga Qaran (Somali National Leadership Forum) kaas oo ay ku jiraan dhamaan dowlad goboleedyada iyo madaxda dowlada dhexe. Xubnaha ka tirsan Golaha Wadatashiga iyaga oo wada siman ayay go’aan ka gaarayaan ayaaha dalka, gaar ahaan Arimaha Amaanka, Doorashada, Kheyraadka dalka.
  • In la cadeeyo hogaanka, doorka  iyo mas’uuliydaa hay’adaha ka mas’uulka ah arimaha amniga

Goalaha amaanka ayaa markii ay soo saarayeen qaraarkaan waxa ay cuskadeen cutubka 7 ee dastuurka Qaramada Midoobay oo sheegaya in Qaramada  Midoobay ay u aragtay in ay muhim tahay in ay talaabo ka qaadaaan xaaalada ka jirta Soomaaliya taas oo khatar ku ah nabadda isla markaana ay lama huraan tahay in Golaha Amaanka go’aan cad ka qaato arimaha Soomaaliya. Golaha Amaanka ayaa dareemaya  in  ka jirta dalka Soomaaliya khatar keeni karta in dowladnimada Soomaliya lunto.

Qaraarka (resolution) ka soo baxay Golaha Amaanka ma aha warmurtiyeed iyo warbixin laakiin waa amar la siinayo madaxda dowlada Soomaaliya oo lagu amrayo inay fuliyaan qodobada kor ku xusan.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...