[Topnews:-] Gollaha Amaanka oo Madaxda Somalia oo ugu hanjabay tilaabo Melleteri sida ku qoran Chapter VII iyo halista Ergayga cusub

0
Sunday June 02, 2019 - 04:10:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 5107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Gollaha Amaanka oo Madaxda Somalia oo ugu hanjabay tilaabo Melleteri sida ku qoran Chapter VII iyo halista Ergayga cusub

    Waagacusub.com - Madaxda Dowladda Federalka laba dharbaaxo ayaa ku dhacday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

File Attachment
Size: 9 MB
Waagacusub.com - Madaxda Dowladda Federalka laba dharbaaxo ayaa ku dhacday.
1- Dharbaaxada koowaad waxey tahay in Ergayga Qaramadda Midoobay loo soo magacaabay diblomaasi Mareykan ah taas oo ka dhigan iney ku qasbin yihiin wuxuu u yeeriyo.
2-Dharbaaxada labaad ee xanuunka badan waxey tahay in loo adeegsaday qodobka todobaad Chapter VII , oo nuxurkiisu yahay in haddii ay fulin waayaan awaamiirta lagu faray Qaraarka Gollaha amaanka, la ciqaabi doono. sida in loo adeegsan doono awood Melleteri. 
Qodobkaan la yiraa Chapter VII wuxuu dhigayaa qodobo xasaasiya, waxaa loo adeegsadaa kaliya xaaladaha adag.fadlan akhriya Article 39, 40,41,42 linkigaan https://www.un.org/en/sections/un-charter/chapter-vii/
Awaamiirta la siiyay waxaa ka mida in Madaxda Dowladda Federalka ku qasban yihiin iney la galaan Madaxda Dowlad goboleedyadda heshiis ku qotama awood qeybsiga kheyraadka iyo siyaasadda. taas oo sharuud looga dhigay in Dowladda Federalka ay sheegto xilligga doorashadda dhaceeyso iyo qaabkeey u dhaceeyso. si cad oo taariikheeysan.
Sidoo kale, iyadoo la adeegsanaayo Chapter VII waxey gollaha amaanka amrayaan in Madaxda Dowladda Federalka iyo Madaxda maamul goboleedyadda  si degdega u gaaraan Siyaasad wadaaga.
1- In Dowladda Federalka kala heshiiso ,qeeybsiga kheeyraadka, qeeybsiga siyaasadda,sida uu qorayo dastuurka Federalka ee KMG ah.
2- In Dowladda Federalka Somalia  dhaqangeliso heshiiskii London lagu gaaray,ee dhigaayey dhismaha Ciidamadda sida Boliiska.
Haddii ay Awaamiirtaas iska dhega tiran Gollaha amaanka wuxuu amrayaa in la soo xiro madaxda Qaranka iyadoo loo marayaa qodobka 7aad ee Chapter VII oo dhigaya in xaalad amni darteed tilaabo laga qaadi karo Madaxda Qaranka si loo ilaaliyo amniga shacabka iyo kan Ciidanka Nabad ilaalinta.

Loading...


Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...