[Topnews] Wasiirka Amniga Jubbaland oo Video laga duubay isagoo qaawan iyo Farmaajo oo sii deeyntiisa sharuudo ku xiray ?

0
Wednesday September 11, 2019 - 02:13:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 6142
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 3
  • Share via Social Media

    [Topnews] Wasiirka Amniga Jubbaland oo Video laga duubay isagoo qaawan iyo Farmaajo oo sii deeyntiisa sharuudo ku xiray ?

    Waagacusub.com - Saraakiisha ka hoowlgala Xarunta guriga Habar Khadiijo ee Muqdisho ayaa sheegay in muuqaalo Videos laga duubay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo kooxda Farmaajo ay ka afduubteen Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Saraakiisha ka hoowlgala Xarunta guriga Habar Khadiijo ee Muqdisho ayaa sheegay in muuqaalo Videos laga duubay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo kooxda Farmaajo ay ka afduubteen Garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Sarkaal ka tirsan Hay'adda NISA ayaa Waagacusub u sheegay in Wasiirka laga duubay Muuqaalo wareeysiya kadibna loo gudbiyay qol kale.
"Waxaan maqleeynay seddex habeen taahiisa iyo cataawgiisa laakiin markii uu diiday inuu waxyaabaha qaar ka hadlo kadib ayaa dhalinyaro qolka loo geliyay, dharka ayey ka saareen, waxaana laga duubay Video isagoo qaawan" ayuu yiri Sarkaal codsaday inaan magaciisa la xusin laakiin ka tirsan Hay'adda Sirdoonka Dowladda Farmaajo.
Inkastoo Dowladda Farmaajo ay u dhaqmeeyso sidii maamul kaligii talisa haddana weli beesha Caalamka iyo Hay'adaha xaquuqul insaanka ayaan ka hadlin jirdilka iyo tacadiyada lagula kacay Wasiir Cabdirashiid Janan oo sifo sharci daro ah lagu afduubtay.
Madaxweyne ku xigeenka Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in wafdi isugu jira odayaal, ganacsato iyo aqoonyahano ay tageen Muqdisho, si dowladda federaalka ay uga la hadlaan sii deynta Wasiir Janan balse la hor-dhigay shuruudo dhowr ah.
Farmaajo dadkii u tegay ee aan dirnay  shuruud ayay ku xireen, waxayna ku yiraahdeen arrimo siyaasadeed ayaanu ku heysanaa ee ciidanka Daraawiishta Jubbaland soo wareejiya,,Dowladaha deriska ahna hala macaamilina, Jubbaland doorashadeedi ma aqoonsanin dhaha, arrimo sidaas ayay kala hadleen dadkii aqoonyahanada iyo ganacsatada ee u tegay ", ayu BBC-da u sheegay Maxamuud Sayid Aadan.

Loading...

Madaxweyne ku xigeenka  Jubaland ayaa sheegay in aysan dalabkooda aqbali karin  oo taas ay ka dhigan tahay in ciidammadii Jubbalanad ee Al Shabaab la dagaalamayay la kala diro.

Dowladaha deriska ayuu sidoo kale sheegay inay ka wada shaqeeyaan ammaanka labada dhinac,dalabkaasna uusan macquul ahayn.

Xaaladda Wasiir Cabdirashiid Janan ayuu sheegay in aysan ka warheynin oo aanay garaneyn xaaladiisa iyo halka uu ku sugan yahay.

"Runtii Cabdirashii aad ban uga xunahay sida loola dhaqmay, ninkaas waa la afduubay, wax arkay ma jiraan marka laga reebo Xaaskiisa oo mudo 30 daqiiqa ah habeen saqdhexe ay tuseen”,ayuu raaciyay.
Sikastaba ha ahaatee ,Dowladda Farmaajo waxey iska diiday ku dhaqanka Dastuurka, waxeyna u muuqataa iney sidii Maleeshiyaadka ku raadineyso xukun sii heeynta dalka, afduub,dil iyo hanjabaad.
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...