[ShIrweynahii Hobyo ee Habargidir ?] Xubnahii Gollaha waxaa xoog ku qaatay Al-Ictisaam, Aala Sheekh, Damujadiid ,Tagfiir , Al Islaax , Saraakiil Burcad badeed.
Odayaashii sheeganaayay guddigga Farsamadda Habargidir ayaa shir degdega u fariistay, waxey u yeerteen Senator Cabdi Qeybdiid iyo Korneyl Cabdullahi Cambare.
Waxaa la yiri " Ciidanka iyo baabuurta dagaalka nala joogta wax reer Maxamed leeyahay maku jiraan” ? Cabdi Qeybdiid iyo Cabdullahi Cambare waxey yiraahdeen Maya.
Waxaa la go’aamiyay in Xukun Nur Xasan Cadde labada gacmood iyo indhaha laga xiro kadibna diyaaradii Cabdi Qeybdiid, Axmed Macalin Fiqi, Cabdiraxman Odowaa, Abshir Bukhaari geeysay Hobyo ayaa lagu afduubay.
Xukun Nur Aabahiis, Adeerkii Cali Dhuux , labadaba waxaa dilay Dableey u dhalatay beesha Saleebaan Habargidir, Dakano xun oo Aargudasho ahna waa jirtay, ninkii sidaas ahaay ayaa gacanta laga geliyay seddex nin oo hubeeysan una dhashay beesha Saleebaan.
Saraakiishii Ciidanka Sacad ayaa maqlay , waa la soo afduubay Xukun Nur oo Rag Saleebaana ayaa diyaaradda la soo raacay, meesha loo wadana waa Guulwadayaasha Muqdisho.
Waxaa cadeeyd in Cabdi qeybdiid iyo Cabdullahi Cambare rabeen iney dableeydaas Saleebaan dilaan Xukun Nur laakiin Saraakiishii Sacad oo Afgooye ka soo yaacay ayaa ka hor tegay Xukun Nur oo markaas laga dejiyay Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
ODAYAASHA IYO DHALINYARADDA BEESHA SACAD WAXEY ISKUUGU YIMAADEEN SHIR. WAXAANA LEEYS WEEYDIIYAY?
- Haddii Habargidirtii ku shireeysay Hobyo iyo guddiggoodii farsamadda kala xukumi waayeen laba nin oo isfeertay waxey qaban doonaan maxey tahay ?
- Haddii la go’aamiyay in midkood la xiro maxaa Xamar lagala doonay oo dhulka Habargidir loogu xiri waayay.tusaale Hobyo,Galkacyo,gelinsoor,bandiiradley,Dhuusamareeb,Cadaado,Guriceel,Matabaan?
- Haddii ay dhacday in Xamar loo kaxeeyase maxaa dableey Sacad ah loo raacin waayay, maxaa rag Saleebaana loogu deray iyadoo la og yahay iney Aabahiis iyo Adeerkiis dileen kadibna Aargoosi badan xigay ?
- Haddii guddiggii farsamadda iyo Saraakiishii Amaanka qaladkaas galeen maxey uga garaabi waayeen ? tani waxey sawir fool xun ka bixisay in Urur diimeedka Al-Ictisaam watay ujeedo uu rabay inuu Sacad iyo Saleebaan iska horgeeyo oo Xukun Nur lagu dili rabay?
JEBINTA SHARCIGII IYO XEERKII LAGU QORTAY HOBYO?
- Guddiggii Farsamadda shirweynaha oo u badnaa Al-Ictisaam iyo Maanafeesto waxey diideen iney ku dhaqmaan xeerkii la qoray.
Xeerka wuxuu dhigayay tiradda Gollaha laakiin nasiibdaro waxey dib uga soo kordhiyeen xubno haweena oo tiradii gollaha ku noqday siyaado iyo sidoo kale xubin sharafeed ay siiyeen Shirwac ,taas oo ka dhigan sharci daro.
- Xeerka wuxuu dhigaayay in qofkii qabiilka soo gudbistaan aysan guddigga farsamadda faragelin karin laakiin looga baahan yahay inuu buuxiyo shan sharuudood oo kala ah.
1- Inuu Muslim yahay.
2- Inuu shahaado Jaamacadeed heysto.
3- Inuusan laheyn balwad
4- Ineysan weligiis Maxkamad dimbi ku xukumin.
5- Inuu da’ ahaan ka weyn yahay 30 Jir.
Dhamaan shaqsiyaadkii sharuudahaan buuxiyay ee Ahlusunah wal jameeca waa la diiday iney xubnaha ka mid noqdaan, waxaana boosaskoodii la geeystay rag aysan qabiilka soo xulan oo Al-Ictisaam ah.
UJEEDKA AL ICTISAAM U FARAMAROOQSADEEN GOLLAHA HOGAAMINTA HABARGIDIR.
- In Fikirka Al-ictisaam laga hergeliyo dhulka Habargidir maadama ay Ahlusunah Wal Jameeca uga awood badan tahay.
- Iney qof iyaga ka tirsan keensadaan doorashadda sanadka 2021 ,si ay ula wareegaan Galmudug.
GUDOOMIYE SHIRWAC MA YAHAY SHAQSI HABARGIDIR HOGAAMIN KARA?
Dabeecad ahaan waa shaqsi kaligii taliye ah, waa nin Al- Itixaada laakiin gabadh u dhalatay beesha Reer Ayaanle Sacad oo la yiraa "Wacan Xaaji Cali” ayaa si fudud uga jawaabtay WAA KUMA SHIRWAC,waxeyna tiri "SHIRWAC HADDII UU WAXQABAN KARO ISLAANTIISA QARAD SHEEKH CILMI BARKHADLE HAKA CELIYO DADKA”
Habargidir ay Golle hogaamin u dhisayaan Cabdi Qeybdiid, Jeneral Galaal, Cabdi dheere, iyo Xasan Xaashi waxaan leenahay taasi mid nool maahee waxaa muhiima in la hello Habargidir nool oo metelaad dhaba leh.
[ShIrweynahii Hobyo ee Habargidir ?] Xubnahii Gollaha waxaa xoog ku qaatay Al-Ictisaam, Aala Sheekh, Damujadiid ,Tagfiir , Al Islaax , Saraakiil Burcad badeed.
HABARGIDIR.INFO - Xoog maquunin , sheegasho magac qabiil aysan metelin. 1- Xubnahii Gollaha waxaa xoog ku qaatay Al-Ictisaam, Aala Sheekh, Damujadiid ,Tagfiir , Al Islaax , Saraakiil Burcad badeed. Waxey Laaluusheen oo aamusiyeen Dagaal oogayaal ho