Topnews:- Gaandharigii Zuugii Xaawo Yareey oo noqday Senator golle baarlamaanka Somalia ?

0
Wednesday January 01, 2020 - 04:58:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 5737
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 8
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Topnews:- Gaandharigii Zuugii Xaawo Yareey oo noqday Senator golle baarlamaanka Somalia ?

    Waagacusub.com - Yusuf Geelle Ugaas oo loo yaqaan Dhagey wuxuu ka dhashay qabiilka Duduble gaar ahaan Maqalsame , waxaa u reer Abtiya beesha Murusade.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Yusuf Geelle Ugaas oo loo yaqaan Dhagey wuxuu ka dhashay qabiilka Duduble gaar ahaan Maqalsame , waxaa u reer Abtiya beesha Murusade.

Yusuf Dhagey wuxuu  ka mid ahaay Maleeshiyo beeleedyadii Bootaan Ciise Caalin ka soo kaxeeyay degmadda Ceelbuur sanadkii 1990. kadibna dagaalkiisii ugu horeeyay wuxuu ka galay degaanka Qoroloow ee Gobolka Shabeeladda dhexe isagoo ahaay Caawiye ride qori Saban ama Baasuke ah.

 Markii jabhadaha qabsadeen Muqdisho wuxuu Gaandhari ka noqday Zuugii Xaawo Yareey kadibna wuxuu isla gaarigii Zuuga saarnaay ka noqday Darawal.

Yusuf Dhagey wuxuu madax ka noqday Isbaaradii Ex Kontorool Afgooye tiilay laakiin markii uu dilay Shariif Geesaweyne kadib oo isbaaradii lagu weeraray ayuu garaash baabuurta lagu sameeyo ka furtay Xaadadda SOS ee degmadda Huiwaa.

Saadaq John, Cali Dhootaqo iyo Cabdishakuur Madaxeey ayaa Dhagey Ugaas ka dhacay Gaari Karoole ah.

Baabuurkii laga dhacay Yusuf Dhagey waxaa loo geeyay Saalax Baroonshe oo deganaay degaanka Siisii.

Saalax Baroonshe wuxuu baabuurkii saaray afar nin oo Saadaq Joon ku jiray kadibna waxey damceen iney baabuur kale ku dhacaan.

Yusuf Dhagey oo wata Gaari Cabdille Dhashiike saaran yahay ayaa arkay baabuurkii laga dhacay kadibna debka ayuu geliyay ,wuxuu dilay seddexdii la socotay Saadaq John iyo nin ay soo qaadeen oo la socday. waxaa ka badbaaday Saadaq John oo kaliya.

Dakanadaas aawgeed ayaa Yusuf Dhagey uga cararay Muqdisho ,waxaana dacwad u xareeysay gabadh dumaashidiisa oo London ku nooleed, gabadhaas waxey wada dhasheen Xaaska Bootaan Ciise Caalin iyo Xaaska Yusuf Dhagey .

Sikastaba ha ahaatee, wuxuu galay London Uk kadib markii uu sharciga qaatay ayuu Yusuf Dhagey Jaajuus u noqday Cabdullahi Yusuf Axmed.

Yusuf Dhagey wuxuu uga dalacay Xildhibaan baarlamaan kadibna Senator gollaha aqalka sare ee Somalia.

Yusuf Dhagey oo hadda Dhuusamareeb ku guursaday gabadha ay qaraabo yihiin Senator Dhagdheer wuxuu ka mid yahay dalaaliinta ugu caansan gollayaasha baarlamaanka Dowladda Farmaajo.

Wuxuu lacag badan ku qaatay burburinta maamulkii Galmudug ee Madaxweyne Xaaf.

Ciidanka Ahlusunah ayaa Dhuusamareeb ku xabadeeyay laba habeen ka hor.

Sikastaba ha ahaatee, Somalia kaliya ayaa lagu arkay Gaandhaari u dalacay Senator aqalka sare .


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...