Daawo Akhri Xeer ilaaliyaha Qaranka oo amray in la xiro Ganacsade Axmed Nur Cali Jimcale iyo Maamulka Hormuud Telecom kadib markii la xaqiijiyay iney xoog ku heysteen Hotel-ka Ganacsade Baariyow ee Al-barakaat degtay 1993
Size: 397 KB
JAMHUURIYADDA FEDERAALKASOOMAALIYA
XAFIISKA XEER ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA
Muqdisho,10/07/2016
Ujeeddo: Eedeyn Lid ku ah Eedeysanayaasha
- Eedeysanyaasha koowaad oo kala ah:
- Maryan Cabdullaahi Yuusuf,
- Maxamed Amiin Sheekh Xuseen
- Axmed Nuur Cali Jimcaale
- Avv. Abdiwaaxid Cismaan Xaaji Axmed,
- Maxamed Aadan Faarax,
- Axmed Sacuudi
- Eedeysanayaasha 1aad Maryan Cabdullaahi Yuusuf,
2 aad Maxamed Amiin Sheekh Xuseen
Waxay si Wadajir ah u abaabuleen falalka soo socda:
- Dhibbane Cabdulqaadir Maxamed Aadan Faarax, waxaa sanadkii 1991dii weydiistay Marxuum Cabdi Warsame Issaq oo ay isku heyb ahaayeen inuu damiin ka noqdo jeegag qiimahooduna ahaa US$ 250,000 (Labo boqol iyo konton kun oo doolar usa), wuxuuna ka damiintay wixii dhib ka yimaada jeegagaas sarrifkooda, jeegagiina waxay noqdeen kuwa aan sarrifmin;
- Eedeysanayaasha 1aad Maryan Cabdullaahi Yuusuf iyo 2 aad Maxamed Amiin Sheekh Xuseen, iyagoon deynsanayaashii jeegagga lahaa isku dayin iney ka qaataan lacagtii ku qorneyd jeegaggaa ama ka magtaan hantidooda gaarka ah, ayey dhibbanaha ku cadaadiyeen, iyagoo u adeegsaday hub, kuna sameeyay handadaad, afduub iyo xarig, kana qaateen dokumentigii guryaha uu isagu gaar u lahaa, iyagoo sabab ka dhiganaya inuu bixiyo lacagtii jeegagii uu damiintay;
- Dhibbanaha, lama siin waqti uu hantidiisa maguurtada ah iibiyo, mana heysan waqtigaas lacag caddaan uu ku bixiyo ama waqti uu ku iibiyo hantidiisa, dagaaladda sokeeye oo waddanka ka jiray awgeed;
- Lacagta uu dhibbanaha damiinka ka ahaa waxaa loo kala lahaa sida soo socota:
- Cabdulqaadir Cusmaan Xasan iyo Injineer Xasan Maxamuud Maxamed oo isla lahaa US$ 150,000 (Boqol iyo konton kun oo doolar usa); iyo
- Yuusuf Kulmiye Culusoow iyo eedeysanaha 1aad Maryan Cabdulaahi Yuusuf oo isla lahaa US$100,000 (Boqol kun oo doolar);
- Dhibbanaha wuxuu ka codsaday dadka ku khasbayey inuu bixiyo lacagtaa, in la siiyo waqti u bixiyo, waana loo diiday fursaddaa;
Qaabka uu fal dambiyeedyadku u dhacay:
- Sanadku markuu ahaa 1993dii, ayey dadkii lacagta ku lahaa dhibbanaha Cabdulqaadir Maxamed Aadan Faarax ay soo xirteen iyagoo u adeegsanaayo mooriyaan hubeysan ay isku heyb yihiin;
- Dhibbanaha wuxuu ka baxsaday xariggii, ka dibna eedeysanayaashu waxay uga daba tageen dhibbanaha iyo aabbihii Maxamed Aadan Faarax aabbihii oo wada jooga gurigoodiii, waxayna, ku khasbeen dhibbanaha aabihii inuu ku wareejiyo dokumentiga labada Hoteel ee kor ku xusan, si uu u badbaadiyo wiilkiisa, waxayna ku qaatey si sharci darro ah, waxayna la wareegeen dokumentiga milkiyaddiisa isagoo aan raali ka aheyn;
Fiiro gaar ah:
"Waxaa xusid mudan in dhibbanaha loogu hanjabay in eheladiisa la waxyeeleynaayo, haddii uusan sameyn waxa laga dalbaday, oo ah inuu ku wareejiyo Dokumentiga labada Hoteel;
Dhibbanaha aabbihii xaaladda markay intaa mareyso, si uu u badbaadiyo wiilkiisa iyo reerkaba, wuxuu rahan ahaan ugu dhiibo dokumentiga milkiyadda labada hotel, wuxuuna shardi uga dhigay inay heystaan, ilaa lacagtooda loo keenayo, haddii ay suuroobi weysana in lacagta la siinayo marka la iibiyo labada hotel”.
- Maalmo ka dib, waxay qasab ku wateen dhibbanaha, iyagoo ka baxay heshiiskii loogu dhiibay dokumentiga rahan ahaan, waxayna dibadda qasab uga saxiixeen qoraal gaar ah oo aan rasmi ahayn, ka dibna geeyeen notaayada si ay ugu keydiso, inkastoo uusan qoraalkaas sharci ahayn;
- Waxaa kaloo xusid mudan in kaddib keydinta qoraalkas sharci darrada ah, dhibbanaha Cabdulqaadir Maxamed Aadan Faarax, ma aamusine wuxuu ku dhaqaaqay talaabooyin uu uga soo horjeedo qaabka aan xalaasha ahayn oo ay sameeyeen eedeysanayaasha, isagoo ku shaaciyay joornaalka xilligaa soo bixi jiray ee loo yaqaanay "Qaran”, in uu weli yahay milkiilaha dhabta ah ee labadaas Hoteel aan warbixintooda kor ku soo xusnay, islamarkaana uga digayay dadweynaha in aan lagu khatalmin oo la gadan ama la ijaarin;
Waxaa eedeysanayaasha 1aad Maryan Cabdullaahi Yuusuf, iyo 2aad Maxamed Amiin Sheekh Xuseen, si wadajir ah loogu eedeynayaa iney si ulkac u jebiyeen Qodoobbada 460aad, 468aad, 485aad, 486aad, ee X.C.S. oo lala akhriyo Qodd. 39aad/d/g, 44, 71, 73/a iyo 484aad/3 ee X.C.S., sababtoo ah waxay ku kaceen fal dembiyeedyada hoos ku qoran, iyagoo si ulkac ah, iyagoo isu abaabulay koox ahaan, islamarkaana adeegsaday xoog iyo qoryo:
- Afduubeen;
- Jirdileen;
- handadeen iney dhibaateynayaan, khatar geliyey nolashiisa iyo reerkiisaba;
- si khasab ah iyo qaab sharcidarro ahna ugala wareegeen dokumentigii;
- kaddibna xoog ku qabsadeen labada Hoteel ee uu milkiyaddooda leeyahay Dhibbane Cabdulqaadir Maxamed Aadan Faarax, welina si sharci darro ah ku heystaan, kana manaafacaadsadaan, dembigaas oo weli socda.
- Eedeysanayaasha 2 aadMaxamed Amiin Sheekh Xuseen iyo 5aad Axmed Nuur Cali Jimcaale, waxaa lagu eedeynayaa iney si Wadajir ah, ulakac u jebiyeen Qodobka 504 X.C.S; iyagoo:
- Edeysanaha 2aad Maxamed Amiin Sheekh Xuseen uu ka iibiyay eedeysanha 5aad Axmed Nuur Cali Jimcaale welina haysta, hoteel ka mid ah, labada hoteel ee laga qabsaday, loogana qaatay falalka ku faa’idaan, kuna shaqeysto eedeysanah 5aad oo ilaa iyo manta haysta.
- Eedeysanayaasha 1aad Maryan Cabdullaahi Yuusuf,
2aad Maxamed Amiin Sheekh Xuseen,
3 aad Maxamed Aadan Faarax,
4aad Qareen Abdulwaaxid Cismaan Xaaji Axmed,
Waxay si wadajir ah ugu eedeysan yihiin in intii ay baaristu eedda 1aad socotey ay ku keceen falal dembiyeedka hoos ku tifaftiran:
- Eedeysanaha 1aad Maryan Cabdullaahi Yuusuf, waxay 31 Maajo 2016, qoraal ku weydiisatay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, madal ay ku keento dokumentiga ay sheegtay iney ku gadatay waxay ku sheegtay Guryaha oo ah hoteellada laga qaatay Dhibbanaha, inuu u hayey marxuum Qareen Cabdiraxmaan Maxamed Maalin "Loos”, haddana ay ka maqan yihiin, waxayna weydiisatay 15 maalmood oo loo oggolaaaday 3dii Juun 2016, kuna ekeyd 18kii Juun 2016, mana ku keenin;
- Waxaa soo ifbaxay in eedeysanayaasha:
1aad Maryan Cabdullaahi Yuusuf,
2aad Maxamed Amiin Sheekh Xuseen,
- aad Maxamed Aadan Faarax oo ka wakil ah eedeysanaha 5aad Axmed Nuur Cali Jimcaale ay: Isla taariikhda ay arjiga u qoratay eedeysane 1aad Maryan Cabdullaahi Yuusuf ee 31 Maajo 2016, ay ku weydiisatay madal ay ku keento milkiyadda ay u sheegtay XXIQ, ayey iyada iyo eedeysanayaasha hoos ku qoran ku hawlanaayeen iney:
- sameeyaan Qoraallo been Abuur ah oo ku saabsan kala wareejin milkiyadeed aan jirin, iyagoo farsamo ahaan kaashanaya eedeysanaha 4aad Qareen Abdulwaaxid Cismaan Xaaji Axmed, oo isagana hore ugu lug lahaa been abuur qoraal uu ka sameeyay Garsoore Maxkamadeed, dacwadiisuna weli taagan tahay, eeg caddeymaha eedeynta:
- I.Codsiga Edeysanaha 1aad ay ku weydiisatay madasha looguna oggolaaday; iyo
- II.Nuqulka emaylka oo caddeynaaya iney ku hawlanaayeen diyaarin dokumenti milkiyad la wareegid been abuur ah;
- III.Oo labadaba isku taariikh ah, oo si aan shaki lahayn u caddeynaya inuusan jirin dokumentiga milkiyadeed oo ay sheeganeysay in Dhibbanaha ay ugala wareegtay Nairoobi;
- Wuxuu eedeysanaha 4aad Qareen Abdulwaaxid Cismaan Xaaji Axmed, u diyaariyay qoraallo tilmaamaya qaaabkii loo sameyn lahaa oo cinwaankoodu yahay "AUTHORIZATION, DIRECTION AND CONSENT REGARDING RELEASE OF INFORMATION” oo looga dan lahaa in Xafiiska nootaayuhu sugo wareejin milkiyadeed oo dhacday 9kii Settember 1993 oo ah sugid qoraalkii ay XXIGQ u sheegtay iney keeneyso eedeysane 1aad Maryan Cabdullaahi Yuusuf;
- Waxay qoraalladaas been abuurka ah ka sameeynayeen, nootaayo ku taalla Nairobi oo la yiraahdo "SHABANA OFFICE” oo cinwaakeedu yahay 1st floor central building, Moi Avvenue, P.O. Box 59957 – 00200, Nairobi – Kenya
Eedeysanayaasha kala ah:
- 1aad Maryan Cabdullaahi Yuusuf;
- 2aad Maxamed Amiin Sheekh Xuseen;
- 3 aad Maxamed Aadan Faarax;
- 4aad Qareen Abdulwaaxid Cismaan Xaaji Axmed;
- 5aad Maxamed Aadan Faarax; iyo
- 6aad Axmed Sacuudi
Waxey wadajir u galeen oo ay si ulakac ah u jebiyeen Qodobka 373 X.C.S;
Oo lala aqriyo Qodobada 39aad faqradaha (b), (e), (j) iyo 71aad iyagoo:
- Sameeyay isku day ay uga qayb qaateen wadar ahaan iyo ficil ahaan curin
Dokumenti been abuur ah oo lagu marin habaabiyo caddaaladda;
- Islamarkaana damacsanaa iney ku raad-tiraan dembigii boobka ahaa ee dhacay
Oo ay ku sii haystaan hantida maguurtada ah ay ka boobeen dhibbannaha;
- Wada og, si ay uga faa’iideystaan madasha ay weydiisatay Edeysanaha
1aad Maryan Cabdullaahi Yuusuf XXIGQ iney ku keeneyso dokumentiga ay
sheegtay iney hayso, qasadkooduna uu ahaa iney madashaas uga faa’ideystaan
sameynta dokumenti been abuur ah, iyo sugitaanno been ah uu diyaariyay
Edeysanaha 4aad Qareen Abdulwaaxid Cismaan Xaaji Axmed;
- Cusleynta dembiga ee ku xusan Qodobada 39aad faqradaha (j)
Waxay gaar u tahay Edeysanaha 4aad Qareen Abdulwaaxid Cismaan
Xaaji Axmed madaamaa uu Qareen yahay, islamarkaana ay u laalan tahay
Socodsiinta dembi kale oo been abuur qoraal ah oo lid ku ah caddaaladda.
MARAG MUUJINTA
- Labada daarood ee xoogga lagu boobay, laguna sii haysto;
- Caddeynta Qoraalka gaar ahaaneed ee la xiriira daaraha mid ka mid ah oo ku yaala jid mareexaan ee Dhibbanaha laga saxiixday isagoon raali ahayn, lana dhigay Xafiiska Notaayaha Diirshe;
- Caddeynta Qoraalka gaar ahaaneed ee la xiriira daaraha mid ka mid ah oo loo yaqaan Barakaat, horayna u ahayd Hotel baariyoow kuna taalla Waddada aada baar ubax, oo uu Edeysanaha 2aad uu u sheegay XXIGQ, inuu ku keydiyay Xafiiska Notaayaha Diirshe, hase yeeshee uu Nootaaye Diirshe u caddeeyay XXIGQ inaan Qoraalkaas loo keenin;
- Weydiisashada madasha Eedeysanaha 1aad Maryan Cabdullaahi Yuusuf, ee XXIGQ ee 31/05/2016;
- Emaylada caddeynaaya isku dayga sameynta qoraalada been abuurka ah ee lagu raad-tiraayo dembiyada boobka, afduubida, hanjabaada iyo ka manaafacaadsiga hantida la boobay ee socotay 1993 ilaa manta;
- Caddeyn sugitaan Markhaati uu maxkamad horteed ka caddeeyay in Dhibbanaha markii xoog looga qaatay labada Hoteel iyo dokumentigooda, inuu ku shaaciyay joornaalkiisa in guryahaas laga boobay aan la kireysan, la gadan madaama xoog looga qaatay, taasina waxay caddeyn u tahay inaan oggaal la’aan lagu gadan lana ogeyn in hantidaasi dembi ka timid;
- Caddeymo XXIGQ hortiisa looga qoray Afar Marag, oo si aan shaki ku jirin u muujiyay inuu dembi dhacay, dembigaasna laga galay Dhibbanaha, looga qaaday xoriyadda iyadoo la adeegsaday afduub hubeysan, hanjabaad, jirdil iyo waxyeeleynta Dhibbanaha iyo reerkiisa, sababtayna in laga qaato dokumentiga milkiyadda iyo labada Hoteelba, lalana sii haysto ilaa manta;
- Waxaa intaas dheer, intey socotay baarista caddeyn uu sameeyay mid ka mid ah afarta markhaati ee sare ku xusan, uu ku sheegayo iney la soo xiriireen si uu uga qayb qaato, gacana ku siiyo falka isku dayga been abuurka oo lagu marin habaabinaayo caddaaladda ee uu u soo diyaariyay Edeysanaha 4aad iyadoo ay la og yihiin kulana jiraan fal-dembiyeedkaas dhammaan Edeysanayaasha kale;
- Caddeymo sugaya in dokumentiga been abuurka ah la isku dayay in lagu sameeyo Notaayo ku taal Nayroobi.
TALLAABOOYINKA XIGA
Waa in:
- Dhammaan Edeysanayaasha la soo xiro;
- La xayiro labada Hotel ee xogga lagu qaatay, laguna haysto;
- La xayiro dhammaan xisaabaha bankiyada, saamiyada ay shirkadaha ku leeyihiin iyo hantidooda ma guurtada ah in la eg ka faa’iideysiga xaraanta ah ee dembiyada;
- La xayiro dhammaan qalabka kombuyuutarada iyo isgaarsiinada kale ee ay u isticmaaleen dembiga;
KU-XIGEENKA XEERILAALIYAHA GUUD EE QARANKA
Dr. Cabdi Cali Cumar
Daawo Akhri Xeer ilaaliyaha Qaranka oo amray in la xiro Ganacsade Axmed Nur Cali Jimcale iyo Maamulka Hormuud Telecom kadib markii la xaqiijiyay iney xoog ku heysteen Hotel-ka Ganacsade Baariyow ee Al-barakaat degtay 1993
Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Somalia ayaa amray in la xiro Axmed Nur Cali Jimcale, Maryan Yusuf,Maxamed Adan Faarax, Axmed Sacuudi iyo Maxamed Amiin Sheekh Xuseen. TALLAABOOYINKA XIGA Waa in: Dhammaan Edeysanayaasha la soo xiro