[Daawo] Al-Shabaab soo faafiyay sawirada diyaaradihii ay ku gubeen weerarkii Ciidanka Mareykanka iyo Kenya ee LAMU - Yeey u aargudayeen ?

0
Tuesday January 07, 2020 - 05:41:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 13515
  • (Rating 3.7/5 Stars) Total Votes: 3
  • 4 1
  • Share via Social Media

    [Daawo] Al-Shabaab soo faafiyay sawirada diyaaradihii ay ku gubeen weerarkii Ciidanka Mareykanka iyo Kenya ee LAMU - Yeey u aargudayeen ?

    Waagacusub.com - Afhayeenka hoowlgaladda Melleteri ee Al-Shabaab Cabdi Casiis Abu Muscab ayaa Wareeysi uu siiyay Idaacadda Al-Shabaab ee ANDALOUS ku sheegay in weerarkii Simba Camp ee LAMU loogu Aarguday weeraro iyo duqeeymo Ciidanka la dagaalanka ar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Afhayeenka hoowlgaladda Melleteri ee Al-Shabaab Cabdi Casiis Abu Muscab ayaa Wareeysi uu siiyay Idaacadda Al-Shabaab ee ANDALOUS ku sheegay in weerarkii Simba Camp ee LAMU loogu Aarguday weeraro iyo duqeeymo Ciidanka la dagaalanka argagixisadda Kenya ku burburiyeen Xarumahii Hormuud Telecom ee xaduud beenaadka Somalia iyo Kenya.

Waaxda Warfaafinta argagixisadda Al-Shabaab waxey sidoo kale faafiyeen sawiradda Xeradii ay weerareen ee Melleteriga Kenya iyo kuwa Mareykanka ay kula dagaaleen iyagoo dhex taagan.

Sawiradda la faafiyay waxaa ku jira iyagoo gubay , oo olol iyo deb ka baxayo diyaarado dhexyaalay Xeradda.

Maamulka Hormuud Telecom ayaa markii ugu horeeysay shir degdega galay subaxdii isniinta 6 Janaury 2020 laakiin lama sheegin waxyaabaha ay ka wada hadlayeen.

Shirka oo albaabadda loo xirtay ayaa madaxda kala duwan ee Shirkadda lagu amray iney telefoonadooda gacanta uga soo tagaan xafiisyadooda taas oo shaki badan ku dhalisay qaar ka mida shaqaalaha Shirkadda.

Ciidanka la dagaalanka Kenya ayaa gubay Xarumo Shirkadda Hormuud Telecom ku laheyd degaanka Jubbaland ee gudaha Somalia sida ay xaqiijiyeen guddigga dabagalka Qaramadda Midoobay ee Somalia.

Maamulka Hormuud Telecom ayaa lacag laaluusha siiyay dhawr jeer, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federalka Somalia kuwaas oo cambaareeyay weerarka Ciidanka Kenya ku burburiyeen Xarumaha Hormuud Telecom.

Hormuud Telecom Group oo ay hoos tagaan Shirkaddo waaweyn sida Telesom Somaliland, Golis Telecom Puntland, Salaam Somali Bank,Salaam African Bank, Taaj Express, Alburuuj Construction and Logistics,Daarusalaam City, BECCO POWERING, Coca Cola, Shirkadaha Malabka, Caanaha,Biyaha ,Tagsiyadda,bajaajyadda,Sonkorta .iyo ganacsiga guud waxaa la xaqiijiyay in shaqaalaheeda 45% Al-Shabaab yihiin.

"Al-Shabaab lacagaheeda baadda Canshuurta waxey ku aruursataa EVC Plus iyo Salaam Somali Bank. Canshuurta iyo taageeradda ugu badana waxey ka heshaa Hormuud Telecom Group” ayuu yiri Taliyahii hore ee Amniyaatka Al-Shabaab Zakariye Ismaciil oo hadda ah Taliyaha Sirdoonka Dowladda Farmaajo.

Amiir ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab Mukhtar Robow Cali oo loo yaqaan Abuu Mansuur ayaa sheegay in lacagta ugu badan Al-Shabaab ka helaan Hormuud Telecom Group iyo Dahabshiil Group.

"Waagii hore lacag taageero ah ayey na siin jireen Hormuud Telecom iyo Dahabshiil laakiin hadda waxey bixiyaan Canshuur sanad walba, waxaana la xisaabiyaa xoolahooda si lacagta Zakadda looga qaado” ayuu yiri Mukhtar Roobow oo xabsi Guri siyaasadeed ku jira Muqdisho.

Abuu Mansuur oo la rumeeysan yahay inuu yahay qofka labaad ee ugu xog ogaalsan Al-Shabaab wuxuu yiri "Al-Shabaab iyo dadkeey lacagta Canshuurta ka qaadayaan isma arkaan , wuxuu qof walba lacagta baadda ee loo bixiyay canshuurta ku shubaa EVC Plus ama Salaam Somali Bank”

Cadeeymaha buuxa ee lagu helay Hormuud Telecom waxaa ka mida in Maamulahoodii Villa Somalia Xasan Muxyadiin Bustooladda weyne qirtay inuu dableey ka tirsan Al-Shabaab gudaha Madaxtooyadda Somalia ku geeyay baabuurkiisa gaarkaa kuwaas oo doonayay iney dilaan Ra’isulwasaarahii hore ee Somalia Cabdiweli Sheekh Axmed oo loo yaqaanay Yuulka.

Laba ka mida Maamulayaasha Hormuud Telecom ayaa sidoo kale la saaray Maxkamadda Ciidamadda Muqdisho kadib markii lagu helay dimbi la xiriiray iney Baabuurkii isku qarxiyay Zope ee 14 October 2017 iyaga ka soo gudbiyeen Kontoroolka Siinka dheer ee gobolka Shabeeladda hoose.

Qaraxaas waxaa ku dhintay dad ka badan kun qof sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay kun iyo dhawr boqol oo qof .

Nin ka tirsan Darawaladda Hormuud Telecom oo lagu magacaabo Liiban Saciid Jimcale ayaa isku qarxiyay Kontoroolka ex Kontorool Afgooye, waxaana qaraxaas ku dhintay dad ka badan boqol qof halka dhaawacu laba boqol gaaray.

Maamulka Hormuud Telecom dhacdooyinkaas kama bixin magdhaw iyo raaligelin ,sidoo kalena marnaba sooma hadal qaadin.

Sikastaba ha ahaatee, waxey kooxda Al-Shabaab ku faafisay Website-keeda sawirka Askari ka tirsan Ciidanka Mareykanka oo ay sheegeen in lagu dilay weerarkii Simba Camp Lamu.

Askarigaan ayey magaciisa ku sheegeen  Mitch Mayfield oo ah  23 sano jir kasoo jeeda gobolka Chicago.


Loading...



















Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...