Farmaajo oo xoghayaha Dhuusamareeb ka dhigay Askarigii Qalbidhagax afduubkiisa Galkacyo fuliyay - Cabdicasiis Nuska.
Askarigaan oo u dhashay beesha Reer Barkhadle ,Sacad Habargidir oo uu wehliyo nin kale ayaa ka mid ahaay Jawaasiista mudada dheer u shaqeeynaayay Xukumaddii Ethiopia ee TPLF.
Cabdicasiis Nuska iyo nin kale ayaa fadhiyay banaanka Hotelkii uu ku degay Qalbidhagax iyagoo doonayay iney dilaan laakiin markii ay ku guuldareeysteen ayey Ciidanka NISA u adeegsadeen.
Markii Qalbidhagax la qabtay ee la geeyay Saldhiga wuxuu CabdiCasiis NUSKA ahaay ninkii ugu horeeyay ee sawir ka qaaday Qalbidhagax kadibna u diray Maamulkii Cabdi iley iyo Sanbaloolshe, sida ay sheegeen qaar ka mida Askartii habeenkaas hoowlgalka fuliyay.
Cabdicasiis NUSKA oo qandaraas ku qabay inuu dilo Qalbidhagax ayaa habeenkii oo dhan lacag u qeeybinaayay Askarta laakiin taliyahii NISA ee Ciidanka u madaxda ahaay ayaa ka dhuuntay , kadibna telefoonkiisa xirtay.
Askarigaan oo heysta Ethiopian Passport ayaa hadda lagu deray xubnaha uu Qoor Qoor u magacaabay iney noqdaan maamulka Dhuusamareeb taas oo la yaab ku noqotay Waxgaradka Galmudug.
Markii Qalbidhagax la afduubay kadib Cabdicasiis NUSKA oo ay wehliyaan xubno badan ayaa baraha bulshadda soo dhigay iyagoo la sawiran Xasan Cali Kheyre.
Cabdicasiis Nuska oo bilahii la soo dhaafay la shaqo bilaabay Argagixisadda Al-Shabaab wuxuu horey u galay dimbiyo waaweyn oo lagu qabtay sida mar uu qarax miino u dhigay Gaalkii la oran jiray NIMCAALE CADDE, iyo mar uu afduubay wiil ina Calool Geella isagoo u gudbiyay Ciidanka PS-ta Puntland.
Sikastaba ha ahaatee, godobta uu galay Cabdicasiis NUSka ayaa noqon doonta mid aan si sahlan uga tirmi doonin.
Farmaajo oo xoghayaha Dhuusamareeb ka dhigay Askarigii Qalbidhagax afduubkiisa Galkacyo fuliyay - Cabdicasiis Nuska.
Waagacusub.com - Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Xoghayaha Dhuusamareeb ku abaalmariyay Askarigii uu Qalbidhagax dilkiisa ugu diray Galkacyo ee markii dambe ku guuleeystay in laga afduubo Hotelkii uu deganaa kadibna Muqdisho la geeyo. Askarigaan oo