Topnews:- Culumadii u fadwoon jiray Farmaajo oo lacagtii laga goostay ?

0
Monday March 23, 2020 - 12:13:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3286
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Topnews:- Culumadii u fadwoon jiray Farmaajo oo lacagtii laga goostay ?

    Qaar ka mida Sheekhyadii Al-ictisaam ee Farmaajo ku taageeri jiray Qalad iyo sax ayaa ku xog waramay in laga goostay lacagtii gunadda ee laga siin jiray Villa Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar ka mida Sheekhyadii Al-ictisaam ee Farmaajo ku taageeri jiray Qalad iyo sax ayaa ku xog waramay in laga goostay lacagtii gunadda ee laga siin jiray Villa Somalia.

Sheekhyadda lacagta lagu siin jiray ineysan dhaliilin Dowladda Farmaajo waxaa ka mid Sheekh Bashiir Ahmed Salad,Sheekh Nur Baaruud Gurxan,Cali Wajiis iyo Wadaado u badan urur diimeedyadda Al-Itixaad,Al Islaax iyo Salafi.

Sheekhyadda Wahaabiyada u badan oo lacagta si joogta ah u qaadan jiray tan iyo sanadkii 2018 ayaa dhamaantood ka tirsan Dalladda Culumadda Soomaaliyeed urur loogu magacdaray laakiin qaarkood godobta ay ka tirsanayaan Farmaajo iyo Fahad Yaasiin waxaa ka mida iyadoo kooxdaas loo diiday xitaa iney gallaan Madaxtooyadda Villa Somalia.

Farmaajo ayaa lacago badan ka gooyay Siyaasiyiin, Wariyeyaal iyo kooxaha loo bixiyay Cayayaanka baraha bulshadda oo si indha la u taageeri jiray laakiin arrimahaan oo dhan waxaa sabab looga dhigayaa isagoo ku hoowlan inuu aruursado lacag uu dib u doorashadda ku gallo maadama ay uga dhegan tahay inuu sii jooga Xukunka.

Sikastaba ha ahaatee, Majmaca Culumadda Soomaaliyeed Sheekhyadda ku bahoobay ayaan weligood ka hadlin wadooyinka u xiran Farmaajo ee Muqdisho, Xasuuqii ka dhacay gurigga Cabdiraxman Cabdishakuur oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka xooga dalka lagu Aasay kobahooda, xasuuqii ka dhacay Baydhabo ee Mukhtar Robow lagu xiray, gumaadkii lagula kacay shacab rayida oo joogay beertooda Bariire, weeraradii uu Farmaajo ku qaaday Jubbaland iyo Galmudug, iyo Safar ka joojintii ay kooxda Farmaajo kula kaceen Madaxweyneyaashii hore sida Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

By Dahir Alasow

[email protected]


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...