ARAG: Qoor Qoor oo heysta Somali Diplomat Passport iyo Kenyan Passport - Waagacusub ayaa heshay dukumiintiyadiisa oo taxane ah

1
Sunday May 10, 2020 - 09:08:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 5155
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 4
  • 4 1
  • Share via Social Media

    ARAG: Qoor Qoor oo heysta Somali Diplomat Passport iyo Kenyan Passport - Waagacusub ayaa heshay dukumiintiyadiisa oo taxane ah

    Warbaahinta Waagacusub waxey bilaabeysa dukumiintiya baaris dheer kadib la helay taas oo ku saabsan Guryaha iyo Baasabooradda uu heysto Qoor Qoor, Safaradiisii Kenya ee is daba jooga ahaay. Ahmed Abdi Karie Qoor Qoor oo ka mid ahaay raggii maalgeli

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta Waagacusub waxey bilaabeysa dukumiintiya baaris dheer kadib la helay taas oo ku saabsan Guryaha iyo Baasabooradda uu heysto Qoor Qoor, Safaradiisii Kenya ee is daba jooga ahaay. Ahmed Abdi Karie Qoor Qoor oo ka mid ahaay raggii maalgeliyay burcad badeedii goboladda dhexe ee Somalia ayaa qasab iyo Qori caaradiis ku qabsaday Maamulka Galmudug kadib markii ay Ciidan ka amar qaata Dowladda dhexe u qabteen Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Axmed Qoor Qoor oo u dhashay beesha Saleebaan Habargidir wuxuu ka tujaaray lacag uu ka helay Maraakiibtii Burcad badeeda Maxamed Cabdi Xasan Afweyne ka qafaasheen badweynta.

Qoor Qoor oo ay isku beel hoose yihiin Maxamed Afweyne wuxuu bixin jiray dhaqaalaha hoowlgaladda Burcad badeeda laakiin markii dambe wuxuu ku biiray kooxihii la baxay Maxkamadihii Islaamiga ee Muqdisho iyadoo loo magacaabay Maareeye ku xigeenka Dekadda Muqdisho” sidaasi waxaa Waagacusub u sheegay Mohamed Sahafi oo ka tirsanaay burcad badeeda.

Xilligii Ethiopian-ka soo galeen Somalia wuxuu ka cararay Cadaado laakiin waxa lagu qabtay Muqdisho oo ay ku xireen inuu ka mid ahaay argagixisadii gollahii Maxaakiimta garabka Al-Shabaab.

Ahmed Qoor Qoor wuxuu ganacsiyo waaweyn ka sameeyay Muqdisho, Nairobi iyo South Sudan, waxaana lacago badan isaga iyo Maxamed Afweyne u haya nin la yiraa Aayatulaah  oo la rumeeysan yahay inuu ku lug lahaay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Dusi2 ee Nairobi.

Mr Qoor Qoor wuxuu noqday Maareeye ku xigeenkii Dekadda Muqdisho iyo Wasiiru dowlaha Xukumadda Xasan Cali Kheyre .

Taariikhdiisa hore wuxuu ilaalo u ahaan jiray hogaamiye kooxeedkii dhintay Mohamud Sigane isagoo markii dambena noqday Gaandhari ridi jiray Qori saaran baabuur dagaal oo Somalida u yaqaaniin Zakaa Uwe.

Qoor Qoor waxaa lagu xasuustaa inuu ka qeybqaatay dagaalkii Jeneral Caydiid la galay Ciidankii huwanta Mareykanka isagoo baabuurkii ugu horeeyay Ciidanka Mareykanka uga gubay meel ku dhaw Isgoyska Howlwadaag ee Muqdisho.

Sida ku qoran Labadiisa Passport ee Somaliga oo mid yahay Diplomat wuxuu Ahmed Qoor Qoor ku dhashay Hobyo Mudug 20 October 1969, taas oo ka dhigan inuu yahay 51 jir, sida ku cad Lifaaqa Passports-kiisa.


Loading...

 Axmed Qoor Qoor Saaxiibkiis Maxamed Afweyne oo isku dimbi ahaayeen wuxuu ku xiran yahay Dalka Belgium laakiin isaga wuxuu dagaal qaraar kula galay Dhuusamareeb Ciidankii Ahlusunah WalJameeca ee Sheekh Shaakir, isagoo ku dilay Dhuusamareeb iyo Guriceel dad ku dhaw boqol qof oo dad rayida u badan.

Inkastoo Mr Qoor Qoor sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Galmudug haddana tan iyo markii uu ku dhawaaqay doorasho aan lagula tartamin inuu ku guuleeystay waxaa iska aamusay oo aan hambalyo iyo taageero u muujin Qaramadda Midoobay iyo Midowga Yurub oo Arrimaha Somalia si weyn ugu dhuun daloola.

Sikastaba ha ahaatee, waxaan baaris ku wadnaa Gurya iyo ganacsiya uu Ahmed Karie ku leeyahay Nairobi Kenya , annagoo sidoo kale soo bandhigi doono Kenyan Passport uu si been abuura u sameeystay.

Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...