Sirculus:- Maxamed Cali Warsame oo ka tujaaray Lacagtii Fazul Abdallah 157 Milyan dollar - Safari Apartements

0
Wednesday May 13, 2020 - 08:33:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sirculus:- Maxamed Cali Warsame oo ka tujaaray Lacagtii Fazul Abdallah 157 Milyan dollar - Safari Apartements

    ilmo Cali Warsame oo u dhashay beesha Sacad Habargidir ayaa ka tujaaray lacag uu ka dhintay Xoghayihii Maaliyadda Al-Shabaab Fazul Abdallah oo duleedka Muqdisho lagu dilay iyo Madaxweynahii hore ee Galmudug Cabdikariim Guled oo lacag badan ka helay d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ilmo Cali Warsame oo u dhashay beesha Sacad Habargidir ayaa ka tujaaray lacag uu ka dhintay Xoghayihii Maaliyadda Al-Shabaab Fazul Abdallah oo duleedka Muqdisho lagu dilay iyo Madaxweynahii hore ee Galmudug Cabdikariim Guled oo lacag badan ka helay dhulkii Danta guud ee Muqdisho oo uu xaraashay, xilligii uu ahaay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federalka Somalia. Xoghayihii Maaliyadda Al-Shabaab ayaa la xaqiijiyay in Maxamed Cali Warsame u hayay lacag dhan 157 Milyan oo dollar, sida uu sheegay Khaliif Ereg oo ay markii dambe siiyeen laaluush dhan Laba Milyan oo dollar. Khaliif Ereg ayaa lacagtaas labada Milyan ku iibsaday guryo ku dhaw Villa Somalia , xilligii uu ahaay Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka gobolka Banaadir.

Lacagta labaad ee Maxamed Cali Warsame ka tujaaray wuxuu ka helay Cabdikariim Xuseen Guled oo kula shirkoobay lacag dhan qiyaastii Laba boqol milyan oo dollar.

Cabdikariim Guled wuxuu xaraashay oo iibsaday dhulkii danta guud sida:

1- Degaankii Airport-ka Muqdisho laga ilaalin jiray.

2- Xaruntii Korontada ee Eeneeyo.

3- Xeradii Ciidanka Asluubta Somalia ee hadda loo bixiyay Galmudug.

4- Warshadii daawadda ee Asluubta iyo  Ex Kontorool Afgooye u dhaxeeysay.

5- Warshadii hubka iyo rasaasta , iyo degaankii Macalimiintii Ruushka deganaayeen , ee ku dhegan Warshadda Daawadda.

6-Warshadii Hargaha iyo Saamaha ee u dhaxeeyay Siligga Amerikanka iyo Guryahii aqoonyahanadda, ilaa degmadda Dharkeenleey.

7- Warshaddii Coca Cola ee ka soo horjeeday CARWO Taleex, oo uu Xaaf ka qaatay lacag laba Milyan dollar ah, una sharciyeeyay.

8- Keysaney oo ahaan jirtay Xabsigii Muqdisho.

9- Xaliimo Hiite ilaa Waxaro Cadde wuxuu ka gatay afar kun oo boos.

Maxamed Cali Warsame wuxuu lacagtaas ku maalgeliyay Hotel Safari, dhismayaal fara badan oo loo bixiyay Safari Apartments , Bankiga IBS Muqdisho ,sidoo kale waxey hadda Real Estate ka dhisayaan agagaarka Sifeeynta Batroolka ee saaran badda Jaziira iyo Hotel ay ka dhisayaan ka soo horjeedka xeradda Turkiga ku tababaraan Ciidanka Xooga dalka Somalia.

Maxamed Cali Warsame cabsi kama qabo Al-Shabaab, waxana la rumeeysan yahay inuu weli xiriir wanaagsan la leeyahay.

Fazul Abdallah oo ku dhashay Jaziiradda Comoros wuxuu ka mid ahaay seddexda nin ee sida weyn looga baadigoobayay Somalia, wuxuuna ahaay Wakiilka rasmiga ah ee Osama Bin Laden u joogay Somalia.

Fazul Abdallah oo isagoo ambada lagu diray Ex Kontorool Afgooye wuxuu dejiyay Maskaxda dhaqaala abuurka argagixisadda Somalia taas oo weli Somalia ka socota.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...