Saleebaan Habargidir waxey Qoor Qoor weydiisteen seddex arrimood
2- Saleebaan waxey weydiisteen Qoor Qoor, Inuu ka shaqeeyo sidii Sacad iyo Saleebaan kuraas siman ugu yeela lahaayeen Hobyo si ay u noqoto Magaalo labada qabiil wada leeyihiin.
-Qoor Qoor qodobkaan Saleebaan waa ka aqbalay,wuxuuna weydiistay iney Hobyo ka bilaabaan degaameeysi maadama Sacad kaliya degan yihiin oo hal guri ku leeyahay Maxamed Gafaaje.
Qoor Qoor wuxuu amar siiyay Wasiirkiisa Arrimaha gudaha Mr Cabdi Waayeel ,wuxuuna ku amray inuu tiro siman u magacaabo Sacad iyo Saleebaan , arrintaani xiisad weyn ayaa ka dhalatay oo waxaa iscasilay afartii xubnood ee beesha Sacad loo magacaabay guddigga farsamadda dhismaha gollaha degaanka Hobyo.
3- Saleebaan waxey weydiisteen Qoor Qoor Inuu Baarlamaanka Galmudug raro, kuna shaqeeyaan Cadaado.
- Qoor Qoor waa aqbalay qodobkaan. wuxuuna magacaabay guddi Cadaado u rari doona Xildhibaanadda baarlamaankiisa Galmudug ee xooga ku qabsaday Dhuusamareeb.
Annigu Habargidirta la sheego waxaan ugu jeclahay Saleebaan laakiin haddii ay talo iga maqlayaan waxaan dhihi lahaay "Dam Damta iyo damaca waalan joojiya,hadaad iga diidaana wixii khasaaro iyo faa’iido laga helo yaan ”
Qoor Qoor wuxuu Galmudug ku dilay Siyaasiyiin uu ka mid yahay Musharaxii beesha Sacad Marxuum Axmed Maxamuud Kooshin oo aan weli diyadiisii la bixin.
Saleebaan Habargidir waxey Qoor Qoor weydiisteen seddex arrimood
1- Inuu soo saaro xeer dhigaya in reer Galmudug wada degi karaan,wadana daaqi karaan. qodobkaan Saleebaan waxey rabeen iney dhulka Sacad, Ceyr iyo Mareexaan ku faafaan oo degaameeystaan. - Qoor Qoor qodobkaan waa ka cudurdaartay, wuxuuna Saleebaan w