Jaajuusiintii Sacad Habargidir gumeeyn jiray oo kumanaan Boos Hobyo ka siiyay Mareexaan iyo Murusade

0
Tuesday June 23, 2020 - 09:25:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3709
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Jaajuusiintii Sacad Habargidir gumeeyn jiray oo kumanaan Boos Hobyo ka siiyay Mareexaan iyo Murusade

    Xildhibaanadii Mareexaan iyo Murusade waxey Hobyo ka gateen kumanaan boos si ay u fuliyaan amarka degaameeynta beelahaas ee Kheyre iyo Farmaajo ? Jaajuus waxaa uu dhalaa jaajuus?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanadii Mareexaan iyo Murusade waxey Hobyo ka gateen kumanaan boos si ay u fuliyaan amarka degaameeynta beelahaas ee Kheyre iyo Farmaajo ? Jaajuus waxaa uu dhalaa jaajuus?


1. Guuleed Faarax Jeex Rag Sacad ah oo la yaqiin baa jaajuusey asagoo Qadiyad Sacad u dagaalamaya, ilaa uu ka keenay cadowgii markaaas ina Qooro kala Jeex waa i soo karay ,Asna waxaa laga hayaa Siciid Barqashoow waa ninkii hubka siiyey adigu rag baaa tahay , Ana nin baan ahey laakiin rag Kama dhalan. Dib dambe looma arag ninkaas nolol iyo geeri.


Loading...

2. Cabdullahi Ciise oo ahaa hogaamiyihii ugu horeeyay Dowlad Soomaaliyeed oo daaqili ah iyo Aabihii Xornimada & Gobanimada Soomaaliya 

Rag Sacad ah oo la yaqiinay yaa dhaafiyey Madaxweynaha 1aad oo uu ahaa ninka ugu mudan waana la yaqaan ragaas  taageeray Majeerteen, Talyaani iyo USA.


3. Jeneral Caydiid ,Rag baa ka hor yimid oo Sacad ah oo la yaqan oo u adeegayey Majeerteen iyo USA. Waa ninkii African, Somali. Muslima ahaay ee Mareykan qireen in uu ahaa qodax ku taagneed, oo siyaasadoodii fashiliyey, Caalamka dhan laga bartay.

Raggii  loo adeegsaday dilkii Caydiid, qaar baa Weli horboodaya cidda Sacad Habargidir. 


4. Madaxweyne Amb Kiimiko oo ahaa Diplomasi weyn Soomaaliyana si weyn looga yaqaanay, ahaana aas-aasihii Galmudug, rag Sacad ah ayuu ka wadi  waayey Galmudug, si weyn oo La wada og yahay ayey u cuuryaamiyeen maamulkiisii. Ragaas qaar ka mida ayaa nool , oo weli cidda Sacad horboodaya 


5. Madaxweyne Caalin rag Sacad oo la yaqaan ayuu ka shaqeyn waayey, xataa diiday in uu dhameysto muddo xileedkiisii, qaar baa nool oo maantana cidda Sacad horboodaya.

6. Xilligii Maxaakiimta rag isla dadkaasa ayaa soo horkacay Gollahii Maxaakiimta kadibna hubkii saanadda Ceelguula ee Sacad iyo Taangiyadii u gacangelshay argagixisadii Al-Shabaab ee Axmed Godane iyo Mukhtar Roobow wateen.


7. Madaxweyne Xaaf in kastoo qudhiisa Sacad iyo Habargidir oo garab taagan uu saxiixay, wareejiyey awoodii Iyo Sharciyadii Galmudug, dadkii dhamaana uu garabka ka jabshay hadana waxaa basaasayey rag Sacad ah oo weli cidda horboodaya .


Ugu dambeyn, waxay ragaas jawaasiista Sacad soo istaageen iney dhaheen anaga GalMudug waa ku fashilanay, mana hogaamin karno !!


Is weydii Maxay rabeen?, ragaas inta dhimatay waa dhimatey kuwa nool maxaa weli ka maqan.? Hadda waxay marayaan xil iska daaye in Degaanka Hobyo ee Sacad ku xaraashtaan Shilimaad yar oo lacag ah.

- Xildhibaan Cabdishakuur Gaal eri ,Senator Cabdiwaaxid Goonjeex oo ka socday Farmaajo ayey geeyeen Hobyo, waxey labada nin ka gateen seddex kun oo Boos , ma qarsan sirta waxey sheegeen iney Hobyo ku degaameeynayaan qoysas Mareexaan ah.

- Senator Dhegdheer, Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo u dhashay Murusade kana socday Kheyre ayey geeyeen Hobyo, wuxuu Senator Dhegdheer uga khudbeeyay in qabiilka seddexaad ee dega Hobyo yihiin Murusade sidaas darteedna lagu diriri doono haddii aan Xildhibaanaha Gollaha degaanka Hobyo laga siin Xubno. sidoo kalena Hobyo waxey ka iibsadaan Laba kun oo Boos si ay u dejiyaan qoysas Murusade ah.

Jiilka Sacad waxaan leeyahay, waan is xamanaa,waana iska warqabnaa, iska diida Gunnimadda oo ka shaqeeya sidii aan Af iyo Adin uga hortegi laheyn kuwa ay dhaleen Jawaasiista weligood u shaqeeyn jiray cadawga beesha Sacad iyo kan guud ee Habargidir.

#HobyoForex

Waxaa qoray Dahir Alasow

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...