Xog rasmiya Shirqoolkii lagu dilay Halyeey Dahir Shidane iyo Xariga Dembibaaraha Boliiska Cadaado.
Dahir Shidane waxaa lagu xiray Taliyaha Boliiska Galmudug Bishaar Qalweyne oo u sheegay inuu dhinaca Ceyr-ka jooga sidaas darteedna uu sugaa si uu dhinaca Saleebaanka uga hergeliyo xabad joojin.
Dahir Shidane wuxuu horey u watay Afar Nabadoon oo uu ka mid yahay Abwaan Sahal waxey wateen Gaari Leyla Calaawiya, waxey ku guuleeysteen iney Xabadda ka joojiyaan dableeydii beesha Saleebaan kadibna wuxuu Dahir Shidane la hadlay Bishaar Qalweyne oo dhinaca Ceyr joogay laakiin aan baabuurkiisa ka soo bixin.
Bishaar Qalweyne wuxuu u sheegay Dahir Shidane inuusan ragga dagaalamaya ee Ceyr xabadda ka joojin karin.
Dahir Shidane ayaa ku yiri Odayaashii la socday ee Saleebaan " Waa u soo rag badsanayaa oo Dhuusamareeb ayaan tegeeynaaye hadda nagu celiya Cadaado”
Baabuurkiisa markii uu dhaqaaqay inta uusan ka dhamaan derbiga ayaa rasaas lagu bilaabay, waxey xabad ka soo gashay dhinaca Darawalka kadibna Dahir Shidane ayey madaxa uga dhacday.
Rasaasta kama joogsan baabuurkiisa oo dhan ayaa laga dhigay shaandho laakiin seddexdii Nabadoon ee kursiga dambe fadhiyay waxba kuma noqon.
Dhinaca Ceyr-ka waxey ii sheegeen inuu shirqoolka dilka fuliyay Bishaar Qalweyne, iyagoo seddex ka tirsan Yabar dhawrekacaha ii xaqiijiyeen iney rasaasta fureen Ciidan la socday Taliyaha Boliiska Galmudug.
ANIGGA IYO DAHIR SHIDANE, WADA HADALKEENII IYO SABABTA LOO SHIRQOOLAY ?
Inta uusan Qoor Qoor isku magacaabin Madaxweynaha Galmudug ayaan Dahir Shidane habeen ka wada hadalnay, wuxuuna igu yiri "Haddii Qoor Qoor Madaxweyne ka noqdo Galmudug noolaan maayo, ninkaas waa na dilayaa, anigaa kaa aqaan”
Dahir Shidane oo hooyadiis oo xanuunsan Dhuusamareeb geeyay kana soo laabtay dib u heshiisiintii Mareexaan iyo Habargidir ayaa i soo wacay, wuxuuna iga codsaday inaan iskaga aamuso Qoor Qoor laakiin kama yeelin taladiisa.
Dahir Shidane oo aan saaxiibo aheyn 27 sano wuxuu i soo wacay 24 June 2020. wuxuu ii sheegay inuu Qoor Qoor ku xiray Cadaado Walaalkiis , Dimbi baarahii Saldhigga Boliiska Cadaado Mr Cali Maaliki Cabdi Cismaan.
Dahir Shidane wuxuu igu yiri " Walaalkeey waxaa xiray Xidigle Cabdinur Qatow nin la yiraa oo Qoor Qoor ilmo abti iyo ilmo eedo yihiin , uuna ka keenay Muqdisho, xiritaankiisa anniga ayaa la igu xumeeynayaa laakiin waraaqahiisii oo dhan waa u geeyay Axmed Cabdi Kaariye, waxaana is leeyahay ninkaas raacitaankeeygii Xaaf ayuu igu dakaneynayaa”
Allaha u naxariistee Dahir Shidane wuxuu hadalkiisa ii raaciyay " Dagaalka Qoor Qoor ma rabbo, inuusan i aamineyna waa ogahay laakiin Taliyaha Daraawiishta ayaan weeydiistay , haddii aan ka helana waa Kheyr ,hadaan ka waayana Ganacsi ayaan iska sameeysanayaa”
Dahir Shidane hooyadiis waxaa la yiraa Madiino Barre ,waxey u dhalatay qabiilka Reer Xersi ee Farax Saleebaan laakiin Ayeeyadiis dhashay hooyadiis waxaa la yiraa Muslimo Ibrahim Jimcale ,halka Dimbi baaraha xirana la yiraa Cali Maaliki Cabdi Cismaan Ibrahim Jimcale.
Cali Maaliki hooyadiis waxaa la yiraa Madiino Salaad Qaareey Xasan Rooble.
Intaasi waa xogtii uu Dahir Shidane iga siiyay Ninka xiran iyo waxey isku yihiin.
Dahir Shidane iyo Cali Maaliki , ka sokoow reer Muse waxey isku yihiin jufadda hoose ee Reer Cabdi Siyaad.
Reer Cabdi Siyaad shan ayey ahaayeen, Qoor Qoor labo ka mida ayuu shirqool ku dilay laba maalin oo is xiga, halna waa u xiran yahay,
-Cali Maaliki adeerkiis Cabdinaasir Aadan Rooble Jimcaale oo ahaay ninkii raashinka ugu geeynaayay Xabsiga waa la dilay maadama uu waday olole uu bulshadda ku kicinaayay si loo sii daayo Cali Maaliki.
Cabdinasir wuxuu ahaay ninkii uu rabay Dahir Shidane inuu ku wareejiyo hubka beesha Cabdi Siyaad. Qolooyinka ka socday Qoor Qoor oo kicinta dagaalka Qalanqale qaabilsanaay ayaa u tegay Cabdinasir, waxaa lagu dhahay ka qeybgal Xoolo qal loo sameeyay Ciidan beeleedkii Saleebaanka ee Ceyr kula dagaalay Qalaanqale.
Cabdinasir markii uu ka soo laabtay Hilib cunkii uu ka qeybgalay ayey Jidka u galeen rag hubeeysan oo u dhashay beesha Reer Cumar ee Juffadda Qoor Qoor kuwaas oo dilay.
- Cali Maaliki walaalkiis Dahir Shidane oo dadaal ugu jiray in la sii daayana waa la dilay kadib markii uu shahaadooyinka Ninkaas u geeyay Qoor Qoor 24 June 2020.
- Qoor Qoor wuxuu u socdaa inuu mishin ku dilo Xidig Cabdulahi Xaashi [Xidig Afkalahaye] oo Xabsiga ku booqday Cali Maaliki.
-Ninka ugu dambeeya ee Qoor Qoor ka taqalusi doonana wuxuu noqonayaa Faarax Dabagod.
Intaas haddii uu ku guuleeysta wuxuu xaqiijinayaa iney meesha ka baxday saameeyntii Reer Cabdi Siyad,waana xaqiiqo.
Qoor Qoor wuxuu xilligii Maxaakiimta dilay Ninkii ugu qaalisanaa Saraakiisha Ciidanka reer Cabdi Siyaad oo la dhihi jiray Cali Faarax.
WAA KUMA CALI MAALIKI .
Wuxuu Saldhiga Cadaado ka soo shaqeeyay 11 sano laga soo bilaabo xilligii Maxaakiimta, wuxuuna ka noqday Cadaado Xeer ilaaliye, Karaani, Taliye ku xigeenka Saldhigga oo uu uga sareeyay Sheekh Maxamed Xasan Qalajiye, waxaana Maxkamadda Garsoorayaal ka ahaay Sheekh Cabdullahi Tusbax iyo Sheekh Xaan Muumin.
Cali Maaliki wuxuu la shaqeeyay Ciidanka Amisom isagoo maray Database-ka Ciidanka Daraawiishta Galmudug sida ku cad dukumiintiga Lifaaqa ku jira.
Xogta aan heleeyno waxey Qatow iyo Qoor Qoor ku heshiiyeen inuu gaajo u dhinto Dembi baare Cali Maaliki oo la rumeeysan yahay iney jiraan sababo loo dabbo joogo iyo Macluumaad sira oo uu hayo.
Waxaa qoray Dahir Alasow
Xog rasmiya Shirqoolkii lagu dilay Halyeey Dahir Shidane iyo Xariga Dembibaaraha Boliiska Cadaado.
Xog faahfaahsan ayaa laga helay habkii loo shirqoolay Wasiirkii hore ee Shaqadda iyo Shaqaalaha Galmudug Marxuum Dahir Shidane oo lagu toogtay Qalaanqale xilli uu ku mashquulsanaa Nabadeeynta dableey u dhalatay beelaha Ceyr iyo Saleebaan oo ku dagaal