Topnews:- Gudoomiyaha Maxkamadda sare oo shaqaalaha Garsoorka kula kacay heyb sooc qabiileeysan
Waagacusub.com - Shaqaalaha Hay'adda Garsoorka dalka ayaa ka cabanaya Hayb sooc uu ku hayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka❗
Dhallinyarada ka shaqeysa Garsoorka dalka oo xaalada kala duwan kusoo shaqeynayay waqtiyadii ugu danbeeyay ayaa hadda ka cabanaya Hayb sooc lagu hayo iyo in la beegsanayo dadka Koonfurta kasoo jeedo si boos loogu helo dad ay hoosta ka riixaayaan Madaxda kala duwan ee ka shaqeysa Hay'adaha Garsoorka.
Waxana arrintaan sameynaya oo ka danbeeya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo kaashanaya Xeer Ilaaliyaha iyo Nin ay isku hayb yihiin Ra'iisul wasaaraha Khayre oo ku garab siinaya labadaan nin in Shaqaalaha Garsoorka la Hayb Sooco.
Howl wadeenada Garsoorka Dalka ayaa War-saxafdeed ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay in aysan ka qeyb gali doonin imtixaan maalinta Berri ah ay qaadeyso Maxkmada sare ee dalka, Waxa ayna ku tilmaameen mid sharci darro ah oo aan wafaqsaneeyn hannanka Sharciga ah ee Imtixaan qaadista Shaqaalaha.
Haddaba, Madaxda Sare ee dowladda raali miyey uga yihiin Guddoomiyaha Maxkamadda Sare in uu Haybsooc ku sameeyo Shaqaalaha Garsoorka, cidda uu rabana uu keensado halkaas❓
Ali Adan Mumin