Seddexda Nin ee dishay Waxgalkii Dharkeenleey iyo Wadajir maxaad ka taqaan magacyadooda - Maxamed Muse , Jabaan iyo Cabdiqani.

1
Monday August 10, 2020 - 07:30:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Seddexda Nin ee dishay Waxgalkii Dharkeenleey iyo Wadajir maxaad ka taqaan magacyadooda - Maxamed Muse , Jabaan iyo Cabdiqani.

    Warbixintaan Sirdoon waxaan ku soo bandhigeeynaa seddex Nin oo laayay Waxgalkii degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey kuwaas oo Nin ka mida isla kooxda Shabaab dishay ,halka Nin ka mida Madax ka noqday Shirkadda Alburuuj, halka kalena wuxuu ku nool ya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixintaan Sirdoon waxaan ku soo bandhigeeynaa seddex Nin oo laayay Waxgalkii degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey kuwaas oo Nin ka mida isla kooxda Shabaab dishay ,halka Nin ka mida Madax ka noqday Shirkadda Alburuuj, halka kalena wuxuu ku nool yahay Belgium.

Maxamed Muse Faarax wuxuu ahaay madaxa Amniyaatka Al-Shabaab ee Degmooyinka Dharkeenleey iyo Wadajir. wuxuu u dhashay Qabiilka Duduble gaar ahan Maxamed Camal, Afrax Maxamed, Calas.

Liiska magacyadda raggii uu gacantiisa ku dilay 2008.

1- Sanadkii 2008 wuxuu dilay Maxamuud Salaad oo u dhashay beesha Sacad Reer Nimcaale. wuxuu ku dilay agagaarka 5ta Geed ,Suuq Liif,degmadda Dharkeenleey isagoo Sooman. waxaa dilka la fuliyay Cabdiqani Caddow iyo Jabaan.

2- Laba bilood kadib Sanadkii 2008 wuxuu dilay Nabadoonkii beesha Sacad [ Reer Jalaf ], Nabadoon Axmed Jimcale Qoordheere oo joogay albaabka gurigiisa ,ahaana 70 sano jir. waxaa dilka la fuliyay Jabaan iyo Cabdiqani.

3- Wuxuu Saldhiga Galbeed hortiisa ku dilay Laba Askari oo kala ahaay Deeq Cardaf iyo Cabdirashiid . Deeq Cardaf wuxuu ahaay Sacad Reer Jalaf, Halka Cabdirashiid ahaay Dir. waxaa dilka la fuliyay Jabaan iyo Cabdiqani Caddow.

4- Wuxuu isla sanadkaas 2008 dilay Askari ka tirsanaay Melleteriga oo la yiraa Tuur Fareey oo u dhashay Sacad Reer Jalaf. wuxuu ku dilay agagaarka Suuq Liif.waxaa dilkaas la fuliyay Jabaan iyo Cabdiqani.

5- Isla sanadkaas wuxuu dilay Adan Looteeye oo ka tirsanaay ergadii shirka dib u heshiisiinta ee Xera Gaadiid lagu xareeyay sanadkii 2008. wuxuu ku dilay Suuq Liif Dharkeenleey. waxaa dilkaas la fuliyay Deeq indha korey iyo Maxamed Xasan.

6- wuxuu dilay isla sanadkaas Ibrahim Maclow oo loo yaqaanay Ibrahim Khuruush . wuxuu ku dilay degmadda Kaxda. waxaa dilkaas la fuliyay rag aan weli magacyadooda helin.

Kooxda Amniyaatka Argagixisadda Al-Shabaab waxaa Taliye u ahaay Maxamed Muse Faarax oo u dhashay Duduble, waxaa ku xigeen u ahaay Jabaan oo u dhashay Abgaal, waxaana ku sii xigay Cabdiqani Caddow oo hadda ku nool Belgium. una dhashay Abgaal, Harti Abgaal, Warsengeli.

Maxamed Muse Faarax oo weli ka tirsan Saraakiisha sare ee Al-Shabaab wuxuu ku magacaaban yahay Madaxa Gaadiidka Shirkadda Dhismaha Alburuuj ee Hormuud Telecom Group.

Jabaan oo ahaay Saaxiibka Maxamed Muse Faarax wuxuu ka baxsaday kooxda Al-Shabaab, wuxuu u galay Dowladii Sheekh Shariif kadib wuxuu qorsheeyay inuu dilo Gudoomiyahii Degmadda Wadajir Mr Axmed daaci laakiin waa ku guuldareeystay kadibna waxey dib u wada hadleen Amiirkiisa Maxamed Muse ,waxaana lagu amray inuu dilo Taliye ku xigeenkii degmadda Dharkenley Laba xidigle Cali Yare.

Mr Jabaan wuxuu toogtay Cali Yare kadibna waa baxsaday , wuxuuna dib ugu laabtay Al-Shabaab laakiin laba bilood kadib waxaa gacantiisa ku toogtay Amiirkiisa Maxamed Muse.

Markii uu ku biiray Alburuuj Maxamed Muse waxaa la siiyay baabuur uu gacantiisa ku wadan jiray oo taarikadiisu tahay AG8360,sida aad ka aragtaan sawirka Lifaaqa ku jira, laakiin wuxuu dilay Madaxii Shirkadda Al-Buruuj ee Goofta Daarusalaam Siciid Geelle Rooble Cadde kadibna waxaa loo sameeyay baabuur seddex ah oo si gaara u ilaalisa.


Loading...

Inta badan wuxuu ku dhuumaaleeystaa degaanka Daarusalaam iyo Beer uu ka gatay Afgooye.

Maxamed Muse wuxuu leeyahay qiso dheer dhinaca dilalka qorsheeysan laakiin qeybta 1-aad ayaan ku koobnay tirra ka mida Waxgalkii uu dilay sanadkii 2008.

Maxamed Muse Faarax waxaan raadinaayay sawirkiisa mudo dheer kadib markii la ii sheegay inuu ku biiray Alburuuj Construction laakiin anigoon ogeyn ayaan helay sawirkiisa.

Waxaa la yaab igu noqotay markii ay i soo waceen dad ii sheegaya in sawirka aan ku lifaaqay warbixintii dilkii Siciid Geelle uu yahay ninkii Waxgalka dhameeyay ee aan labada sano raadinaayay sawirkiisa.

Sikastaba ha ahaatee, waxaan taxane ka dhigi doonaa dabagalka kiiskiisa ,anigoo rajo ka qaba iney shacabka Dharkeenleey iyo Wadajir gacan ka geysan doonaan sidii Cadaaladda loo horgeyn lahaay maadama ay wada yaqaaniin.

Xogtaan waxaa diyaariyay , oo hubiyay Saraakiisha Sirdoonka Boliiska iyo Nabadsugida, Wariyeyaasha Waagacusub iyo Xirfadleyaal madax banaan oo la ehela Maxamed Muse. waxaan kadib ka xaqiijiyay Laba ka tirsanaay Saraakiisha Amniyaat Al-Shabaab iyo Wariye ka shaqeeya Waaxda Alkataaib.





Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...