[Topnews:-] Abdalla Maalin Group oo Malaayiin dollar ka dhacay Somalida ayaa lagu Maxkamadeynayaa Kenya laakiin maxaad ka taqaaniin Vitalis Kibet

0
Friday October 23, 2020 - 05:17:47 in Wararka by
  • Visits: 4551
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 3
  • 8 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Abdalla Maalin Group oo Malaayiin dollar ka dhacay Somalida ayaa lagu Maxkamadeynayaa Kenya laakiin maxaad ka taqaaniin Vitalis Kibet

    Abdalla Maalin oo Passport Kenyan ah ku sameeystay magaca Abdullahi Mohamed Ali ayaa lagu Maxkamadeynayaa Kenya kadib markii lagu helay dimbiyo waaweyn sida inuusan Canshuur bixin Shirkadiisa iyo in Leesinka shaqadda uu heystay uu ahaay mid yar oo aa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abdalla Maalin oo Passport Kenyan ah ku sameeystay magaca Abdullahi Mohamed Ali ayaa lagu Maxkamadeynayaa Kenya kadib markii lagu helay dimbiyo waaweyn sida inuusan Canshuur bixin Shirkadiisa iyo in Leesinka shaqadda uu heystay uu ahaay mid yar oo aan gaarsiisneeyn xeer Xawaalad, Bank iyo lacag qabasho FOREX. Abdalla Maalin Group oo looga shakisan yahay inuu xiriir la leeyahay Argagixisadda Al-Shabaab wuxuu Malaayiin dollar kala baxsaday Siyaasiyiin iyo ganacsato Somalia laakiin mudo dheer kadib ayaa la arkay isagoo ku soo laabtay Nairobi. Sawiro laga qaaday Abdalla Maalin waxey muujinayaan Sarkaal ka tirsan Hay'adda la dagaalanka argagixisadda Kenya oo la yiraa Vitalis Kibet oo daba taagan xilli uu ka degay Jomma Kenyatta Airport. Vitalis Kibet oo ah OCS kenya Anti terrorism police unit xilliga uu Jomma Kenyatta Airport uga hortegayay Abdullahi Mohamed Ali wuxuu ku jiray karantiil kadib markii laga helay xanuunka COVID-19.
Abdalla Maalin ama Abdullahi Mohamed Ali oo ka yimid South Africa Johannesburg sida ku cad diiwaankiisa socdaalka waxaa Maxkamadda Kenya looga soo qaaday warqad ku saabsan inaan la xiri karin. wuxuuna saaxiibadiis u sheegay inuu Warqadaas u soo qaaday Vitalis Kibet.

Abdullahi Mohamed Ali wuxuu sheegay inuu Vitalis Kibet u xiray Somali badan ,taasina waxey sababtay iney dad badan ka cabsadaan laakiin hadda Dowladaha Reer Galbeedka sida Mareykanka iyo Midowga Yurub waxey baarayaan xiriirka u dhaxeeya Abdullahi Mohamed Ali iyo Vitalis Kibet maadama uu jiro shaki weyn oo ku saabsan inuu Abdullahi Mohamed Ali Kenya ku martigeliyay Saraakiil Al-Shabaab uu ka mid yahay Abdikarim Jilicow oo ahaay maskaxdii abaabushay weerarkii Westgate Mall.
Vitalis Kibet waxaan sawirkiisa soo dhigay Lifaaqa ,waana ninka qaba Teeyga gaduudan iyo shaarka cad. sidoo kalena sawirkiisa waa ninka u xiran yahay maaska, ku lebisan surwaalka Jeeniska ee ka dambeeya Abdalla Maalin Group, albaabka Jomma Kenyatta Nairobi.
ila wareedyo ka tirsan Saraakiisha Sirdoonka Reer Galbeedka ee Nairobi ka howlgala waxey sheegeen in xiriirka Vitalis Kibet iyo Abdullahi Mohamed Ali uu ka shaqeeyay nin la yiraa Mahdi Abdullahi Hussein , ninkaan waxaan sawirkiisa soo dhigay Lifaaqa, waana ninka xiran shaatiga cad, saacadda iyo Koofida.
Abdalla Maalin oo ku dhashay Beledweyne Hiiraan, waxna ku bartay Muqdisho , Xarunta Xagjiriinta maamulaan ee Imaamu Shaafici lamma dhaho Abdullahi Mohamed Ali laakiin wuxuu ku sameeystay Passport Kenyan ah isagoo ku qortay inuu ku dhashay Wajir Kenya.
Sikastaba ha ahaatee, Maxkamadeynta Mulkiilaha Maalin Group Mr Abdullahi Mohamed Ali waxey fursad u tahay Somalidii uu lacagta ka dhacay.
Lifaaqa waxaa ku jira Abdalla Maalin Travel History.

Loading...







Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...