[Topnews:-] Qodobada qorshaha gollaha siyaasadda beesha Sacad Habargidir iyo fariinta Dahir Alasow

0
Monday January 04, 2021 - 05:44:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1836
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Qodobada qorshaha gollaha siyaasadda beesha Sacad Habargidir iyo fariinta Dahir Alasow

    Gollaha Siyaasadda iyo Horumarinta Sacad looma dhisin in qof ama qabiil lagula dagaalo. `ujeedka Gollaha Sacad loo dhisayna maaha in Qoor Qoor iyo maamulkiisa lagu waxyeeleeyo laakiin waa isla xisaabtan iyo xaquuq raadin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gollaha Siyaasadda iyo Horumarinta Sacad looma dhisin in qof ama qabiil lagula dagaalo. `ujeedka Gollaha Sacad loo dhisayna maaha in Qoor Qoor iyo maamulkiisa lagu waxyeeleeyo laakiin waa isla xisaabtan iyo xaquuq raadin.

1- Saraakiil Sacad u dhashay ayey diyaaradaha Mareykanka duqeyn ku laayeen duleedka Galkacyo, qof ka hadlay ma jiraa?

2- Wasiirkii Arrimaha gudaha Galmudug Cabdi Madoobe ayaa ku xiran Mareykanka , been abuur laga sameeyay, qof ka hadlay ma aragteen ?

3- Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo la yiraa Yoonis Shaare ayaa si bahdila looga reebay diyaaradii Garowe u socotay ee Qoor Qoor watay , qof Sacad ah oo ka dhiidhisay ma aragteen ?

4- Wasiirka Warfaafinta Galmudug Ahmed Shire Falagle waxaa laga qaatay baabuurkii uu watay, waxaa laga damiyay Tv-gii iyo idaacadii Galmudug, isagoo baabuur la’aana ayuu dhex lugeeyaa Magaalooyinka Galmudug ee cid ka dhiidhisay ma aragteen ?

5- Axmed Qoor Qoor oo dhulweynaha Sacad safar ku soo maray, looguna xoola qalay ayaa bilooyin kadib sidii loo sugaayay inuu degmooyin u magacaabo wuxuu degmo u magacaabay BAXDO oo beeshiisa degto ee cid ka dhiidhisay quursigaas ma aragteen?

6- Axmed Qoor Qoor oo lagula heshiiyay inuu Caydiid u magacaabo Gudoomiyaha Hobyo ayaa afka xirtay, albaabada laabtay ee cid ku garaacday xafiiskiisa ma maqasheen ?

7- Wasaaradaha Dowladda Federalka oo dhan waa ku dulman yihiin shaqaalaha beesha Sacad u dhashay, tusaale Wasaaraddii Warfaafinta oo Sacad gacanta ku hayeen 27 sano ayaa guud ahaan laga takooray , xitaa Agaasime Waaxeed kuma laha Wasaaradda Warfaafinta ee Xildhibaan, Wasiir, Senator iyo Ra’isulwasaare ka dhiidhiyay ma aragteen ?

8- Madaxweynaha Puntland Saciid Deni wuxuu Axmed Qoor Qoor kala hadlayaa inaan Galkacyo lagu qaban doorashadda gollaha shacabka, sababtuna waxey tahay in la godoomiyo Magaaladii awooweyaasheen iilka u galeen ee cid ka hadleeysaa ma aragteen ?

9- Dhaawacyadii Galkacyo waxey ku dacdareeysan yihiin Isbitaaladda Muqdisho, qof u hadleeysana lama arko , waxaan daawanay Video laga soo duubay dadkoodii oo leh "Lacagtii lagu daweeyay ayaa nagula heystaa”?

10- Dhalinyaradii Sacad waxey toban sano ka badan ku xiran yihiin Garowe iyagoo loo heysta iney burcad badeed yihiin haddana nasiibdaro cid u hadleeysa ama ka hadleeyso lama hayo.

11- Dhalinyaradii Sacad ee ka baxay Jaamacadaha waxey shaqo la’aan ku yihiin meel walba, gobolka Mudugna waa la godoomiyay oo Canshuurta laga qaado xitaa laguma celiyo sidaas darteed ma waxaa quman inaan iskaga aamusno dadkeena oo nin walba biilka reerkiisa ka fikiro ?

12- Beelweynta Sacad ma waxey ku qanacsan tahay iney taladda uga dambeeyaan dalaaliin aan magacii wanaagsanaa ee awooweyaasheen nooga tageen dan ka laheyn mase tahay macquul inaan marti ka noqono maamulkii Galmudug ee aan ku xoog iyo xoolo beelnay ?

Haddii aad tahay Oday dhaqameed, Senator ,Xildhibaan, Wasiir, Ganacsade , Ra’isulwasaare iyo Musharax Madaxweyne ii sheeg maxaad u heeysaa dadkaan iyo degaankaan ? maxaad ka qabatay qodobada kor ku xusan mise ujeedkaada wuxuu yahay inaad xaqa shacabka kaligaa dabaqyo ku dhisatid ?

DANEEYSI INTAAS KA BADAN DADKAAN UMA DULQAADAN KARAAN , DEGAANADII LOO SOO DHINTAY DIFAACOODANA LOOGAMA TANAASULI KARO DAN YAR OO ADIGA KUU GAARA.

Xubin ka noqo Gollaha siyaasadda iyo horumarinta Sacad si aad ugu shaqeeysid dadkaaga iyo degaankaaga.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...