Qiso xanuun badan"Hooyo Xamaaliya Xamar oo booqashada wiilkeeda Xabsiga laga qaado boqol kun iyo sharcidarada uu ku xiran yahay"

0
Saturday January 16, 2021 - 21:29:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3109
  • (Rating 3.7/5 Stars) Total Votes: 3
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Qiso xanuun badan"Hooyo Xamaaliya Xamar oo booqashada wiilkeeda Xabsiga laga qaado boqol kun iyo sharcidarada uu ku xiran yahay"

    Luuley Cismaan Xasan waa hooyo danyar ah oo ku nool xaafadda Ansalooti ee degmada Xamarjajab. Hooyo Luuley waxay dhashay 14 carruur ah, balse waxaa hadda ka nool hal wiil kaliya. Wiilkeeda Xasan Cali Ibraahim oo ku magacdheer Xasan Eelaay wuxuu 2015

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Luuley Cismaan Xasan waa hooyo danyar ah oo ku nool xaafadda Ansalooti ee degmada Xamarjajab. Hooyo Luuley waxay dhashay 14 carruur ah, balse waxaa hadda ka nool hal wiil kaliya. Wiilkeeda Xasan Cali Ibraahim oo ku magacdheer Xasan Eelaay wuxuu 2015 ku biiray ciidanka dowladda. Markii uu mushaar la'aan noqday 8 bil oo xiriir ah ayuu iibsaday qoray AK47 ah oo ay dowladdu siisay, si uu ugu noolaado. Sababtaas ayaana loo xiray bishii Maarso ee 2017, wuxuuna xabsi ku jiraa sanadkii 4aad. Ilaa iyo maantana caddaalad ma helin oo maxkamad lama soo taagin.
Ilaalada xabsigu waxay hooyo Luuley ka qaataan boqol kun oo shilin Soomaali ah mar kasta oo ay wiilkeeda tusinayaan. Hooyo Luuley oo 78 jir ah waxay dhabarka ku qaadataa dambiil ay uga xamaalato suuqa Ansalooti, si ay u shaqaysato quudkeeda, una hesho lacag ay ku soo aragto wiilkeeda oo ay asbuuc kasta hal maalin booqato.

Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed wuxuu dhigayaa in aan muwaadinka xabsi lagu heyn karin 24 saac ka badan iyadoo aan maxkamad la soo taagin. Balse wiilkeedu wuxuu xukun la’aan xiran yahay 1,417 maalin. Maamo Luuley waxay qiraysaa in wiilkeedu qalad galay. Balse waxay ka cabanaysaa in uusan caddaalad helin oo aan maxkamad la soo taagin, aysanna ogayn maalinka uu xurriyaddiisa dib u heli doono halka wiil oo ay carruur ka haysato.

Loading...

Hooyo Luuley iyo wiilkeedaba cidna uma maqna, ceelna uma qodno. Saaxiibkey Cabdiwahaab Axmed Cali oo ay deris yihiin, lana soo dadaalay ayaa xalay arrinkaan iiga sheekeeyay, galabta ayaana ugu tagnay suuqa Ansalooti oo ay ka xamaalanaysay.

Aan codka hooyo Luuley gaarsiinno cid kasta oo wax u qaban karto.

Qore : Xuseen Sabriye.
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...