Ciidanka Gorgor oo Baacsanaya dad dil ka geeystay Galgaduud

0
Sunday January 17, 2021 - 01:15:22 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 816
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Gorgor oo Baacsanaya dad dil ka geeystay Galgaduud

    Ciidanka Gorgor oo Baacsanaya dad dil ka geeystay Galgaduud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Gorgor oo Baacsanaya dad dil ka geeystay Galgaduud

Ciidamada Kumaandooska Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Hawlgalo xasilinta Amniga la xiriira ka wada degaano hoostagga Degmada Balanbale ee Waqooyiga Gobalka Galgaduud.

Howlgalka oo Maalintii Saddexaad si xiriir ah u socda ayaa waxaa uu yahay mid Amniga lagu xaqiijinayay, sidoo kalena lagu baadi goobayo maleeshiyaad dad Shacab ah ku laayay deegaanka Xirsi Lugey ee duleedka degmada Balanballe.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in, iyaga oo fulinta Amarka Madaxda Sare ee dalka iyo kuwa dowlad Goboleedka Galmudug inay baadi goob ku hayaan maleeshiyaadkii todobaadkii hore duleedka Balanballe ku dilay Shanta Ruux ee Shacabka ahaa.

 

Waxaa ay sheegeen in howlgalka uusan joogsan doonin ilaa Ciidamada ay gacanta uga dhigayaan dambiilayaasha, si Cadaaladda loo horkeeno.

 

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in Galmudug ay qaadeyso tallaabo looga hortagayo dilalka aanooyinka qabiil la xiriira iyo sidii lagu soo qaban lahaa maleeshiyaadkii dilka geystay.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...