Qarax lala eegtay saraakiil ka tirsan Ciidamada Danab

0
Sunday January 17, 2021 - 14:00:43 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 785
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax lala eegtay saraakiil ka tirsan Ciidamada Danab

    Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax gobolka Shabeellada Hoose lagula eegtay gaadiid ay la socdeen saraakiil Soomaali iyo ajaanib isagu jirta iyo guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Cabduqaadir Siidii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax gobolka Shabeellada Hoose lagula eegtay gaadiid ay la socdeen saraakiil Soomaali iyo ajaanib isagu jirta iyo guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Cabduqaadir Siidii.

Gaadiidkaas oo ka baxay degmada Afgooye, isla markaana ku sii jeeday dhanka saldhigga Ballidoogle ayaa qarax lagula beegsaday deegaanka Tixsiile, waxaana lagu soo werinayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wafdigaan oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha gobolka Sh/Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii, ayaa waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha ciidanka Danab, Gaashaanle Axmed Cabdullahi Nuur Beeryare, sida ay noo sheegeen ilo dhanka ammaanka ah.

Sidoo kale waxaa la sheegay in wafdigan ay la socdeen saraakiil cadaan ah, waxayna xubno ka mid ah kolonyada la qarxiyey aya Waaga Cusub u sheegeen inay dhaawacmeen illaa afar sarkaal.

Sidoo kale ciidamo ayaa aan la shaacin tiradooda oo isugu jira Danab iyo kuwo cadaan ah ayaa ku geeriyooday qaraxaas, waxaana halkaas ku bas beelay gaarigii uu haleelay qaraxu.

Weli wax war ah kama soo baxin saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Shabeellada Hoose.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...