Hargeysa oo Wafuud kasocota qaramada midoobay ay ku wajahan yihiin

0
Sunday January 17, 2021 - 14:06:39 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa oo Wafuud kasocota qaramada midoobay ay ku wajahan yihiin

    Hargeysa oo Wafuud kasocota qaramada midoobay ay ku wajahan yihiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa oo Wafuud kasocota qaramada midoobay ay ku wajahan yihiin

Magaalada Hargeysa ee degaannada Soomaaliland ayaa waxaa la filayaa in Maalmaha soo Aadan ay  tagaan Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo Wakiilka QM ee Soomaaliya Amb, Jemis Swan.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya ujeedka Magaalada Hargeysa uu u tagayo Wakiilka Qaramada Midoobay, waxaana Warar  Waagacusub uu helay ay sheegayaan  in uu Madaxda Soomaaliland kala hadlayo khilaafka soo kala dhex-galay si dib loogu soo celiyo wada-Shaqeyntii ka dhaxeysay.

Somaliland ayaa dhamaadkii sannadkii hore joojisay Hawlihii Qaramada Midoobay ka haysay Somaliland, ka dib markii ay Soomaliland at sheegtay in qorshaha Waxqabadka QM ee afarta sanadood ee soo socda uu waafaqsan yahay Dawladda Soomaaliya.

Wakiilka QM ee Soomaaliya Amb, Jemis Swan ayaa la filayaa in uu la kulmo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyaga oo ka wada hadli doono xalka gaarista khilaafka labada dhinac iyo dib usoo celinta wadashaqeyntii ka dhaxeysay.

Somaliland oo aaminsan inay ka Go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa dhowr jeer waxaa ay sheegtay in deeqaha uu Caalamka ugu talo galay Somaliland aysan aqbaleyn in loo soo marsiiyo Dowladda Soomaaliya.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...