Farmaajo Oo wada qorshe uu Deni iyo Axmed madoobe iyo Beesha Hawiye is kaga horkeenayo

0
Sunday January 17, 2021 - 15:05:14 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 1147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo wada qorshe uu Deni iyo Axmed madoobe iyo Beesha Hawiye is kaga horkeenayo

    Farmaajo ayaa dajiyay qorshe uu iskaga horkeenayo beelaha Hawiye iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, si ay u kala dhantaasho awoodda mideysan ee ay isku hayaan doorashada, Waagacusub ayaa sidaas ogaaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farmaajo ayaa dajiyay qorshe uu iskaga horkeenayo beelaha Hawiye iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, si ay u kala dhantaasho awoodda mideysan ee ay isku hayaan doorashada, Waagacusub ayaa sidaas ogaaday.

Qorshahan oo loo soo dhiibay madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle, Axmed Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ayaa waxaa loo marayaa doodda raadinta maqaamka Muqdisho, waxaana looga hadlay kulan ay habeen hore labada madaxweyne la yeesheen wasiirada Hawiye ee ku jira dowladda.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa maalmaha soo socda billaaban qorshe ay gadaal ka riixeyso madaxtooyada oo lagu abaabulayo beelaha Hawiye, si mar kale loo dalbado in gobolka Banaadir uu yeesho xuquuq mataalaad, taasi oo madaxtooyada ay taageeri doonto.

Maadaama Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay horey uga hor-yimaadeen arrinta maqaamka Muqdisho, madaxtooyada ayaa rumeysan inay mar kale sidaas sameyn doonaan, taasi oo kadib naceyb ka dhex-abuuri doonta labadan madaxweyne iyo beelaha Hawiye, sida qorshuhu yahay.

Waxaa markaas kadib, sida qurshuhu yahay, kala dhantaalmi doona musharaxiinta mucaaradka ee Hawiyaha u badan iyo Axmed Madoobe iyo Deni, kuwaas oo hadda kasoo wada horjeeda qorshaha doorashada ee Villa Somalia.

Madaxtooyada ayaa rumeysan in kadib ay labadan madaxweyne ku calaameyn karto kuwa wax kasta diidan, oo Soomaaliya ay ka dhaqaali la’dahay. 

Inkasta oo musharaxiinta mucaaradka ay arrintan ka war-hayaan, haddana madaxtooyada ayaa og inaysan ku dhiiran karin inay arrinta maqaamka dood ka keenaan, ayna ku qasabn yihiin inay ka aamusaan.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa horey u meel-mariyey in gobolka Banaadir uu 13 kursi ku yeesho Aqalka Sare, hase yeeshee waxaan sharcigaas saxiixan madxaweyne Farmaajo.

Madaxtooyada ayaan marnaba si dhab ah u dooneyn in arirnta maqaamka Muqdisho ay meel-marto hase yeeshee waxay ogtahay inay tahay mid beelaha Hawiye ay aad ugu dhintaan, cid kasta oo ka hortimaadana ay kala furan doonaan.

Su’aasha ayaa ah odayaasha Hawiye ma fahmi doonaan cayaartan cusub mise waxay u jiheysan doonaan dagaal ay la galaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni?


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...