Deni oo Fariin Culus u diray Shaqsiyaad uu ku eedeeyay iney wadaan kicin dadweyne

0
Sunday January 17, 2021 - 19:25:29 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 1044
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deni oo Fariin Culus u diray Shaqsiyaad uu ku eedeeyay iney wadaan kicin dadweyne

    Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo a safar ku tagey Qardho ayaa tababar usoo xiray dufacadii labaad ee ciidamada Booliska Puntland ee ka qalinjebisay dugsiga Tababarka ee Xorgoble. Munaasabadda tababarka loogu soo xiray dufcadii lab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo a safar ku tagey Qardho ayaa tababar usoo xiray dufacadii labaad ee ciidamada Booliska Puntland ee ka qalinjebisay dugsiga Tababarka ee Xorgoble. Munaasabadda tababarka loogu soo xiray dufcadii labaad ee Ciidamada Booliska Puntland, waxaa ka qeybgalay Guddiga dib-u-habeynta Ciidamada, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland, Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland, Masuuliyiin hore usoo qabtay xilka Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya, xubno ka mid ah goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Karkaar, kan degmada Qardho iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa waxaa uu sheegay in booliskaan uu ka duwan yahay booliiskii hore isla markaasna ay diyaar u yihiin in ay cid kasta oo dambi gasha cadaaladda la tiigsadaan.

Madaxweynaha ayaa u digey dadka uu ku sheegay in ay ‘ caadeysteen fulinta dano siyaasadeed iyo kicinta bulsho iyagoo adeegsanaya barasha bulshada’.

” Dadka waayadan danbe caadeystay iyagoo dano Siyaasiyiin meelo kale jooga ka fulinaya, inay dadka kiciyaan, Booliiskaan booliiskii hore waa ka duwanyahay waxaa dacwad lagugu soo oogaya meelkasta oo aad joogto oo danbi ku gashid, Facebook xitaa hadda danbi ku gashid danbibaarayaashu waa kusoo qabanayaan, danbigu maaha kan banaanada lagu qabto keliya, haddaa Facebook-ga kacdoon, kicin, dil iyo belaayo ka shaqeysid ogow cadaaladda Puntland waa ku arkeysaa, ama Magac gabdheed Facebook-ga saarso ama mid odeyeed saarso adey kuu taalla waa lagu soo qabanaayaa”

Madaxweyne Deni mar uu ka hadlay xaaladda Soomaaliya waxaa uu yiri:

” Waxaan har iyo habeen u taaganahay Soomaaliya sidii loo sixi lahaa nidaamkeeda Siyaasiga ah inaan gacan ka geysano, Laakiin waxaan marna Madax iyo Shacabka reer Puntland aan suuragal ka aheyn, Wadada Soomaaliya lagu soo celinayo intii la qaloociyo la yiraahdo iska sabra dalku haadaan ha ku dhacee taas ma suuragaleyso, wixii aan u aragno iney khaldanyihiin waa sheegaynaa, waxaan rabnaa dalkan marbuu khaldamay, burbur galay, dadkiisu isnaceen, kala irdhooben, waxaan rabnaa inuu si sax ah u dhismo, mar danbe maamulka Dowladded ama kan Puntland ha ahaado ama kan Soomaaliyeed in uusan burburin” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...