Mahad salad oo farrmaajo ku eedeeyay inuu ka danbeeyay Wiilashii tababrka Eretariya loogu qaaday oo kudhintay Dagaaladii kadhacay Itoobiya

0
Monday January 18, 2021 - 14:50:30 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mahad salad oo farrmaajo ku eedeeyay inuu ka danbeeyay Wiilashii tababrka Eretariya loogu qaaday oo kudhintay Dagaaladii kadhacay Itoobiya

    Mahad salad oo farrmaajo ku eedeeyay inuu ka danbeeyay Wiilashii tababrka Eretariya loogu qaaday oo kudhintay Dagaaladii kadhacay Itoobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mahad salad oo farrmaajo ku eedeeyay inuu ka danbeeyay Wiilashii tababrka Eretariya loogu qaaday oo kudhintay Dagaaladii kadhacay Itoobiya

Waxaa soo xoogeysanaya walwalka iyo walaaca laga qabo, gaar ahaan waalidiintooda masiirka dhallinyaradii Soomaaliyeed ee dalka Eritrea loo qaaday. Waxaa soo baxaya xog ah in qaarkood loo adeegsaday dagaalka ka socda Gobolka Tigreega. Waalidiinta wiilashooda maqanyihiin waa in ay is urursadaan oo ay si wadajir Dowladda uga dalbadaan in ay ubadkoodii u soo celiso.

Guddoonka iyo Guddiyada difaaca labada aqal ee Baarlamaanka waa in ay hawshan u istaagaan, baaritaanna ku sameeyaan, lana kulmaan waalidiinta wiilashoodu maqan yihiin.

Xisbiyada siyaasadda, murashaxiinta, warbaahinta, bulshada rayidka ah iyo odayaashii damiinka ka ahaa wiilasha waa in ay dowladda ku cadaadiyaan in ay dalka dib ugu soo celiso dhallinyaradaas inta nool, qancisana waalidiinta ubadkoodu maqanyahay.

Ma jirto khiyaanno qaran oo ka weyn, haddii ay dhab noqoto in wiilal Soomaaliyeed sidii xaabadii oo kale loogu shiday dagaal ahli ah oo dowlado shisheeye ka dhex socda, waana in lagula xisaabtamo madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee hawshaas ku lug yeelata.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...