Siyaasiin Qoor Qoor ugu baaqay inuu is-casilo

0
Monday January 18, 2021 - 16:20:28 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 1031
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiin Qoor Qoor ugu baaqay inuu is-casilo

    Siyaasiin Qoor Qoor ugu baaqay inuu is-casilo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiin Qoor Qoor ugu baaqay inuu is-casilo

Wasiirkii hore ee qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Galmudug Cabdikaafi Maxamed Maxamuud Qaaf ayaa ugu baaqay Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor inuu is-casilo.

Cabdikaafi ayaa sheegay in muddadii uu xilka hayey Qoor Qoor ay Galmudug sameysay dib u dhac aad u wayn, taasi oo ay ugu wacan tahay in siyaasadihii madaxweynaha ay fashilmeen, sida uu hadalka u dhigay.

"Dagaalo qabiil ayaa deegaanka ka abuurmay markii uu Qoor Qoor yimid, Xananbuuro, Guriceel iyo Matabaan, iyo deegaano kale oo nabdoonaa ayaa hadda wada colaad ah alshabaab waxeey yimaadeen deegaanno aysan horey u imaan jirin,” ayuu yiri Cabdikaafi.

"Ma dhicin in Galmudug reeraha dagan ay gaaraan heerkaan, in wax garad la laayo,” ayuu yiri, isaga oo tixraacayey dilal aanooyin ku dhisan oo deegaanka ka billowday.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...