Qoor Qoor oo u hanjabay wariyaasha Galmudug

0
Tuesday January 19, 2021 - 21:51:07 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 887
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoor Qoor oo u hanjabay wariyaasha Galmudug

    Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo hadal ka jeediyey kulan tacsi loogu sameynayey saraakiishii qeybta 21-aad ee qaraxii Gaalkacyo lagu dilay, ayaa u hanjabay dadka taageera Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo hadal ka jeediyey kulan tacsi loogu sameynayey saraakiishii qeybta 21-aad ee qaraxii Gaalkacyo lagu dilay, ayaa u hanjabay dadka taageera Al-Shabaab.

Qoor Qoor ayaa si adag ugu goodiyey dadka u nugul amarrada Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada Galmudug iyo dad uu sheegay inay buun-buuniyaan goobaha ay qabsadaan Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku tilmaamay ‘damiir laaweyaal’ sida uu hadalka u dhigay.

"Waxaan rabnaa kuwa dhibaatada argagixisada buun-buuniya, kuwa fariimahooda u hoggaansama oo is leh amey si gaar ah kuu dhibaateeyaan ama qaarkood dano raqiisa ka leh, waxay noola mid yihiin Al-Shabaab,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, "Kuwa mar kasta yiraahda Shabaab ayaa meel hebla qabsaday, Shabaab ayaa saas yeelay, waa maan-laaweyaal aan garaneyn waxa ay ku hadlayaan, waxuu rabaa cadawgaas inuu dadka u xayeysiiyo, isagoo si xun u fekeray.”

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...