Janaan oo ku dhaartay in uu dagaal ku qaadayo Balad-xaawo Shacabkana ugu baaqay iney ka qaxaan magaladaasi

0
Friday January 29, 2021 - 12:37:24 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 1786
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Janaan oo ku dhaartay in uu dagaal ku qaadayo Balad-xaawo Shacabkana ugu baaqay iney ka qaxaan magaladaasi

    Xubno katirsan Jubbaland ayaa si adag uga hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, iyadoo halkaas uu ka dhacay dagaal saacado socday Isniintii. Cabdirashiid Janan, xildhibaano ka tirsan maamulka, gobolka Gedo ee dhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubno katirsan Jubbaland ayaa si adag uga hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, iyadoo halkaas uu ka dhacay dagaal saacado socday Isniintii. Cabdirashiid Janan, xildhibaano ka tirsan maamulka, gobolka Gedo ee dhinaca Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada Daraawiishta ayaa kulan ay isugu yimaadeen waxey kaga hadleen xaaladda hadda jirta

.

Cabdirashiid Janan wuxuu ka dhawaajiyay ineysan u dulqaadan doonin wixii ka dhacay Beledxaawo isla markaana ay tallaabo qaadi doonaan.

Janan wuxuu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Beledxaawo, wuxuuna shacabka deegaanka ugu baaqay iney isaga baxaan magaalada si aysan dhibaato usoo gaarin.

Wasiirka wuxuu eedeyn usoo jeediyay madaxweynaha wakhtigiisa sii dhamanayo ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna ku eedeeyay inuu hurinayo dhibaatooyinka ka jira magaalada Beledxaawo.

Magaalada Beledxaawo waxaa dhawaan ka dhacay dagaal saacado socday kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamo uu hogaaminayo wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Dowladda Soomaaliya waxey dagaalka ku eedeysay iney soo abaabushay dowladda Kenya, balse eedeyntaas wey ka jawaabeen Kenya iyagoo sheegay iney ka madax bannaan yahiin waxa ka socda Gedo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...