Dhuusamareeb maxaa ka socda ?

0
Tuesday February 02, 2021 - 14:54:34 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 2283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhuusamareeb maxaa ka socda ?

    Waagacusub.com - Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa si weyn uga socda diyaar garoowga furitaanka shirka wadatashiga madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Sida uu ogaaday Waag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa si weyn uga socda diyaar garoowga furitaanka shirka wadatashiga madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Sida uu ogaaday Waagacusub waxa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu shirka u furmo si rasmi ah, waxaana Dhuusamareeb ku sugan Farmaajo, iyo Ra'iisal Wasaare Rooble iyo Madaxda HirShabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland & Galmudug oo shirka marti-gelineysa.

Sidoo kale waxaa gaaray  Dhuusamareeb Madaxweynaha Puntland & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, oo iyagu qeyb ka ah shirka wada-tashiga ee looga hadlayo is-mari-waaga doorashada oo muddooyinkii dambe marayay meel xasaasi ah.

Waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka magaalada Dhuusamareeb, iyada oo waddooyinka muhiimka iyo xaafadaha qaar lagu daadiyay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Galmudug, oo ka wada-shaqeynaya xaqiijinta amniga.

Sida qorshuhu yahay waxaa shirkan xal kama dambeyss ah looga gaaraya xaaladda dalka iyo doorashooyinka, gaar ahaan tabashada ay qabaan madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland, oo iyagu hore u qaadacay hanaanka doorashada, balse ku soo dabcay waan-waanta beesha Caalamka.

Waxaa isha lagu wada hayaa natiijada ka soo bixi doonta shirka Dhuusamareeb, maadama uu khilaafka doorashada xiisad cakiran ka abuuray dalka, xili maalmo tirsan ay ka harsan yihiin muddo xileedka madaxweyne Farmaajo oo dadka la sinaan doona wixii ka dambeeya 7 February 2021.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...