Shirka Dhuusamareeb oo la is ku mari la,yahay

0
Friday February 05, 2021 - 13:22:08 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 2314
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Dhuusamareeb oo la is ku mari la,yahay

    Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa u muuqda in ay guulo waa weyn ka soo hoyeen shirka ka socda Dhuusamareeb sida ay sheegayaan natiijooyinka hordhaca ah. Axmed Madoobe iyo Deni ayaa diidanaa sida loo soo magacaabay guddiga door

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa u muuqda in ay guulo waa weyn ka soo hoyeen shirka ka socda Dhuusamareeb sida ay sheegayaan natiijooyinka hordhaca ah. Axmed Madoobe iyo Deni ayaa diidanaa sida loo soo magacaabay guddiga doorashada Goballada Waqooyi, arrinta gobalka Gedo ee ciidanka dowladda ka jooga halkaas iyo saameynta ay ku leedahay, iyo xubnaha guddiyada qaar oo shaqaale dowladeed ah, iyo kuraasta la siiyey gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

Sida hadda muuqata, waxaana hadda heshiis laga gaaray qaar ka mid ah qodobadaas, waxaana xalka noqday sida ay wax u doonayeen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dooday in arrinta gobalka aysan ku jirin qodobadii lagu heshiiyay sanadkii hore halka Deni iyo Axmed Madoobe ku doodeen in heshiiskii hore ay qeyb ka aheyd in Garbahaareey doorasho lagu qabto sidaas darteedna ay doodoodu tahay helida magaaladaas iyo gobalka oo dhan, taas oo u muuqato in ay u dhacday sidii ay rabeen.

 

 

Sidoo kale arinta gobalada Waqooyi ayaa la sheegay in ay wax ka badaleen, iyada oo la isku raacay in Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ay heshiis ka gaaraan, taas oo siineysa libinta daqiiqadaha uu shirka socdo inkastoo wax kasta is badali karaan.

 

Sidoo kale arrinta gobolka Banaadir, ayaanba shirka lagu soo qaadin, waxaana sida muuqata heshiiis la gaari doonaa iyada oo aan gobolka Banaadir lagu soo darin. Arrintaasi ayaa waxaa saacidaya beesha caalamka oo dalbatay in heshiiska lagu saleeyo kii 17-kii September, oo aanu gobolka Banaadir ku jirin. Arrintan ayaa guul kale u ah Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

 

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa laba jeer shirka kabaxay iyadoo markii dambe dib loogu soo celiyay. Sidoo kale waxaa jiro doodo badan oo wali socda kuwaas oo aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonaan.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...