Beesha Caalamka oo si kulul uga hadashay doorashadda Somalia ?

0
Monday February 08, 2021 - 13:46:14 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 2368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamka oo si kulul uga hadashay doorashadda Somalia ?

    War Qoraal ah oo kasoo baxay xubnaha dalalka beesha caalamka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marxaladda adag ee kala guurka ah, doorashooyinka 2021-ka iyo shirkii wada-tashiga Dhuusamareeb. Qoraalkan oo ay si wadaji

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Qoraal ah oo kasoo baxay xubnaha dalalka beesha caalamka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marxaladda adag ee kala guurka ah, doorashooyinka 2021-ka iyo shirkii wada-tashiga Dhuusamareeb. Qoraalkan oo ay si wadajir ah usoo saareen xubnaha beesha caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inay soo dhoweynayaan dadaallada socda ee ku aadan arrimaha doorashooyinka dalka, si looga gudbo xaaladda adag ee kala guurka ah.

Sidoo kale beesha caalamka ayaa shaaca ka qaaday in horumar laga sameeyey qodobada qaar ee shirkii Dhuusamareeb kuwa kalena lagu kala tegay, balse ay rajeyneyso in markale laga wada-hadlo, si loo sii amba-qaado dadaallada socda ee doorashooyinka 2021.

"Wadahadalladii lagu qabtay Dhuusa-mareeb 1-6 Febraayo horumar ayaa laga sameeyay qodobo badan oo muhiim ah, laakiin laguma wada heshiin dhammaan qodobadii taagnaa. Waxaan aaminsannahay in weli ay suurtagal tahay in la gaaro is-afgarad, iyo in dhammaan dhinacyadu ay ogol yihiin wada hadallo dheeri ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqday madaxda federaalka ah ee Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo saamileyda kale inay muujiyaan tanaasul, si loogu heshiiyo hirgelinta doorashooyinka, iyadoo la ilaalinayo danta guud ee qaranka.

Ugu dambeyn wakiilada ayaa ka digay in la qabto doorasho aan heshiis lagu aheyn, waxayna shaaciyeen in aanay heli doonin taageerada saaxiibada beesha caalamka.

 

 


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...