[Qoyskii Somalida] ee Jamcihii Faqiirka Ahaa Sabtidiina Taajirka noqday Norway

0
Tuesday February 16, 2021 - 09:17:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 5709
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 1
  • Share via Social Media

    [Qoyskii Somalida] ee Jamcihii Faqiirka Ahaa Sabtidiina Taajirka noqday Norway

    Waagacusub.com - Maxamed Jaamac waa Aabaha Qoyskan, Waxayna ku nool yihiin Wadanka Norway isaga Caruurtiisa iyo Xaaskiisa Maxamed oo Degan Guri uu Leeyahay Kamuunka ( Dawlada hoose ) ee Dagmada Toyen ee Caasimada Oslo Ayaa bishii ugu dambaysay Dha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Maxamed Jaamac waa Aabaha Qoyskan, Waxayna ku nool yihiin Wadanka Norway isaga Caruurtiisa iyo Xaaskiisa Maxamed oo Degan Guri uu Leeyahay Kamuunka ( Dawlada hoose ) ee Dagmada Toyen ee Caasimada Oslo Ayaa bishii ugu dambaysay Dhaqaalaha soo Galaa dhaafay intii ay ku heshiyeen kamuunka
Maxamed iyo Kamuunka ayaa ku heshiiyey haddii Mushaarkiisu u dhaafo 15.000 karoon oo u Dhiganta  1500 dolar  bishii , 
In Qoyskiisu Raadsado Guri Private ah oo Ah Kuwa Shacabka ee Kiradu Qaaliga tahay kana Baxo Guriga Kamuunka ee kirada Jaban Waa Sida kamuunku Sheegay. 
Bishaan ayaa Maxamed waxaa la Soo Xiriiray maamulka kamuunka Waxana loo Sheegay inuu gaaray Dhaqalahihii lagu Heshiiyey Sidaa awgeed u baneeyo Guriga
Ints]aa ka dib Maxamed ayaa Kamuunka u qoray Waraaq Cabasho ah oo u ku Dalbanayo in lagu eego il naxariis leh hadana ay tahay xili Karoone oo aanu helayn guri kiro ah  Sidoo kale Caruur yar yar u wato Qabow darana u dhacaayo. 
Kamuunka oo aan Wada Tashi ka yeelan kiiska  Maxamed Sidoo Kale  aan u furin Kiis ayaa Maamulka Qaybta Guryahu Qaatay , Go.aan ah in Maxamed loo Adeegsado Xoog loona diro Askar Si Guriga looga Dareeriyo Qoyska.
Askarta ayaa Albaabka ka gashay Qoyskii oo Xili Baraf badan dhacaayay ,,,  Ka Soo Baxa Guriga iyo Maxaa Dhacay , Buuq Badan  ka dib Askartii Waxay ku adkaysatay in la Soo siiyey Amar Gurigana ay Xirayaan
Caruurtii oo Qaar Hurdeen Ayaa la Soo Kiciyey  Waxana loo Saaray barafka ,,,  Gurigiina Waa laga Xiray Qoyskii Ayaa  Talo ku Cadaatay
Ciidanka Qaar ka Mid ah Ayaa Hooyada iyo aabaha Qoyska ka Codsaday inay u raaci Karaan Guriga la Seexiyo Sakhraaminta dariiqyada laga Qaado ,,   Qoyska Ayaana Diiday Dalabka oo Kaga Haray halkii
Inta ka dib Waxaa soo Baxay deriska oo ka war helay Masiibada Caruurta Debeda Keentay Xiligan Qaboobaha ah.  
Gabadh Deriska ah oo Cadaan Norweyji ah ayaana Facebook ku Qortay Qisada ku dhacday Qoyska Waxaana Share gareeyey Kumanaan Kun oo Qof 
Sheekadii ayaana Baraha Bulshada Qabsatay Waxayna Dib ugu Soo Laabatay Maamulkii oo  la kulmay Cambaarayn Xoogan ,,  Sheekada ayaana gaadhay heer maamulka laga Dalbado Is Casilaad Deg Deg ah.
Gabadhii Sheekada Qortay Ayaa Shacabka Norway ka Dalbatay in Qoyska loo Uruuriyo 50,000 karoon taas oo ah Debaajiga Guriga ay kiraysan Doonaan
Laakin Lacagti Ayaa Saacad wax ka yar ka dib  dhaaftay Halkii Goal ku Ahaa Waxayna Sheegtay Inay ku Qasbanaatay inay u Bedesho  Ilaa Boqolkun oo Karoon laba Saac Ka Dib Ayey Hadana Dhaaftay Halkii
Inta ka Dib Gabadhii Ayaa Qaadatay go,aan kale oo ah in  Ciwaanka Sheekadaba loo Bedelo Guri Ha loo iibsho ,,,  markay aragtay Xawliga lacagtu ku Socoto Waxanay goalka lacagta ka Dhigtay Hal milyan , 24 Saac ka dib Maxamed Lacagtiisii Waxay Gaadhay Hal malyan. 
Isagoo jimcihii Faqiir ahaa Ayuuna Sabtidii Taajir noqday Hada Maxamed Jamac iyo Maryan Xuseen  Waxay Raadinayan Guri weyn oo iib ah ,,   Kamuunkiina Waxay rabaan inay Guriga la soo iibiyan  Si iyagu  Xalka Qayb uga Noqdaan isagana Jeediyaan Indhaha Shacabkii soo doortay 
Waa Halkii laga odhan  Jiray Wax aad Shar moodayso Ayaaba khayr ku ah ,,  ku Darsoo Lacagta Qoyskan ilaa Hada Kor ayey u Socotaa Waxana Suuro gal ah inay gaadho Lacag u goysa laba Guri  ,,    
 Dawlada Dhexe ayaana Shaacisay in aan la Cashuuri Doonin lacagta maxamed iyo maryan Sidoo Kale Mulkiilaha Shabakada lacag uruurinta Norway ee ipas ayaa Sheegay in uu ka dhaafay Khidmadiisi 

Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...