Dil qorsheysan oo ka dhacay Beledweyne & Wararkii ugu dambeeyey

0
Saturday February 27, 2021 - 13:33:30 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 2462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dil qorsheysan oo ka dhacay Beledweyne & Wararkii ugu dambeeyey

    Kooxo hubeysan ayaa maanta toogasho ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Somalia oo ku sugnaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhaca bartamaha Somalia Wararka ayaa sheegaya in askariga la dilay xilli uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo hubeysan ayaa maanta toogasho ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Somalia oo ku sugnaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhaca bartamaha Somalia Wararka ayaa sheegaya in askariga la dilay xilli uu ku sugnaa Suuqa Xoola oo ku yaalla xaafadda Howl-wadaag ee degmadaasi.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiay, Macallin Cismaan Cabdikariin, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

 

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in raggii ka dambeeyay dilka ay goobta isaga baxsadeen, iyaga oo horey usii qaatay qoriga uu watay askariga.

 

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, iyaga oo meydka kasoo qaaday halkaasi.

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa Beledweyne ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan, mana jirto wax uu ka qabtay maamulka degmada.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...