[Topnews:-] Fahad iyo Farmaajo oo shrqoolka lagu dilaa 15 Xildhibaan ku xawilay Gudoomiye Mursal ?

0
Sunday March 28, 2021 - 22:04:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4214
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Fahad iyo Farmaajo oo shrqoolka lagu dilaa 15 Xildhibaan ku xawilay Gudoomiye Mursal ?

    Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Mr Farmaajo iyo Taliyahiisa Sirdoonka Fahad Yasin Haji Dahir oo xaqiiqsaday ineysan waqti kordhis sameeyn karin inteey Baarlamaanka Xildhibaano ka yihiin rag gaaraya 15 Xildhibaan ayaa magacyadda ragaas u qoray Gudoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Mr Farmaajo iyo Taliyahiisa Sirdoonka Fahad Yasin Haji Dahir oo xaqiiqsaday ineysan waqti kordhis sameeyn karin inteey Baarlamaanka Xildhibaano ka yihiin rag gaaraya 15 Xildhibaan ayaa magacyadda ragaas u qoray Gudoomiyaha KMG ee Gollaha shacabka Mr Mohamed Mursal. Mohamed Mursal oo aan ka fiirsan ujeedka laga leeyahay Liiska magacyadda Xildhibaanadda loo dhiibay inuu faafiyo ayaa saxiixay warbaahintana u qeybiyay.

Liiska Xildhibaanadda 15-ka ah, Xildhibaanka koowaad ee la yiraa Elmi Mohamed Nur ayaan ka qeybgelin kulankii buuqa ku dhamaaday ee baarlamaanka taas oo cadeeysay inuu Mursal saxiixay warqad uu Fahad Yasin ugu qoray liiska Xildhibaano la doonayo in la dilo kadibna dusha laga saaro Gudoomiye Mursal.

Sikastaba ha ahaatee, Gudoomiyaha baarlamaanka awood sharciyeed uma lahan inuu Xildhibaano ka tirsan gollaha shacabka magacyadooda ku faafiyo Warbaahinta isagoo duldhigay amar uusan awood sharciyeed u laheyn laakiin waxaa muuqata inuu dusha saartay dimbi weyn taas oo uu xaqiiqsan doono marka ay dilaan kooxaha loo diyaariyay.


Loading...

[email protected] 

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...