[Topnews:-] Dowladda Mareykanka oo Farmaajo luqadii ugu adkeed ugu sheegtay seddex fariin

0
Wednesday March 31, 2021 - 01:59:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1822
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Dowladda Mareykanka oo Farmaajo luqadii ugu adkeed ugu sheegtay seddex fariin

    Waagacusub.com - Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay si toos ah War-saxaafadeed uga soo saartay xaaladda khilaafka Doorashada Soomaaliya ee la isku mari la' yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay si toos ah War-saxaafadeed uga soo saartay xaaladda khilaafka Doorashada Soomaaliya ee la isku mari la' yahay.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Anthony Blinken ayaa ka dalbada madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada inay sida ugu dhaqsiyaha badan u qabtaan Doorashada, wuxuuna muujiyey walaaca Mareykanku ka qabo in xaaladan ay dhaliso burbur ku yimaada horumarkii Soomaaliya.

War-saxaafadeedka  waxaa ku dhex jiray saddex farriimood oo ka tarjumaya mowqifka Mareykanka ka taagan yahay xaaladda cakiran ee Soomaaliya, waxayna kala yihiin:

1- Inay suuragal ahayn in xaaladdan ay sii socoto, qasabna ay tahay in Doorasho la qabto, waqtiguna ku socdo madaxda xilka sii fahhiya, markii muddo xileedkoodu dhammaaday.

2- Digniin ah in khilaafka Doorashada oo sii daba dheeraada uu keeni karo inay Soomaaliya dib ugu noqoto sanado ka hor, ayna meesha ka baxaan horumarkii 10kii sano ee u danbeeyay la gaaray.

3- Iyo inaan la ogolaan karin qalalaase iyo awood adeegsi, lana hor istaagi karin Bannaanbaxyada siyaasadeed ee nabadda ku dhacaya.

Fariimahan waxay intooda badan si toos ah ugu socdaan Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaana muuqata in Mareykanka aad uga walaacsan yihiin sida xaalada Soomaaliya ku socoto xilligan.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...