[Topnews] Sarkaalka fuliya qaraxyada ugu badan Somalia iyo Kenya waa Wasiir ka tirsan Xukumada iyo Xildhibaan Federal.

0
Monday April 05, 2021 - 02:11:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4175
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews] Sarkaalka fuliya qaraxyada ugu badan Somalia iyo Kenya waa Wasiir ka tirsan Xukumada iyo Xildhibaan Federal.

    Waagacusub.com - Cabdiraxman dheere oo magaciisa runta uu yahay Xasan Jamac Xersi [Xasan Dhuux] waa Wasiiru dowle ka tirsan Xukumadda Somalia , Xildhibaan ka tirsan Gollaha shacabka iyo Sarkaal sare oo ka tirsan argagixisadda Al-Shabaab ee qaraxyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Cabdiraxman dheere oo magaciisa runta uu yahay Xasan Jamac Xersi [Xasan Dhuux] waa Wasiiru dowle ka tirsan Xukumadda Somalia , Xildhibaan ka tirsan Gollaha shacabka iyo Sarkaal sare oo ka tirsan argagixisadda Al-Shabaab ee qaraxyada iyo dilalka baahsan ka geysata dalalka geeska Afrika sida Somalia, kenya ,Jibouti iyo Uganda.

Cabdiraxman dhere oo ka shaqeeyn jiray Maqaayad ku taal degmadda Wadajir ee Muqdisho wuxuu ku biiray argagixisadda Al-Shabaab sanadkii 2005. wuxuu tababar ku qaatay degaanka Salaaxudiin, wuxuuna kadib noqday darawalka gaarkaa ee Adan Hashi Ceyrow oo ahaay Taliyahii Ciidanka Al-Shabaab.

Argagixisadda Amniyaatka Al-Shabaab waxey Cabdiraxman dheere u direen Asmara Eritrea si uu xog uga keeno dhaqdhaqaaqyadii ay wadeen Shariif Sheikh Ahmed oo ahaay Gudoomiyahii gollaha Maxaakiimta iyo Sheikh Hassan Dahir Aweys.

Cabdirahman Dheere wuxuu ka mid noqday Xildhibaanadii baarlamaankii tiradda badnaay ee  Dowladii uu Shariif Sheikh Ahmed ka noqday Madaxweynaha sanadkii 2009 DJibouti. wixii xilligaas ka dambeeyana wuxuu xooga saaray sidii uu Al-Shabaab ugu basaasi lahaay macluumaadka Dowlada, wuxuu u gudbiyay agabka Ciidanka sida dharka Ciidanka iyo kiimikadda loo adeegsado qaraxyadda oo ay kala soo degaan dekadda Muqdisho.

Wasiir Cabdiraxman dhere oo weli isku haya xilka Wasiiru dowlaha gaadiidka iyo Xildhibaan ka tirsan gollaha shacabka Somalia wuxuu ka mid yahay Saraakiisha sare ee Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Somalia [NISA] Wuxuuna saaxiib dhaw la yahay Taliyaha Ciidankaas Fahad Yasin Haji Dahir.

Wasiir Cabdiraxman dheere waa khabiir ku taqasusay sida loo bixiyo laaluushka, qiyaameeynta qofkii ka shakisa, waana sababta loo qaban waayay oo mar walba wuxuu la saaxiibaa madaxda ugu sareeysa dalka isagoo iska dhigaya inuu daacad u yahay oo aad u taageersan yahay.

Cabdiraxman dhere wuxuu dilay dhamaan saraakiishii baarayay xiriirkiisa Al-Shabaab wuxuu sidoo kale ka dhex sameeystay hay'adaha amniga ee dowladda Somalia saraakiil isaga u daacada oo bil walba uu lacago mushaara siiyo. 

Baaris ay sameeyeen khubaro madaxbanaan ayaa lagu xaqiijiyay inuu Cabdiraxman dheere abaabulay qaraxyo waaweyn oo gudaha Somalia iyo Kenya ka dhacay. sida qaraxii Hotel Kismayo iyo weeraradii lagu laayay Askartii Ciidanka Kenya ee Ceelcade ku lahaay taliska weyn.

Wasiir Cabdiraxman dheere oo la xaqiijiyay inuu ahaay shaqsigii abaabulay qaraxii lagu dilay Gudoomiyahii gobolka Banaadir Cabdiraxman Yariisow, wuxuu ku guuleeystay ineysan Saraakiisha amniga dowladda baaris ku sameeyn qaraxaas, wuxuuna burburiyay oo la baxay Kaamiradii duubeeysay xarunta iyo dhamaan raadadkii kiiskaas, sida gabadhii waday gabadhii isqarxisay oo uu ka dhoofiyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyadoo hadda ku dhuumaneysa dalka Uganda.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...