[Topnews] Muqdisho Waxaa Sare u kacay qiimaha hubka lagu iibiyo hubka noocyadiisa kala duwan

0
Tuesday April 06, 2021 - 17:39:06 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 356
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Topnews] Muqdisho Waxaa Sare u kacay qiimaha hubka lagu iibiyo hubka noocyadiisa kala duwan

    Muqdisho: Qiimaha lagu iibiyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa sare u kac ku yimid shantii bilood ee u dambeysay iyadoo arrintan dhowr arrimood loo sababeeyay, sida khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada iyo xaaladii ka jirtay Gobolka Gedo, h

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho: Qiimaha lagu iibiyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa sare u kac ku yimid shantii bilood ee u dambeysay iyadoo arrintan dhowr arrimood loo sababeeyay, sida khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada iyo xaaladii ka jirtay Gobolka Gedo, halkaasoo dowladdu hub u daabuleysay. Xog uruurin aan maalmihii la soo dhaafay ku sameeyay hubka lakala iibsado iyo suuqyada loo yaqaano cirtoogte ayaa la ii sheegay in labadi bilood ee la soo dhaafay hubka aad loo kala iibsanayay, iyadoo qiimihii hore la iibinayay labo jibaar ku dhow uu qaaliyoobay.

Hubka noocyadiisa kala duwan ee la iibsanayay ayaa isugu jiray qoriga Dhashiikaha, Qoriga PKM, RPG ama Sabanka iyo Qoriga AK47.

Dhinacyada ugu badan ee suuqyada cirtoogtaha hubka ka iibsanayay hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka mid ah qaar ka mid ah Musharaxiinta oo aad isu hubeynayay, waxaana arrintan ay ka dambeysay 19 February markii magaalada Muqdisho ka dhaceen shaqaaqo iyo isku dhacyo u dhaxeeyay Musharaxiinta iyo dowladda oo Hotel ay degenaayeen Madaxweynayaashi hore la weeraray, sidoo kalena bannaan bax ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah Musharaxiinta la rasaaseeyay, inkastoo dowladdu cudur daar ka bixisay shaqaaqadaas
Loading...


Hubka kaliya ma noqon qaali waxa kaloo sare u kacay rasaasta la iibiyo hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo rasaasta qoriga RPG ama Sabanka loo yaqaano uu gaaray halkii xabo $260.

Haddaba waxaa halkan ku soo koobeynaa qiimaha hubka noocyadiisa kala duwan:

1- Qooriga Dhashiikaha 21 kun oo dollar halka marki hore ahaa 15 kun oo dollar

2- Qooriga PKM 16 kun oo dollar halka marki hore uu ahaa 12 kun oo dollar

3- Qoriga RPG ama sabanka 3kun oo dollr halka hore kun shan boqol oo dollar

4- AK47 $1,800 halka markii hore $1,100

5- bastoolada $2,200 markii hore $1,500


Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...